“Inta Suuska Diirta cambuuleysata & inta Bejiyaha ka dhigata”
ILAAHAY ayaa mahadleh, Nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabigeeni Muxamed ahaa N.N.K.H ehelkiisa iyo asxaabtiisa dhamaan.
Maanta isaga warramimayno inuu Soomaaliya 22 sano ka socday dagaal sokeeye oo meelaha qaarkood umula doox gaaray. Kaasi, wuxu jid ufuray dhimasho ka sokow, wax allaale wixi dagaal belo barbar gasha oo ay kamid yihiin: Burburka, qaxa, dhaca, kufsiga, gaajada, haraadka, cudurka iwm.
Wuxuu kale oo kan sokeeye kaga sii xag jiraa oo isaga u gaar ah: kala aarsiga oo keenta in jaarkaa ama saaxiibkaa, kaa wargeeya si laguu dilo ama isagu cid kuugu soo horeeyo uu kudilo. Waxa dhibka dagaalka sokeeye ugu daran boogihiisa oo aan hore u bogsan.
Taa waxa sabab u noqda ciddii wax dhintay iyo ciddii loo dhimay oo laga yaabo inay noloshooda in badan is arkaan, arag kastana nabarkii dib u damqado. Qofka dagaalka sokeeye qabsadaa wuxuu waayaa geed uu ku gabado ama ku dhuunto oo uu ku badbaado, inta badanna waxa dila qofkii badbaadadiisa xilkeedu saaraa.
Ruuxa dagaal sokeeye lasoo kulmay kase badbaaday, waxaa dhacda inuu aakhiritaanka dadkiisa noco, dalkiisana noco, naftiisana noco oo noloshiisu qiima beesho, uuna go’aansado in wixii soo maray wax ka xumi aysan weligiis soo mari doonin. Xumo iyo geeri kasta oo loo soo sheegana uu noqdo sidii xuunshadii la yiri: Xuunsho hooyadaa baa dhimatay, ee tiri markay noolaydba saxaradaan cunijirey, ama awelba saxaradaan cunayey.
Hadaba, inaga oo dhibkaasi ina haysto, dareenkeenuna sidaa yahay, baa waxa maanta inoo raacday oo dalkeenii kusoo kordhay dagaal cusub oo kii sokeeye oo aynu ku hoobanay mid shisheeye ku daray.
Soomaaliya hadda waxay usii gudbeysaa xalka degenaanshaha Siyaasadeed iyo saldhigga
nidaamka dowladeed, haddii habka dib u heshiisiinta lagu saleeyo caddaalad&
wax wada qeybsi kheyraadka wadanka.
Nabadda iyo wada noolaanshaha
Nabad ku wada noolaanshaha ayaa waxay muhiim utahay horumarka iyo midnimada dib usoo celinta Qarankii Soomaaliyeed, waxaana lagama maarmaan ah siyaasiyiinta iyo kooxaha bulshada ee kala duwan inay qaataan go’aan mideysan ee dhanka fikirka ah, si rajada Dowladeed ay unoqoto mid taabagal ah.
Deggenaashada Magaalo Madaxda
Muqdisho oo ah Magaalo Madaxda Dastuuriga ah ee Soomaaliya, ayaa waxaa loo arkaa degenaanshaheeda shaki la’aan inay suuragal ka dhigi karto midnimada iyo wada jirka Qaranka Soomaaliyeed, hase ahaatee dhab ahaantii waqtigan uma muuqato goob deggan oo ammaankeedu sugan yahay.
Waa shaki la’aan in Madaxda Dowladdu ay calaacasha ku qarineyn Caasimad ahaanshaha Muqdisho, haddii meel looga dhaco Muqdisho xurmadeeda Caalamiga ah iyo middeeda qarameedba waxay Dunida iyo bulshada Caalamkuba u arkayaan inay Soomaaliya ka jirin wax Dowlad ah, taas ayaana keentay in Dowladdu ku dhawaaqdo inay Muqdisho tahay xarunteeda rasmiga ah.
