Maamul Goboleedka Puntland ayaa haatan waxaa ka taagan xiisad Siyaasaddeed la isku haysto Doorashaddu xilligeeda ha dhacdo oo ay ugu yeeraayaan Madaxda Maamulka mucaaradka leh han Siyaasaddeedka Hoggaamineed ee Puntland & Xukuumadda Madaxwayne Faroole uu hoggaamiyo ee haatan Puntland ka arrimmisa oo leh dimuqraaddiyaynta ayay caqabad ku yihiin kuwa leh doorashaddu xilligeedi ha dhacdo .
Hordhac :
Falanqayntu ma ahan doonitaanka qofka waa in ay ka madax banaan tahay mabaadiida aad la nooshahay iyo sidda aad jeceshahay ,Xildhibaan Cabdli wali Gaas waxaan ka sameeyay Falanqayn aan ugu Magac Daray Guul Daraddi Gaas iyo Saamaynta Puntland Falanqayntaas waxaan ku xusay in Gaas uu Puntland ku soo wajahan yahay Gaalkacayo tagaayo uuna u dhaqaaqaayo la dagaalanka Faroole kolkaas waxay ahayd xilligi uu waayay madaxwayne-nimmadda Soomaaliya , Waxan isagga oo aan fahmin ujeedka Falanqayntayda qormo jawaab ah la soo booday Walaal lagu magacaabo Sharmaarke CabdiJaliil Aadam Waxa Cinwaanka qormadiisu ahaa Saadaasha Siyaasaddu Shanqashiyo hadaaq Maahan Sharmaarke Qormadaydu Gaas ma keenin Puntland ee Sidda aan annigu u cabiro dhaqdhaqyadda Siyaasadda ayaa asiibtay Gaas in uu ku soo wajahan yahay Puntland Adiguna waxaad iggula kuftay wax aannan aqoon oo waxaad mala awaashay dareen aannan la noolayn in aan la noolahay .
Falanqayntayda maanta waa Xildhibaan Gaas oo shalayto afka furtay kana dhawaaqijey in Puntland caburini ka jirto iyo in dadka Reer Puntland diidan yihiin Muddo korosigga Madaxwayne Faroole Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo siddo kale in ay dadka uu la kulmay Cadaaladd daro ka tirsanayeen xukuumadda iyo kala Nusqaamida ku dhacday Puntland ee Maamuladda kale ka hoos dhasheen Puntland-ti 1998-di Soo jeeddinta Gaas waxaa jawaab ka bixiyeye Wasiirka Wariyaha ahaan jiray ee hadal qodobaynta aadka u yaqaan Maxamed Caydiid Dirir oo uu Faroole u arkay nin hadalka helli og Sanadkiisa dheeriga ah ee aan Macquulka noqon karan marka la dhaho maya difaaci kara .
Soo jeeddinta Gaas
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waa ku barbarad Siyaasadda waxa uu safarkiisi ollole ee uu ku tagay deegaanno ka tirsan Puntland ku soo arkay wax uu horay u ogaa ama dad badani u sheegeen kolki uu ahaa R/wasaaraha Soomaaliya balse markaas Gaas dadkaas hadalkooda meesha kama soo qaadin waxa uga muhiimsanaa Puntland aayaheedda oo uu ka hadlo ama ugu yaraan wax ka qabto awoodiisa inti ahayd in uu ku loollamo ku soo bixidda Xilalka dawladda Soomaaliya oo uu ku hungoobay dadaal dheer ka dib, in uu cayaar siyaasaddeedka Soomaaliya ka qayb ahaado waa mid uu hankeeda leeyahay balse in uu kolkaasna Puntland qorshe siyaasaddeedkeeda iyo cabashooyinka dadka Reer Puntland u gudbiyeenuu eego way mudnayd maantana way xoojin lahayd qorshihiisa oo abaal sooyaal siyaasaddeed ayuu lahaan lahaa .
Gaas hadalkiisi shalay waxa uu ahaa mid siyaasaddaynta siyaasi han leh ka fog sidda laga dhowro balse waa dhacday haddana waa madaxwayne doon ,waxa uu bannaannayd oo kaliya in uu sheego in Maamulka Madaxwayne Faroole ay u diideen Safarkiisa in uu sii wato arintaasuna tahay mid caburin ah oo isagga lagula kacay dhawaaqaasu waxa uu ahaan lahaa mid dhamaan dadka soo jiita xakuumadda Faroolena sanadkeeda aan meel marka u noqonayn marka Mustaqbalka la naawilo dad badan ka soo leexisa oo reer Puntland ah oo hadda ay xukuumadda madaxwayne Faroole u sheegto Bu,aalle Maamul goboleed u dhisideedda waa mid maamulku taageeraayo halka Boosaaso aan dadku hadli karin .
