Quantcast
Channel: afbakayle.com » Fikaradaha
Viewing all articles
Browse latest Browse all 61

Warbxin Xiiso Badan;-Xuska Sanad Guuradda Khaatumo & Dadkii u soo Shahiiday

$
0
0
Number of View: 414

xuska khaatumoDad badan ayaa u Shahiiday ilaa iyo intii ay bilowdeen Dhaqdhaqaaqii Madax Banaaninadda Goboladda Sool,Sanaag iyo cayn.Dagaaladdaas oo balowday ka dib markii qaar ka mid waxgarad,Siyaasiyiin iyo Isimo ka soo jeedda Goboladaas ay ku shireen Magaaladda Nairobi ee wadanka Kenya.
waxaana Shirkaas ka soo baxay go’aamo ay ka mid yihiin in la sameeyo Hogaan u edeegga Danaha dadka goboladaas. Hogaanka ayaa Hadafkiisa koobaad wuxuu ahaa Midnimadda iyo Xoraynta Degaanadda Sool,Sanaag iyo Cayn, taas oo ay macnaheeddu yahay in midnimo lagu dhex abuuro jilibyadda ay ka kooban tahay beeshan oo ay ku midoobaan hal Feker iyo Siyaasad,siddoo kale Hogaanka ayaa wuxuu ahaa mid taageersan midnimadda Soomaaliya kana isla markaas ka soo horjeedda kuwa aaminsan in Soomaaliya la kala gooyo. Hogaanka SSC Waxyaalihii dhaliyay Waxaa ka mid ahaa in ay Dadka Wax garadka ah ay u arkeen in Maamulka Puntland in uusan doonayn in uu Wax ka Qabto dhibaatadda iyo faragalinta uu ku hayo maamulka Somaliland.

Waxaa meeshaa ka bilowday in dadka SSC/iyo Hogaankii SSC uu Dagaal aan cidna ku wehelin halkaas oo uu uga bilowday shacabkii rayidka ahaa, Dagaaladaas oo ay ku shahiidaydeen dad badan oo rayid ah, dhimashaddii iyo dhaawicii ugu badnaa wuxuu ka dhacay Gobolka cayn oo ahaa gobolka ka kaliya oo ayan haysan jabhaddda SNM balse ay damsanaayeen in ay qabsadaan.
Shirkii Taleex iyo Dhismihii Khaatumo: 

iyaddoo loo fadhiyo Shirkii taleex oo waxn waxgaraddkii,Isamaddii,Cuqaashii,Siyaasiyiintiiba la fadhiyo geeddkii bardaha ahaa ayaa jabhadda SNM waxay weerar gardaro ah ku soo qaadeen Magaaladda Buhuudle ayoo damcay in ay Qabsadaan Magaaladda iyo Hubkii yiilay,halkaas oo ay kula dagaalmeen shacabkii reer Buhuudle uga saareen Magaaladda. ilaa iyo maalintaas Waxaa sii socday Dagaaladdii u dhexeyay Maamulka Khaatumo oo taageesanaya marba dadka degaanka ah iyo Jabhadda Cadowga ah ee SNM.

haddaba,maxaa waajib ah oo maamulka Khaatumo iyo dadka saaran in xusaan iyo xanaaneyaan dadkii u shahiiday iyo ubadkii ay ka tageen.

Qaar ka mid ah Laxihii lagu soo guray meelihii uu ka dhacay dagaaladda Degaanka Buhuudle

Xuska dadkii ku shahiiday Dagaaldaas.
Waxaa waajib ku ah Maamulka Khaatumo ee kala Wareegay Xukunka Hogaankii SSC in uu xuso Dhamaan dadkii ku geeriyooday dagaanadda SSC ee ku Shahiiday dagaaladda gardaradda ahaa ee jabhadda Cadowga ah Ee SNM ku soo qaadeen dalka iyo Dadka Khaatumo. Waa in Maalin gooni ah loo sameeyaa oo lagu xusayo dadkii Shahiiday dagaaladaas, waa in loo dhisaa taalooyinka xusuus mudan oo lagu xardhay magacyaddii dadkii u soo shahiiday Dalka iyo Degaanka khaatumo, waa in maamulka khaatumo uu Ururiyaa Taariiqdda,dhamaan magacyadda dadkii ku Shahiiday Dagaaladdaas iyo kuwii jihaaday ee ku dhaawacmay.

Xuquuqdda Qoyayskii ay ka tageen.

waxaa hubaal ah in waalidkii,Qoyskii iyo Caruurtii ay ka tageen dadkii ku dhintay dagaladdaas in ay ku tahay Xanuun ayan marnaba iloobi karin,waxaana laga maarmaan ah in la sameeyo ha’yaddo u xilsaaran xanaanayta ubadkii ay ka tageen mujaahidiintii u shahiiday ama hadda furimaha Dagaalka ugu jira.

Xuska Sanad Guuradda Maamulka Khaatumo waa in duceeyaa dadkii ku dhintay dagaaladaas.
Waa in laga Aqriyaa goobaha Xusaska Sanad Guuradda Maamulka khaatumo dhamaan magacyadda dadkii u Shahiiday iyo kuwii ku jihaaday ee dhaawacmay dagaaladad xaqa aha ee difaacu nafsigga ahaa, waana in loogga ducee isla goobahaas.
daryeeelka iyo xurmaynta Mujaahidiintaas waxay keenaysaa in aan noqono kuwa mahadiya dadkii u soo dagaalamay xoriyadda iyo difaaca Degaanka iyo Dadka reer khaatumo.
qaas ahaa Difaacii Gobolka Cayn haddii uusan jirin ma jiri lahayn magaca khaatumo.
waxaana mahadaas leh dhamaan dadka damiirka iyo dadnimadda leh ee reer cayneed.
Waxaa siddoo kale xusid mudan kuwa maanta difaaca ugu jira Xudun oo horfadhiya Cadowga.

Guul iyo Gobinmo Inshallah.

Ahmed laarri
BoocameOnline


Viewing all articles
Browse latest Browse all 61

Trending Articles