Marka Caasimadda amnigeeda lasugo, nabadgelyadeedana laga dhigo mid leysku halleyn karo ayay Dowladdu dooran kartaa inay kushaqeyso goobo kale oo Dalka kamid ah.
Nidaamka Caasimadda
Nidaamka ay Caasimaddu yeelan karto wuxuu u qeybsan yahay laba qeybood oo kala ah:
1. Inay tahay xarun siyaasadeed iyo saldhigga Dowladda Jamhuuriga ah.
2. Inay leedahay Qaanuun u gaar ah, xiriirna la leh hab deegaankeeda.
Ma leysku hayo xeerkeeda inuu yahay Magaalo Qaran, xaqna tahay in Soomaali oo dhan ay u noqoto xarun astaan u ah, deegaan lagu wada mideysan yahay, ayaa hadana dhanka kale loo arkaa inay sharci tahay in dadka khaaska u ah deegaankaas ay lahaadaan xuquuqda Maamulka Magaaleed iyo inay heystaan sharcinimada inay ka mid noqdaan ama loo soo doorto Golaha Maamulka Belediyada.
Muqdisho lamid ma ahan degmooyinka iyo gobolada dalku ka kooban yahay, waxayna kaga duwan tahay xeer Deegaanka, Dhaqanka, Taariikhda & sifaheeda la xiriira astaamaha Midnimada Qaran oo ay leedahay, sidaas darteed waxay u baahan tahay Gole mas’uul ka noqda maamulka habkeeda Belediyo iyo Duq Magaalo oo matala nolosha iyo maamulka nidaamkeeda dowladeed.
Muqdisho waxaa ka muuqata burbur qoto dheer, kaasoo asaas u ah jiritaan la’aanta maamulkii dhexe ee laga dareemi karo in sal iyo baarba uu fashilmay Qarankii Soomaaliyeed& Midnimadiisaba.
Waxaan shaki ku jirin inaan loo dulqaadan karin maamul la’aanta kasii jirta Magaala Madaxda, iyo lagama maarmaanimadeeda in loosii helo duq Magac ahaan umatala Xamar iyo astaamaheeda Qarameed inta laga gaarayo Doorashooyin xor ah kuna saleysan nidaam Dimoqoraadi ah.
Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo arrimahaas oo dhan tixgelineysa waa inay ku dhawaaqdaa in Duqa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, qof loo arko inuu yahay qof u dhaxeeya calaamadna u ah Midnimada dadka Xamar iyo Xamar daye, Inta Suuska Diirta Cambuuleysata & inta Bejiyaha ka dhigata, Qof kasoo jeeda qoys xadaaradda Xamar Magac kuleh.
GEBO GEBO
Anigoo uga faa’ideysanaaya fursaddan ayaan jeclahay inaan guto waajibaad i saaran.
Anigoo ku hadlaaya Dhamaan Magaca Soomaaliweyn, waxaan tacsi huwan Duco iyo Naxariis EEBBE, halkan uga gudbinayaa dhamaan Ehalladii, Qaraabadii, Asxaabtii, kuwii la dhashay, iyo kuway sii dhaleen, walaalaheen Soomaaliyeedd oo siyaabo kala geddisan ugu geeriyooday Musiibadihii Dalka kadhacay, gacan ka gardaranna sababsaday, in ALLAH uga dhigo faraskoodii aakhiro.
Waxaan ILAAHAY uga baryeynaa inuu Qabriga u waasiciyo, qawlka sugan inuu kulansiiyo wakhtiga su’aasha, Dunuubta inuu kaga meyro Baraf , Biyo iyo Thelij, inuu ugu Deeqo Janadiisa firdawsa, una dembi dhaafo dhammaan walaalaheen, ILAAHOOW cadaab ha tusin, albaabada naxariistaadana u fur. Ilaahoow dhamaan intay ka tageenna samir wacan ka sii.
QORE: Khadar Ahmed Elmi “Shiine”