Quantcast
Channel: afbakayle.com » Fikaradaha
Viewing all articles
Browse latest Browse all 61

Maxaa Xal U Ah Horgal SMN-ta?

$
0
0
Number of View: 524
W

axaa hubaal ah xaalada reerka dhulbahante ku jiro maanta inuu isagu isagu wacan yahay. Ayadoo dadku ka wada dharag sanyihiin arimihii sababay inay gacanta ka baxdo magaala-madaxdii gobolka Sool ay ugu weyneyd, nin u dhashay dadka reer SSC oo soo horgalay cadow. Waxaa nasiib darro ah inaan wali arinkaa xal loohelin ilaa maanta. Halgankii dheeraa ee reer SSC galeen oo wajiyo badan soo maray naf iyo maal badanna kusoo baxeen. waxaa inoogu cadaaday in hadii dadka reer Khaatumo meel u jeestaan ay guul ka keeni karaan hadey doonaanba hayaraadeene.

Dadka reer Khaatumo waa dad ilaah hoodo usiiyay geesinimo ay kaga jibo keenaan goobta dagaalka. taasi waa marka ay is-hayaan cadoow cidkale ah oo ay meel ugasoo wada jeedaan. Arinta caqabadda weyn inagu noqotay cadowgeenana unoqotay meesha qudha ee ay inagasoogalaan waa qof kula dhashay oo kugu abtirsanaya hadana cadow kuu soo horgalaya. Cadowgaas oon cidna bixineyn hanoqoto kii soo horgalay reerkoodii iyo midkale toonee. Magaaladii Lascanod ee cirkaa mareysay markii aan cadowga usoo horgalay waxaa maanta u danbeysay in lagadhigo mid ladilo, midlaxidho, iyo mid carara.

Caqliga saliimka ahi waxuu ku tusayaa in daad kugu soosocda oo gurigaaga aad ogtahay inuu duminayo aad iska moosto. Waxaan ilaa iyo hada qaadan la’ahay ninka kugu soowada cadow aan waxba kuu reebeyn oo waliba aargoosi ku socda waxa la’isaga qaban la’yahay!!!! Horgallo badan oo hagardaamooyin dadkeena ugeystay ayaa jira. kuwa ugu damiirka xun ee ku caanbaxay inay hooyooyinkood iyo walaalohood layaan hadana ku sandareero doontaan waxaa kamid ah Xaabsade, ina Canbaashe, Kayse Yuusuf, iyo kuwa kale oo badan. Shirir badan oo arinkan lagu lafaguray ayaa in badan dibad iyo gudaba ka dhacay. Waxaad moodaa in waxba ilaahada ka suuroobin, haday suuroobeena ay aad u yartahay.

Dhibkooda

Dhacdooyinka aadka u xanuunka badan ee ragani ku kaceen, ayadoo aan lasoo koobi karin, aan ka xusno tii fooshaxumeyd ee caruurta dugsiyada Lascaanood markii ay ka mudaharaadeen manhajka gurancan ee buunbuuninta tariikhda SNM ku dhisan inaanay doonayn. Horgalada mijinta qaadka ah ku shaqeeya, uu ugu horeeyo nin badhasaab ugu magacownaa SNM gobolka Sool, waxay kadhigeen caruurtaa wax ladilay, wax cararey, iyo wax xasiga Mandheera loodaabulay.