Balse Gaas waxa uu soo jeediyay dhaliilaha xukuumadda oo ay ka mid tahay arinta ugu xasaasiyadda badan ee ah Puntland waa kala burburtay oo Maamullo kale ayaa ka samaysmay deegaanno Puntland Dastuuri u ah , Waxaa arintaas isla markiiba ka soo noqonaaya Gaas kolki uu wasiirka ahaa iyo marki uu R/wasaaraha ahaa ayay Maamullo kale loo sameeyey deegaanno Puntland ka tirsan ee kolkaas maxuu wax uga qaban waayay .
Cabdiwali Gaas qorshihiisu waa siddi uu ku noqon lahaa madaxwaynaha Puntland , qofna ma oran karo maxaad u doonaysaa xilkaas balse qaab siyaasaddeedkiisa ayaa u muuqda in Gaas uu Madaxwaynaha Puntland uga dhowyahay Gaagaab Tusaale qofka siyaasiga ahi waa in uu soo kala shaandheeyaa hadalka uu shacabka usoo jeedinaayo iskana ilaaliyaa hadalladda wax kaga soo noqonaayaan ,haddi uu middaas samayn waayo waxaa ku soo noqonaayo waxyaabo badan oo kolkaas uusan jawaab waafi ah ka bixin karin sidda tan hadda ee ah maxaad Puntland u qabatay kolkaad R/wasaraha ahayd ee ay ugu horayso in sii burburidda Puntland ayaad wax ka qaban kartay ee doorkaas waa gabtay saw ma ahan , Haddi uu R/wasaare Soomaaliyeed ahaa Puntland waa Soomaaliya .
Gaas Xildhibaanimaddiisa uu Soomaaliya xildhibaanka ka yahay wax aan ahayn ma awoodi karto in Siyaasaddisu Gaarsiiso sababta oo ah uma muuqdo shakhsi aad ugu qatarsan la dagaalanka qofka ka soo horjeeda iyo abaaridda hadallo dadka Soo jiita lagana dhowray in ay isagga samayn ku yeeshaan oo ku soo noqdaan , Waxa dadka Siyaasadda falanqeeyaa iswaydiin Gaasoow ma markaad Madaxwayne iyo Ra,iisul waraase Soomaaliya ka wayday ayay soo dagtay dhibaatadda Puntland waxaa markaas soo baxaysa waa jirtay waligeed inta xukuumadda madaxwayne Faroole joogtay ee Gaas ayaan kolkaas rabin ka hadalkeeda hadda in uu ka hadlona waxaa keenay waa doonitaankiisa Madaxwayne-nimmo ee Puntland.
Gaas ma noqon karo Madaxwayne Puntland ma ahan in qalinkaygu u diidaayo balse waxaa uu la muuqdaa siyaasad la,aan ka soo muuqata oo ay u horayso haddaladda aan loo meel dayin ee shalayto uu ka dhawaajiyay ,haddi uu siddaas ugu dhiiranaayo haddal aan munaasib u ahayn kolkaas isku xir iyo abaabulkiisa uu qorshihiisa rabo in uu ku meel mariyo cidna kama hoos qaadayso, waa dhici kartaa in shirar dhacaan balse Gaas saamayn kuma yeelanaayo shirarkaas waana looga fara dhuubnaanayaan abaabulka iyo qorshe meel marsashada Gaas oo dad kale ayaa hoggaaminaaya ama u dhowaanaaya haddu dhaco shir isimaddu ka qayb yihiin.
Sii joogis doonnidda Faroole
Madaxwayne Faroole xilligaan oo lagu jirro dhamaadka waqtigiisa waxa uu helay wasiir aad hadalka u yaqaan oo difaaci og waxa uu doonaayo, halka kolki hore uu madaxwayne Faroole isaggu si caro leh uga jawaabi jiray hadalladda siyaasiyiinta isagga ka soo horjeeda Madaxwayne Faroole waxa uu warbaahinta marsiin jiray haddalo caro waxbana hala harin lagga dheehdo kolka dadka Soomaaliyeed maqlaana ay soo celiyaan odaygu Hadal adkaa .
Jawaabti shalayto uu bixiyey Wasiir Maxamed Caydiid Dirir ee uu u jawabaay Gaas waa uu la helay Gaas oo jawaabta wasiirku waxay ahayd mid uu haleelay waxa uuna Gaas ka difaacay xakuumaddisa , arinta ah waxa uu Gaas is hortaagay deeq u socotay Puntland ma ahan mid aan dhan u raaci karo oo ah in Gaas hor istaagay iyo in xakuumadda Faroole ay isku difaacayso oo aysan sal lahayn arintaasu , Haddi aynaan xaqiiqdeeda helli karin kolkaas dhan aynu qaadano ma jirri karto .
