Qoraalkan oo xambaarsan taariikh iyo macluumaad muhiim ah waxaan ku cadaynayaa cidda ugu weyn ee ay eersanayso JaamacaddaNugaalUniversityee ku taal Magaalo Madaxda laascaanood ee Gobolka Sool oo aad mooddo inay iminka ragaad ku jirto. Qaybta koobaad ee daraasaddan waxaan hal-kudhig u ah Geeddigii Horu kaca ahaa Halkee Buu ka Dheeliyey!?
Aasaaskii jaamacadda
JaamacaddaNugaalUniversitywaxaa la asaasay oo dhidibada loo taagay sannaddii 2004, hase yeeshee fikirkeedu waa uu fogaa oo muddo ayuu soconayey in la sameeyo jaamacad ay ku hirtaan dadka deegaanada SSC ayna kaga maarmaan baahida jaamacadeed ee ay u martiyayaan Gobollada dersika La ah Mandaqadda SSC.
Fikirka in la asaaso waxaa lahaa Mudane Maxamed Askar oo isagu ah odey ka soo jeedda mandaqadda SSC hase ahaatee qurba joog ah, sida aan xog ahaan ku maqlay habeen ayuu ku riyooday odey maxamed mandaqadda SSC oo jaamacad leh ka dib wuxuu isugu yeedhay dhammaan qurba joogtii ay isku degaanka ahaayeen ee ka soo jeedday SSC wuxuuna u sheegay damaciisa ah in SSC loo sameeyo Jaamacad.
Daraasado ay sameeyeen koox aqoon yahan u badan uuna hor kacayey Allaha u Naxariistee Halyeygii weynaa ee Maxamed Buraale Ismaaciil, waxay albaab kasta oo jaamacad lagu magacaabo kuna taalSomaliau tageen sidii ay xog dhab ah uga heli lahaayeen wax yaabaha lama Huraanka u ah Jaamacad ee noqon kara asaaskeeda, amase seeskeeda.
Daraasaddaa kadib waxaa soo baxday in Jaamacadda laga dhiso meel magaalo ah oo buuxin karta baahiyaha ay Jaamacadi Leedahay, waxaana la guddoonsaday in jaamacadda laga dhigo magaalo Madaxda Mandaqadda SSC ee Laascaanood.
Furitaankii Jaamacadda.
Iyadoo daraasad ka dib la guddonsaday in Laascaanood jaamacadda laga dhigo Magaceeduna uu yahay Nugaal, ayaa si rasmi ah waxaa 23-kii Nov, 2004-tii qalinka iyo buugga loogu qaatay jaamacaddii oo iyadu markaa hoy kiro ah ku jirtay, maamule amase dhiin waxaa looga dhigay Jaamacadda Cabdikariin Cali Jaamac oo isagu macallin ka ahaan jiray dugsiga sare ee laascaanood, muddo ka dib waxaa Cabdikariin u baxay dano u gaar ah.
Intii uu Cabdikariin Cali Jaamac Maamulaha ka ahaa Jaamacadda waxaa soo gaadhay wiil uu dhalay Oday Maxamed Askar – oo isagu ahaa Aabaha amase shakhsiga ay gaarka u ahayd fikirka in la sameeyo Jaamacadda – inankaasi wuxuu jaamacadda iyo ardeydii dhiganaysayba Guddoonsiiyey Buugaag iyo Qalimaan, buugtaas oo ahayd nooca ay ardeydu wax ku barato ee loo Yaqaan Text Book iyo qalab xafiiseed kale, Malahayga waa shakhsigii ugu horreeyey ee Gacan u fidiya si hagar la’aan ah Jaamacadda Intii Albaabka loo Furay.
Doorashadii Maamulka Cusub Ee Jaamacadda.
ka dib Markii uu Maamulihii hore ee Jaamacadda Nugaal University Cabdikariin Cali Jaamac, uu faaruqiyey kurigii maamulka jaamacdda ayaa waxaa qurba joogtii iyo dadkii ku sugnaa gudaha degaanka SSC oo uu ka mid ahaa allaha u naxariistee guddoomiiyaha guddiga wax barashad Ee SSC Halyey Maxamed Buraale Ismaaciil, waxaa la guddoonsaday in Dr.Cabdiraxmaan Xaaji Saalax oo ahaa Macallin wax ka dhiga Dugsiga Sare Ee Laascaanood iyo Dugsi ku Yaal Garoowe, waxaa loo cugtay inuu noqdo Hogaanka Cusub ee Jaamacadda Nugaal University, waxaa marba markii ka danbeysay kor u sii kacaysay rajada dadka SSC iyo jiilka ka soo baxaya dugsiyada sare ee mandaqadda oo iyagu higsanaya inay wax ka bartaan jaamacadda.