Arintani waxay eheladii caruurtaa dhashay dhaxalsiisay maalmo badan oo murugo badan. Dhashaadii oo nin kula dhashay intuu kaaxidhay hadana Hargeysa u dhiidhiciyay si uu wagi ugagahelo SNM-ta uu abaanka u yahay waxay reebtaa uur kutaalo aad ubadan. Dacwado badan oo dadka dabaduhu qeybweyn kaqaateen, oo caalamka loogu soo bandhigay tacadiyada maamulka SNM ku heyso dhalaanka dugsiyada ee reer Lascaanood kadib waxaa suuro gashay in lasoo daayo. Dhacdo kale oo taa ka xamuyd waxay aheyd: dagaalkii ciidanka Khaatumo kula galeen SNM bishii sadexaad 31-keedii (2012) duleedka Lascoonod. Dagaalkaa oo SNM aad loogaga gacansareeyo lana caydhinayo, waxaan xusuusanaa in rag horgaleyaal ah uu ina Canbaashe hormuud kayahay ay dhabajabin ku sameeyeen ciidankii Khaatumo. Waxii halkaa ka dhacay dadku wey ka wada dharagsanyihiin.

Waxaan aad u xussustaa ninka Xaabsade layidhaahdo, ayadoo hagar daamooyinkiisa aan lasoo koobi karin, dagaalkii Kalshaale in iyadoo dadka reer SSC beebayaal lajiidhsiiyey hadana uu ku faanay inay kala ceydhiyeen waxuu nabad diid ugu yeedhay. Ilaa intaanuu dagaalku kululaan, Xaabsade si joogto ah ayuu tolkii saxaafada af-xumo iyo digasho ugu soo marinayay. Markuu xaalku ku xumaaday kuwuu abaanka u ahaa oo dagaalkii lagu naafeeyay ayaa hadana loosoo dhiibay heshiisbaan dooneynaa.

Halkan tusaala yaasha aan ninmanka ka bixiyey waa kuwa aan aad ugu ceeb qariyey. Waayo waxaan ogahay in inaguna aan aad uga dharagsannahay, cadowgeenana loobaahneyn in aad looga farxiyo. Dhamaan dhibaatooyinkan waa kuwo lagu qabsaday, barakiciyey, bahdiley, dhaawacay, laguna laayey dadkeena. Dhamaan waxaa si toos ah iyo si dadban u suuragaliyey nin horgale ah oo dadkan ku abtirsada. Hadaba waxaa is weydiin mudan, maxaan ragan aan waxba inoo reebin u daawaneynaa oon Iyaga ugu bilaabi la’nahay birta aan cadowga lodooneyno?

Waa Waa kuma Horgale?

Inagoo wada gareyney horgale kuu yahay, hadana waxaan u baahanahay in la’ina dareensiiyo oo la’ina xusuusiyo. Hadeynu siyar oo kooban u cabirno horgale bal ila eega waxay ka tidhi gabadh abwaanad ah oo layidhaah Aamina Cumar.

  • Hargale inala hayb maaha iyo hooyadii dile’e
  •  Habaar iyo xanuun inay qabaan horeba loo sheegye
  • Hunguri waa miduu qaaday oo haybti garan waaye
  • Hamba dhowradaa iyo kuwaa heenka naga raacay
  • Hablahoodu guur malaha iyo hoyasho naageede
  • keligood haday soo hadhaan waa hareer maride
  • Horriyo dhurwaa weeye iyo haalig iyo tuuge
  • Hambaash weeye iyo baalaleey guban habeenkiiye
  • Waa howtal hamagaa ku dhaca holaca laylkiiye.
  • Humaag baa waxaa lagu tusaa bahal habeenkiiye
  • Hubsan waaye hiil iyo midkay hillib wadaagaane
  • Huuhaada iyo beentu waa horu markoodiiye
  • Hadal iyo hadhuudh raadis bay talo ka haystaane
  • Hoosiis waxaa looga dhigay heego iyo roobe
  • Hido iyo waxaan dhaqan lahayn lagu rid hoob

Horgale Sidee Ku Haboon!!

Inta ay jirto runta oo laga warwareegayo, nimankan ku sifoobay damiir laawayaasha shaqadaa xun ee hooyooyinkood jeelasha mandheera loogu waaridayo ayey ku jirayaan. Hadaba runta aan kusoo dhowaano.