Madaxwayne Faroole doonnitaankiisu ma ahan mid meel mar ah waxaana arintaas sabab u ah ma ahan mid macquul ah oo dadka kama dhaadhacayso intooda badan iyagga oo u jeeda in Puntland maamulo kale ka samaysmeen inti uu hayay Madaxwayne Faroole kaba sii darane dadka intooda hadaladda siyaasiyiinta u fiirsaddaa ay ogyihiin haddalki uu Voa-da ka yiri madaxwayne Faroole ee ahaa dadka deegaanadda Khaatumo in ay dhinac isu raacaan oo uu ku maahmaahay labba libaax dhexdooda laguma jiri karo ee dhan haysugu lugo du,deen , Runto hadalkaas dadka iyaggu siyaasadda Soomaaliya ku taxani waxay u arkeen mid aad u hooseeya Tusaale Puntland waxa ka tirsan xildhibaano , wasiiro iyo Madaxwayne kuxigeen oo ka soo jeedda deegaanaddaas kolkaas siday u imaan kartaaba dhinac aadda ,Fursadda noocaas oo kale ah marka aad banayso oo aad sheegto halka ay kaa taagan yahay maxaa lagu arkayaa ?
Hadalkaan hore iyo kuwo kaloo badan waxay meesha ka saarayaan in Madaxwayne Faroole uusan ahayn siyaasi awood u yeelan karra xilligaan in uu sii joogo oo uu sanadkiisa dhamaysto , Dimuqraadiyaynta door hala siiyo waxba kama caawini karto , Haddi ay xukuumaddiisu sheegto waloow aysan halkaas adeegsan wali oo ay dhahdo sanad ayaan nadaam xisbiyeed ku keenaynaa oo haddi aan ka dagno muddo shan sanno oo kale ah ayaa lagu jirrayaa siddi hore, waxaa arinkaas lagu difaacayaa sanadka ma munaasibaa macquulse ma yahay ? maxaad soo qabanaysay sanaddadi hore ee aad soo maamulaysay oo aad ugu soo aadisay dhamaadkaagi dimuqraaddiyayn ayaan dhamaystiri ? Sanad malagu dhamayn karaa howlaha loo baahan yahay in looga gudbo hannaanka Puntland ee qabaliga ah ? Puntland-ta aad Dimuqraaddiyaynaysaa ma tan hadda aad maamushaa mise waa tii 1998-di ?
Waxayse u muuqataa in Madaxwayne Faroole uu dhibaatooyin dhaxalsiinaayo dadka Reer Puntland inta hadda hartay oo uu ku adkaysanaayo sanadkiisa dheeraadka ah arimaha lagga dhaxli doonaana ay yihiin kuwo ay ka mid noqonayso in dadka Reer Puntland looga adkaado arinta ay maanka ku hayaan ee ah in Soomaaliya noqoto dal Federal ah oo aysan xukuumadda haatan joogta ee Madaxwayne Xasssan Sheekh Maxamuud aminsanayn ayna rabto in ay meesha ka saarto oo sidda Madaxwayne Xassan sheegay dadka loo bandhigi doono Federal-nimmadda ama Centralized-nimmadda noqoshadda kii markaas macquul loo arko halka reer Puntland dhahaan Dastuurka Soomaaliya ayaa ku dhisan ,balse hadday kala furfurmaan oo ay sii nusqaamto Puntland kolkaas Federal ayaan rabnaa waa yaa kula rabba yaase Puntland ah `?
Dhamayn
Puntland waxay ku jirtaa xaaladSiyaasaddeed cakiran oo guddaheeda ah , Deegaanno dastuuri ah oo Puntland ka tirsan oo Maamullo kale samaystay , Iyo siyaasadda ka dhan ah jiritaankeeda oo ah siyaasadda dawladda uu Madaxwaynaha u yahay Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud .
In Doorashada xilligeeda ay dhacdo in la isku soo celiyo Deegaannadda Puntland ee dastuurkeeda ku xusan iyo in ay Siyaasadda ka dhanka ah ee Dawladda Soomaaliya uu Maamulka Puntland ka hortago waxay arimahaas oo dhami u baahan yihiin Siyaasad iyo hoggaan siyaasaddeed siyaasaddayn aad u saraysa leh inta baahidda dadka Reer Puntland tahayna keeni kara oo ay ugu horeeyaan Jiritaankeeda oo ay ku xiran tahay in Federal ay ahaadaan haddi dagmo dagmo iyo Gobol gobol ay u kala jabto oo ay horay ugu sii socoto Burburka kolkaas waa wiiqmaysaa meeshana waa ka baxaysaa Puntland .
FG-Falanqayntu ma ahan Doonitaanka Qoraha !
W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix