Xafladan oo ahayd mid lagu soo dhoweynayey qaar kamida macalimiinta wax ka dhigi doona jaamacada bariga afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle ayaa galabta ka dhacday isla xarunta Jaamacada ee Magaalada Buuhoodle, iyadoona xafladani ay kasoo qayb galeen Qaar kamida Isimada deegaanada sool, sanaag, iyo cayn, Waxgarad, Aqoon yahano, Siyaasiyiin, Culumo awdiin, Qurba joog, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka Khaatumo, Haween, Dhalinyaro, Ururada Bulshada, iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.
Hadaba xafladani oo ay soo qaban qaabiyeen gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali, macalimiinta wax ka dhigta Jaamacada, iyo ardayda wax ka barata Jaamacada bariga afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle isla markaasna ula jeedkeedu ahaa soo dhoweynta laba macalin oo jaamacada uga yimi dalalka dariska la ah dalka soomaaliya ayaa waxaa ugu horeynba halkaasi ka hadlay gudoomiyaha jaamacada bariga afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali, isagoona gudoomiyuhu ku dheeraaday maxladihiii ay Jaamacadu soo martay iyo waliba imaanshaha macalimiintani cusub.
Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay Xaaji Maxamuud Xaaji Cumar Camey, Caaqil C/laahi Maxamed Aadan Caws, Xaaji C/laahi Xasan Qambe iyo Axmed Faarax Nuure oo kamida ardayda wax ka barata jaamacada bariga afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle, iyagoona dhamaantood si weyn u soo dhoweeyey imaansha macalimiintani cusub.
Wasiir ku xigeenka waasarada xidhiidhka debada iyo jaaliyadaha ee Maamul goboleedka Khaatumo Xasan Cali Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay qurba joogta deegaanada sool, sanaag, iyo cayn inay ka qayb qaataan dhamaystirka dhismaha qabya ah ee u gaarka ah Jaamacada.
Prof. Augustine Barasa Khasani iyo Prof C/laahi Nadiif Muuse oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa iyana geestooda si weyn u soo dhoweeyey imaanshaha Magaalada Buuhoodle iyo wax ka dhigista jaamacada bariga afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle.
Adna Axmed Cali oo iyana kamida haweenka ku dhaqan Magaalada Buuhoodle oo halkaasi ka hadashay ayaa iyana ka haween ahaan si weyn u soo dhoweysay imaanshaha macalimiintani.
Waxaa ugu dambeyntii soo afmeeray xafladani Garaad C/laahi Garaad Soofe oo kamida isimada deeganada sool, sanaag, iyo cayn, isagoona halkaasi kasoo jeediyey erayo isugu jira dhiiri gelin iyo duco.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Xafladani ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan, iyadoona macalimiintani la rajaynayo inay wax badan ka qayb qaadan doonaan tayeynta iyo kor u qaadista tayada wax barashada jaamacada bariga afrika faraceeda Magaalada Buuhoodle.
Wariye moha ali