Ninmanka dadbey ka dhasheen, Soomaaliya maanta dowlad wada hanatey majirto. Wali dhaqanka qabiilka ayaa gacanta sare leh. Danbiga uu qof geysto waxaa loo aaneeyaa qoyska iyo qabiilka uu kasoo jeedo. Maanta hadii ladilo horgale yaasha dhibaateeyay dadkoodii, waxaa hubaal ah in la’arki doono qabiil usoo safanaya. Waxaa taa u daliil ah, markii laqabtay nin horgale ah oo lagu magacaabo Cali Sandule, markiiba xiisad ayaa cirka isku shareertay. Ninkaa oo ka mid ahaa ragga dadka reer Laascaanood dhibaateeyay waa lasii daayey isla maalin gudaheed.

Arintani waxay xoojinay dood in badan dadka reer Khatumo is weydaarsanayeen oo aheyd maxaa nimanka loo leyn la’yahay. Dad badan ayaa qaba in masuuliyadaasi saraantahay reerka ay kadhasheen. Tusaale ahaan, nin lagu magacaabo Mahad Canbaashe oo maliishiyaad ka amarqaata si joogto ah u dhibaateeyaan dadka reer Sool Waxuu ka dhashay beel kamid ah beelaha reer Sool. Ilaa hada lama hayo meel ay kaga wada tashadeen in wiilkaa wax lagaga qabto. Dhibta ugu badan waxa uu ugeysto waa reerkaa uu ka dhashay, isaga oo dhamaantood waxna gacanta cadowga galiyey waxna ay dabad wareeg yihiin.

Dadka reer Khatumo way awoodaan inay nin wax ka qabtaan, laakiin cidda laga sugayo inay arinkaa ogolaan shaheeda bixiso waa reerka uu ka dhashay. Waana inay iyagu hormuud ka noqdaan. Ninkan in badan ayaa lagu dayey hadal iyo waliba in lalaalusho, waxba waa kasuuro gali waayeen. Maanta, fursada kaliya ee furani waa in gacan wax lagagaqabto. Hadii tani dhacdo, waa hubaal in kuwo badanna ku quus qaadan lahaayeen, cadowguna meel uu foodsaaro ka dhigto waayi lahaa.

Waxaa daliil u ah arinkan, aan idin xussusiyo dagaalkii Kalshaale ee kal hore. Markii maleeshiyada SNM weerarka soo qaadeen. Waxay iska soo hormariyeen ninkan aan hada soo xusnay (Mahad Canbaashe) iyo nin kale oo isagu reer Buuhoodle ahaa laguna magacaabo col. Dalbac. Ula jeedkoodu waxuu ahaa sidii Lascanod lagu qabsaday Buuhoodlena halagu qabto, markaad nin u dhashay iska hormarisaan. Reerkii Dalbac kasoo jeeday 24saac ayey u qabteen inuu isku soo dhiibo hadii kalana ay isaga kabilaabayaan. Ninkani ugu yaraan 200 oo maliishiyaad ah ayaa ka amar qaadanayey hadana markii runi runtimi, kuu isasoo dhiibay. Mahad Canbaashana meeshii kuu ka firxaday kadib markii loodhaartay.

Markii labadii horgale ka baxeen cadowgii, waxaa dadka u fududaatay in SNM la’iska difaaco laguna wiiqo dagaaladii ay doonayeen in ay Buuhoodle ku qabsadaan. Ina Canbaashe iyo horgala yaasha kale ee lamidka ah waxay ka dhasheen reero sida Dalbac. Dalbac reerkoodii ayaa sidhab ah oon warwareeg laheyn wax uga qabtey. Waana ta fududeeysay in cadowga laga adkaado. Laga akhrisan maayo beeldhan oo qaran jira ah in wiil yar oo jiri ah ay wax ka qaban waayaan. Ama waa inay dadka u cadeeyaan cidii disha aan loo raaci doonin.

 

Qore: Yassin Salaad Mohamed. Email: yassinone1@hotmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 61

Trending Articles