Quantcast
Channel: afbakayle.com » Fikaradaha
Viewing all articles
Browse latest Browse all 61

DEGDEG | Wariye Sameeyay Maanso Cajiib ah Oo Uu Kaga Hadlayo Heestii Loo Qaaday Muqdisho + Akhri Maansadii .

$
0
0
Number of View: 526

HEEGAALEHalkan Waxaan kusoo bandhigayaa  MAANSO aan fakar ahaan ku cabirayo heestii dhawaan qaar kamida fanaaniinta Reer Hargaysa uqaadeen Madaxwayne Xasan Sh Maxmud & Magaalo madaxda jamhuriyada Somalia ee Muqdisho .

 

 

 

 

WUXUU YIDHI :-

Hogaankaa jabuutiyo

Halyaygaad Tilmaanteen

Inkastuu Holdoor yahay

Haybadeena jecel abid.

 

Balse hadalka qaarbaa

Habka aad udhigay siyo

Hubsi kaaga baahane.

 

Hogaan uu dad doortoo

Hibo eebe siiyaad

Hebel eego leedee.

 

Dadka qaar hanfade oo

Hilin khalada haystiyo

Qaar habeeno laa badane.

 

Malaha hawlkar nimadiyo

Hirkaa soo bidhaamiyo

Hufnaantiyo wanaaguba

Hargaysa uma muuqdaan

Mise hiil kalaa jira ?????,

 

 

Halbeegooda cabirkiyo

Hindisihiyo garashadu

Ma waxay hawoodeen

Inay hadalo dhihistiyo

Luuqda heeso tirintuba

Hal ugaara tahayoo

Jawaab heenso bixinteed

cid hawoonaysaa jirin ???.

 

Maxay hobolo caan ihi

Intay heeso Qaadeen

Hab gunaanad koodii

Hadal laga xanaaqiyo

Habaarka uga yeeleen ???.

 

Gartay heedhe ereyada

Inuu guuxay ruuxaan

Suugaanta gabigeed

Gadaheeeda baranoo

Wali loo galgaal bixin !!!!

 

Waxse aan garwaaqsaday

Gafku talogal inuu yahay

Geeraare yaashiyo

Kuwa luuqda garab dhigay

Ama galiyay laxankee

Muusiga u garaacaa

Miyay garan ba waayeen

Wuxuu uga goleeyahay ????

 

By Abdirahman Omar Abdi ( Abdirahman Somali )

shaxda1@gmail.com

Nairobi – Kenya


Viewing all articles
Browse latest Browse all 61

Trending Articles