Number of View: 392
Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa,karaamadda iyo
milgo gobeedka ayaa ah astaama somaalida hibo loo siiyeey,
Daraawiishtii halyeey-Sayid Maxamed tiirarka asaasigga ah ee
halgankii xoriyada iyo gobanimo doonka,Taleexna xarunta 1-aad
iyo hooyga guni-mo diidka somaaliyeed(lama illaawan iyo asal
ma guuraan ah Taleex).
Taariikhdu waa maalmo taxane ah oo mid walbaa waayaheeda iyo
dhacdaeeda leedahay xusuus ahamiyadeeda leh ku fadhidda 4-dec
2012 maalinta qiimo gaar ahaaneed u leh degmadda Taleex xarunta
Maamulka Khaatumo State waxaa si nabadgelyo ah Allah mahadi ah
u soo cago dhigatay diyaaradii ugu horeeysay oo nasiibka u yeelatay
ku soo degida garoonka cusub ee Halyeey-Sayid Max’d C/Dule Xasan
oo dhismihiisii iyo diyaariintiisaba intii badneyd gacanta laga qaaday,
waa adagtahay ka faaloodka ama sawir ka bixin munaasabadaas gaarka
ah(Waji farxadiisa leh,guushiisa leh,gobanimadiisa leh,horumarkiisa
iyo tallo wanaagiisaba leh)(Alloow,Raxmaankoow naga aqbal mahad
celinta,Garoonkuna mid camal kheyrka iyo wanaaga u adeega)Inshaa
Allah.
Howl biloowga garoonka Sayid Maxamed ee Taleex waa guul ahamiyad
weyn leh tallaabo wadada toosan loo qaaday,hanaan aayo wanaagiisa
iyo habsamidiisaba leh kana turjumaaya ama si cad uu qeexay iftiinka
iyo ahamiyada jiritaanka Maamulka Khaatumo State,furitaanka garoonka
waa tallaabo kaalin weyn ka ciyaari doonta hadii Allah idmo-adeegyada
Bulshadda,Kocbinta Dhaqaalaha iyo muural dhiska guud ahaanba dadka
reer Khaatumo iyo bulshadda degaamada eey deris wadaaga yihiin,waa
guul waqtigii ku haboona ku soo aadeey,midka damiirka lihi dareemaayo
farxad awgeed dhinac u dhacaayo,damiir-laawe naxdiin iyo murugo lool.
Marka hore Raxmaanka ayaa mahad weyn leh,amaan,bogaadiin iyo mahad
celinba howlwadeena garoonkaas dhisay,Hogaanka Sare Khaatumo State,
Bulsho-weynta degmadda Taleex,qurba jooga khaatumo iyo guud ahaanba
Qoomiyadda karaamadda iyo milgo gobeedka leh reer khaatumo,waxaan
halkan baaqo ahamiyadiisa leh uga soo gudbinaaya Jaaliyada Khaatumo
Qaaradan Yurub,W/Mareeykan,Austaraaliya,Newzland,Dunida Carbeed,
Barigga Afrika,Bartamaha Afrika,K/Afrika iyo Asiyada Fogba in eey sidda
ku haboon gacan uga geeystaan dhameeystirka howlaha garoonkaas oo
gurmad deg deg ah la qaado,isla markaana garoonka Buuhoodle oo meel
wanaagsan maraaya la dhameeystiro,farxadu yeey noqon mid laab la kac
ah balse ha ahaato mid run ku saleeysan,garasho wacan ka duuleeyso oo
danta guud u adeegeeysa,iyadoo laga duulaayo dhibkii,rafaadkii,dayacii
iyo arimihii gunimadooda leh oo garoomada qaarkood lagala kulmaayeey
iyo dhulkii fogaanta badnaa oo laga soo wareegaayeey-Allah Weyn Ninkii
Aaminaa Awood leh,Waabaa beryeey,xaqii baa dilaacay,karaamadii soo
noqotay,gunimadii iyo duli-nimadii ayaa suusheey-nacam weey suusheey.
Nin Lagu Seexdoow ha Seexan-
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab).
-Dec-05-2012.