Quantcast
Channel: afbakayle.com » Fikaradaha
Viewing all articles
Browse latest Browse all 61

MAQAAL:-Qowlaystada beesha isaaq iyo Qorshahooda Gobolka Sool.

$
0
0
Number of View: 549

Ugu Horayn Mahad oo dhan alle ayay usugntay Nabad gelyo iyo Naxariis Nabigeena Muxamed Korkiisa Ha Ahaaato waxaan Qormadan kooban ku eegi doonaa Howlaha iyo dhibaatada Qoylaysatada beesha isaaq kula dhex jiraan una  maleegaan bulshada ku dhaqan magaalada madaxda Gobolka sool ee Laascaanood.

Waxaa Jira Dhibaatooyin tiro badan oo tan iyo markii ay maleeshiyadaasi gacanta ku dhigeeen magaalada laascaanood lasoo dar sayey bulshdada ku dhaqan halkasi aynu ugu gaysanayaan siyaabooyin kala duwan.

Waxaa Kaloo  Jira in Ragaas ku caanbaxay dhibaataynta bulshada Deeganada khaatumo Ay Wadaan horayna usameeyeen kuwo tiro badan – Qorshayaal bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood Madaxa laysugu gelinyo , Siaan loo beegsan loona dareemin dhibaatada xoogan ee Qoylaystadu ku hayaan Bulshada .

Waxaa jira Qarax iyo Dilal waxshinimo ah oo ka dhacay Tan iyo markii Qowlaystada beesha isaaq qabsadeen Magalaada Laascaanood kuna soo duuleen, kuwaas oo intoodaba badan ay kadanbeeyee soona maleegeen Ciidamada Jabhada SNM ee maamulka Siilaanyo.

Bulshada ku dhaqan gobolka Sool ayaa Loogu baaqayaa inay ilgaara ku hayaan – Hagardaamooyinka iyo dhibka ay wadaan Ciidamada Maamulka Siilaanyo.

Qaarkamida Horgalaasha ushaqeeya Maamulka Siilaanyo kana howlgala Gobolka Sool ayaa dhankooda dareemay beryahan danbe habka ay Ciidamada Beesha Isaaq ee maamulka Siilaanyo umaleegayaan Dhibaatoyinka baaxada leh ee lala duljoogo shacabka Gobolka Sool.

Hasa ahaatee waxaan Wali dhicin inay ka dhiidhiyaaan oo wali xaalkooda ayaa wuxuu yahay “” Ni meeli ucadahay – meeli kamadow””

Gabagadabii Bulshada Deeganada khaatumo oo dhan dal iyo debedba waxaa looga fadhiyaa iskaashi buuxa iyo in loo wada istaago sidii shacabka gobolka sool dhibka mudada dheer ragaadiyey Looga dulqaadi lahaa, Maskax iyo muruqba.

Guul Khaatumo State – Guul Soomaaliya

By – Qoraaga Qanigan

______________________
Xafiiska Shabkada Afbakayle.com

Laascaanood/Sool

Afbakaylenews@gmail.com 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 61

Trending Articles