Quantcast
Channel: afbakayle.com » Fikaradaha
Viewing all articles
Browse latest Browse all 61

Dilka Iyo toogashada Xal Ma u tahay ciimada Xooga Dalka Soomaaliyeed(Faallo)

$
0
0
Number of View: 378

Tan iyo markii dawlada KMG ee somaliya Laga dhisay dalka somaliya waxaa jiray Madax kala duwan oo soo maray nidaamyadaasi,waxaana ay mar walba xoogga saarayeen sidii loo heli lahaa ciidamo tayo leh oo wax badan ka qabtay arimaha kala duwan ee dalka ee ciidamada looga baahan yahay.

 

Dawladahaasi waxaa ay heleen tababaro la siinayo ciidamda soomaalida,balse ciidamadaasi waxaad moodaa in inta badan tababaradooda yihiin kuwo kooban oo ugu badnaan helaan Hal sano.

 

Waxaad akhriste fahmi kartaa tababarka ay u baahan yihiin ciidamo dhalinyaro ah oo waligood aan arag wax dawlad ah waxaad sidoo kale fahmi kartaan qofka ciidanka loo diyaarinayo  Shuruudaha uu u baahan yahay.

Tusaale Kooban:

 

Tiro aad u farabadan oo ka mid ah ciidamada somaliya ama ha ahaadan kuwa Dawlada dhexe,ama Dawlad Goboleedyada,waxaa badi ay ku yimaadeen jagadani ka dib markii ay ka hor yimaadeen Noloshii caadiga ahayd maadama badi ay dhacdo in aysan lahayn Xirfadihii lagu shaqeysan lahaa ama aysan wax baran.

Dhalinyaradani inta badan waxaa ay ka soo jeedaan qoysas aan awoodin in ay ka bixiyaan qarashaadka iskoolada ama Macaahida xirfadaha kala duwan lagu barto   taasi oo sahashay in ay ku biiraan Ciidamada oo ah Fursada kaliya u banaan ama in ay tuugeeysi bilaaban,waana taas midda saldhiga in somalida ay ku bataan Ama waxyaabahan loo yaqaano Burcad badeeda ama Ciidamo loo heli karo si sahlan.

 

Marka aad la sheekeysato Askari qorigii iyo labiskii wata oo si dhab ah ugala hadasho xaaladiisa iyo in uu ku faraxsan yahay hawsha uu hayo,wuxuu kuu sheegaya in uusan jecleyn oo ka doorbidaayo xirfadaha kale ee shaqada caaddiga ah.

 

Muxuu marka ku diidan yahay,waxaa ogtahay xuquuqda askariga aduunka waxa ay ka tahay,maadama somaliya tahay dal burburay waxaa ay noqotay in la waayo Aqoon badan oo loo wayo Wakhti ama Qarashka lagu horumarinyo ciidamdasi aqoontooda,waana taas midda saldhiga u ah.

Maxaa Loo Baahan Yahay:

Dawlada somaliya ayaa abuurtay Maxkad lagu qaadayo askarigii Qof dila ama akhlaaq xumo ka sameya dadka uu qidmeynayo,Celcelis Bishiina waxaa la Toogtaa 7-Askari ama ka badan.

 

Hadaba sida ay ila tahay waxaa weeye in marka hore dawlada soomaliya sameyso Aqoon tabac maadama askariga uusan ka maarmin in uu helo aqoon uu kula dhaqmo bulshadiisa,sida shuruucda magalada uu ka shaqeynaayo ama aqoon Maadi ah ama diini ah.

 

Marka aan ka soo tagno arimahaasi oo dhan waxaa kuu muuqanaya in ay yaraan lahayd hadii ay aqoon jirto,dilalka bilaa sharciga ah,kufsiga sharci darada ah iyo waxyaabo badan oo ka dhacaaya  ruuxa askariga ah.

 

Askariga waa heegan waana Tii maah-maahdu tiri  NIN LAGU SEEXDOW HA SEEXAN dadka soomaaliyeed inta Caqliga iyo dadnimada u saaxiibka ah ayaa waxaa ay dareemsan yihiin doorka askariga kaga jiro badbaadinta dalka iyo dadka.

 

Waxaana si cad u muuqda in dawlada somaliya sameysan da’daal buuxa ay u gashay sidii qibarada ciidamada loo horumarin lahaa,waxaana ciidamo farabadan ay u dirtay dalalka dariska ah hadana waxaa socda dilalka ka imaan kara ciidamada taasi oo ah mid u baahan in dawlada ka marto Sidii ay aqoontoda sare ugu qaadi lahayd si ay ugu anfacaan dalka iyo dadkaba.

 

                                             Mohamed Keenadiid
                                              Saadaq89@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 61

Trending Articles