Quantcast
Channel: afbakayle.com » Fikaradaha
Viewing all articles
Browse latest Browse all 61

Damaca Dhalinyaradda Iyo Doorka Odayada (W.Q: Mohamed Keenadiid)

$
0
0
Number of View: 344

Mohamed KeenadiidMarkii ay burburtay dawladii dhexe ee soomaaliya sanadkii 1991 waxaa dalka soomaliya uu noqday mid gala marxada dagaalka iyo horumar la’aanta,waxaana soomaliya laga dhigay meel loogu magac daray tusaalaha dagaalka Casrigan cusub.

Waa jiraan waddamo badan oo sida soomaliya u dagaalamay,kuwaasi oo qaarkood ku yaalan qaaradda afrika,hadaba maxaa hor taagan heeshiisiinta dadka soomaaliyeed ? su’aashana ayaan weydiiyay dhalinyaro badan oo soomaaliyeed kuwaasi oo ah kuwo maskax nadiif ah leh,waxaana ay si dareen mug leh uga jawaaben arintani.

Dhalinyaradda ayaa qaba in dhaliisha dusha loo saaro odayada haatan dalka xukuma oo ay ku tilmaamen in ay yihiin kuwo lug ku leh ugu yaraan dagaalkii sokeeye ee ka dhacay soomaaliya,waxaana dhalinyaradu qirsan yihiin in ay muhiim tahay doorkoodda oo la iska hilmaamay.

Markaan eegno horumarada ka soconaya caalamka Ama Ha ahato Dhinaca Tagista hawada sare ama Qodista shidaalka,ilaalada iyo difaaca dalka,waxaa hor booda oo madax u ah dhalinyarada waxaana odayada doorkooda uu yahay la socoshada iyo sii horumarinta waxayaabaha dhalinyarada abuuraan.

Hadaba maxaa ka jira somaliya?

Somaliya waxaa ay ka mid tahay qaarada afrika,qaaradan oo lagu yaqaano in xilka qofka hayo xitaa dhiig badan loo daadiyo ama dad loo baa’biyo waxaana qaaradani caan ku tahay kali talisyaal awood ku haysta shacabka wadankooda kuwaasi oo aaminsan falsafadii 1960 oo ahayd in nin walba meesha uu haysto ku maamulo awood.

Afrikaanka qaarkiis waa ka gudbay oo waxaa loo gudbay heerka wadatashiga iyo maamul wadaaga loo bixiyay Dimuqraadiyada, waxaana soomaaliya heerkaasi kaga jirtaa  meelaha ugu hoose maxaa yeelay waxaa meelaha qaar ka taliya rag soo shaqeynayay 50-sano ka hor oo xiligan looga baahnaa in ay noqdaan kuwa laga talo qaato.

Kuwaasi oo wali sii raba in ay maamulaan gobolada iyo qaybaha ay haystaan,waxaana taasi ay niyad jab ku keentay dhalinyaradii PHD ahaa ee u diyaarka ahaa in ay casrigan cusub gaadhsiiyaan dalkooda oo muddo ka maqnaa saaxadda caalamka maadama haatan loo baahan yahay maskax cusub odayada waa ku macangageen xilkooda.

Marka laga sheekeynayo dhalinyarada oo kuwaasi aan ku kor ku soo xusnay tilmaamayaan waxay yiraahdaa Jiilka Cusub, ama  Madaxdii Barito,  Ogow bari  waxaa qori caaradiis kugu hortaan kan ku leh madaxdii barito,arimahaasi is biirsaday waxaa ay keenen in Niyada wiilka ama gabadha wax baratay ee wadaniga ah noqoto mid ay ku jirto dhiifoonan ay ka qabaan suuragalnimada in xilkaas helaan.

Ugu danbeytii iyadoo aan hal qormo lagu soo koobi karin arimahani haysta dhalinyarada ayaa hadana waxaanan muuqan rajo dhab ah oo laga qabo doorka dhalinyarada somalida oo ay ku geedaaman tahay damaca Odayada hore ee haatan fadhiya xafiis walba oo dawladeed kuwaasi oo qayb ahan aanan garaneen sida xitaa loo isticmaala Computarka,waxaana ku talin lahaa in dhalinyarada sugto xiligooda ay ku toolmoon tahay.

                                                     

 

                                             W/Q:MOhamed Keenadiid
                                               Saadaq89@gmail.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 61

Trending Articles