Tan iyo intii dawladdii Soomaaliyeed meesha ka baxday, waxaa jirey colaad baahsan oo ka cidhif ka cidhif ah oo lagu beegsanayey beesha Daarrood oo run ahanatii ayagu dhankasta laf dhabar ugu ah umadda Soomaaliyeed.
Marka dib loo milicsado halganka iyo gobonimo doonka Soomaaliyeed meelkasta ama dhankasta ilee Axmed Gurey waxaa hormuud u ahaa Daarood . Waxaa jirey in dawladiii Daraawiisheed ay mar ahayd tan ugu balaadhan qaarada Afrika ee halgan la gasha Ingiriis , Talyaani,Xamashi iyo Greece .
Waxaa jirta in weligeed Qoomiyadda Daarood aysan yeelan shir keligood ah, isla markaana aysan weligood wa ku heshiin. Qoomiyaddani waxaa qoomiyada labaad ee Geeska Afrika iyo bariga dhexe ugu badan . Qormadan uguma talogelin inaan kaga faalodo taarikhi waxaan ujeedkeedu yahay talo kooban oo yar oo deg deg ah.
Waxaa loo baahan yahay in Qoomiyadani ay ku baraarugto arimaha nacaybka ah ee walaladod Soomaali u quudhayaan isla markaana ay si salmi nabadgelyo iyo siyaasad ah uga hortgaan, meelaba kuma banaana in lagu duulo dadkle cid caqli leh oo ku talinaysaana ma jiro balse waxaa jira arimo loo baahan yahay in bilo gudahood loofa falaxasho.
1 Midnimada
Waa in la qaban qaabiyaa shirweyne Daarood oo lagu mideynayo hadaflka guud ee Siyaasadeed, waan hubaa in Darood uusan boqolkiiba boqol uusan midoobi karin balse ugu yaraan waxaa jira waxyaalo nolosha Aasaasi u ah oo lagu midoobi karo.
2. Nabadgalyada.
Waa in arintani noqotaa tan ku xigta isla markaana dhulka Qoomiyadan ee farogelinta lagu hayo, deg deg wax looga qabtaa laguna dayaa wada hadal hadii kale cudud Military loo diraa. Waxaa dhulkaas u noqon kara tusaale Laascanaod, waana in laabta lagu hayaa inaysan Daaroodnimo shaqayn karin hadaan la isku hiilin. Waxaa jira cududo daarood oo awoodii cadowga ku wajahnayd u weeciyey la dagalanaka tolkood, kuwaas waa in la ergeeyaa waxaana inagu filan C/raxmaan Sheekh Maxamed Faarole, kaasoo caqabad ku ah midnimada Daarood, waxaana loo baahan yahay jufdiisa hoosee Maxamed Harti ay qabtaan si loo dhimo kala cararka tolka, la isuguna soo dumi in qaab qabiil ama tolnimo loo noqdo bah wadaag.
Waxaa kaloo la rabaa in Saacid loo sheego inuusan Gabadha uu qabo ee Caasha X. Cilmi booska ku helin ee uu ku fadhiyo magac daarood mas’uuliyad Soomaanimo ka sokowna uu dhawro kana shaqeeyo midnimada, waa in taas Sadde daarood looga ergeeyaa si ay ugu dhaartaan inuu yahay Raysal wasaare awood madax banaan leh oo ku fadhiya wax qaybsigii beesha Daarood ee 4.5ka
Horgalada Daaroo ee ay ugu horeeyaan kuwa Dhulbahante waa inay ogadaan in if iyo akhiro aan laga cafiyi doonin dhibkeey gaysteen/gaysanayaan, Akhri markaan lee yahay Eebe ayey gacantiisa ku jirtaa laakiin waxaa hubaal ah in daalim dadkiisa iyo dalkiisa dhibaateynaya uusan Eebe u danbi dhaafi doonin’Insha Allaahu’.
Kuwaasna waa in loo sheega in noloshoodu ku xidhan tahay sida ay yeelaan maalmaha soo socda.
Waxaa yaableh in Kismaayo noqotay waraabo dareerin, waxaanse xasuustay nin buka boqol u talisay, meel dadkeedii la isku adeegsanayo oo aan loo ogoleyn maamul habarkasta waa u soo tafaxaydanaysaa. Bal dhawaanba aynu sugno beesha Isaaq oo ayaguna hadal ka soo saara.
Gabgabadii waxaa la doonayaa in DAARROOD ay ogsoonaadaan in lagula jiro dagaal Military , mid siyaasadeed iyo mid quudhi waa, oo ku aadan cududooda, cilmigooda, caqligooda iyo dhulka Eebe ku manaystay ee Soomaaliya ugu baaxadda weyn. DHulkan hadaan midnimo ahaan, siyaasad ahaan iyo gacan ahaan loo difaacin waxaa hungureyn doona Habar dugaag oo dhan iyo cidkasta oo hamisa run iyo beenba.
Waxaan ku afmeerayaa odhaahdii Cali Dhuux ee raadintiisii xaqa Daarood sanawaadkii 1945.
Daarood hadhuudhkiyo sidii, hilibka loo boobye
Inkastuu hundaha iyo u dego, webiga hoostiisa
Geeluu habeenka u lahaa, looga hadhiwaaye.
Nin hamraday haldoorkiisu waa, lagu hamoodaaye
Hilqadliyo iyaba waa sitaan, halawle Maadhiine,
Hadday kaga haq siiyaan rasaas, lagama haageene.
Nimankaan haraadkiyo aqoon, Hawdka mariddiisa
Kolay Habar Jecliyo Ciise tahay, waw handanayaane
Nin waliba hadhuub buu toshiyo, haamo gooniya’e,
Haweenkuna hadday doonayaan, inay hidiidaane.