Muddo markii uu hayey Hogaanka Jaamcadda Cabdiraxmaan Xaaji Saalax, waxaa loo dabaal degay Sannad guuradii Koobaad ee Jaamacadda Nugaal University, waxaa xafladdaas ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshada SSC, waxaa ka soo qayb galay Siyaasiyiin uu ka Mid yahay Wasiirkii Wax barashada Ee Puntland, Xubno Federaalka ka yimi, dadweyne aad iyo aad u faro badan Issimo , abwaan Jaamac kadiye dharaartaas wuxuu xafladdaas ku soo bandhigay suugaan horleh oo uu waxbarshada kaga maansooday, maalinkaas waxaa aniga rajadayda ku aadan in jaamacaddu sii socoto ay kor u kacday 100%, waxaan ogaaday sida loogu heellan yahay Baahida Jaamacadda, farxad iyo rayn rayn bay ku dhammaatay xafladdaasi.
Pro.Yuusuf Maxamed Xayd & Guddoonka Buugtiisii.
Pro.Yuusuf Maxamed Xayd, waxaa isna uu keenay buugaag Carrigaa iyo ciiddaa ka badan, buugtaasi waxay ahaayeen buugta Reading Books ka loo yaqaan ee wax laga akhristo, oo dhan walba oo kasmooyinka waxbarashadu ku idiltahay, buugtaasi waxay dabooshay baan odhan karaa baahidii ugu weynayd ee ahayd Library ay jaamacaddu yeelato, buugtaas wuxuu aqoonyahanku soo waday Tan iyo USA, ma jirin cid gaar ah oo buugtaas Pro. Xayd ku gargaartay oo aan ka ahayn Qoyskiisa, sida aan xogta ku helay muddooyin ayuu ku jiray ururinta Buugtaas.
Xafladdii ayaa uu ku guddoonsiiyey Buugtaas maamulka Jaamacadda, waxaana aad iyo aad aan ula riyaaqay markii buugtaas aan arkay tiradooda iyo tayadooda.
Booqashadii Pro. Axmed Dhakaar Iyo Nugaal University.
Pro. Axmed Bootaan dhakaar wuxuu ka yimi dhulka loo yaqaanUSA, waxa uu wax badan ka ogaa aqoonta maanta caalamka taal, waxa uu ka jeediyey jaamacadda nugaal lagjar, malahayga waa Pro. ugu horreeyey ee aan arko isagoo jaamacadda ka jeedinaya khudbad, marka laga reebo Pro.Yuusuf Maxamed Xayd oo isagu ahaa macallin Jaamacadda wax ka dhiga, hiyi weyn baa isii galay ka dib markaan arkay sida loola dhacsan yahay booqashada Profissorka ayna dadku jeclaayeen inay gebi ahaanba dadka Aqoonta leh ee ka soo jeeda SSC ay ku caawiyaan khudbado keliya, si uu usii kaco hiyigooda waxbarasho.
Booqashadii Weftigii ka Socday Inver Hillis College.
Tani waxay ahayd, markii wefti ka socda jaamacadda loo yaqaan Inver Hills ee ku taal dalka maraykanka gobolka Minisotta ay yimaadeen Nugaal University, waxaa hor kacayey inan da’ yar oo magiciisa loogu yeedhayey uu ahaa Cabdimaalik, waxaa la ii sheegay in uu dhalay Odeygii aan horey u soo sheegnay ee lahaa Fikirka Jaamacadda nugaal, oo la odhan jiray Maxamed Askar.
Waxaan aad ula yaabay markii aan arkay laba qof oo walaalo ah oo labaduba Jaamacadda Garab taagan muujinayana taageero aan caadi ahayn, waxaan is weydiiyey waar inamadan ma waxay caan bixinayaan inay socoto fikirka aabohood, mise Dadka SSC ee qurbaha jooga ayaa awood u leh inay wax u qabtaan Jaamacadda, hase yeeshee ka aamusan bay ka muwaadinsan yihiin, waxaa ii soo baxday in qoyska Maxamed Askar uu ka jecel yahay dadka kale ee SSC ee qurba joogta ah horumarka Deegaankiisa, waayo waxaa ku tusaysa kartida uu qoyskaasi ka muujiyey sidii ay usocon lahayd Nugaal University.
Weftigaasi wuxuu muujiyey rabitaan, waxaa xafladdaas ka hadlay dhinacyo badan, ha ahaato weftiga iyo bulshadii SSC ee markaa xafladda goob jooga ka ahayd, waxaa ay bixiyeen ballan qaadyo cul culus, waxaana aad ugu riyaaqay bulshadii meeshaa ka ag dhaweyd iyo intii uu warku gaadhayba.
Geeddigii Horu kaca ahaa Halkee Buu ka Dheeliyey!?
Waxaad mooddaa in maanta uu ragaad weyni ka jiro Jaamacaddii caynkaas ahayd, Ragaadkaasi halkee buu ka yimi bay kula tahay?
Hadaan wax yar dib ug laabto Pro. Xayd waxaa laga codsaday inuu dejiyo Xeer hoosaad ay Jaamacaddu yeelato, xeer buu soo dejiyey Prof. Xayd aan horay loo arag loona maqal, dhabo cad ku kala rida Maamulka, Guddiga , macallinka iyo Ardeygaba.
Waxaa jirtay oo iminka jirta koox yar oo dan gaar ah leh, uma daneeyaan dadka ay ku dhex nool yihiin, kooxdaasi ninkii ay arkaan inaysan fikir ku shuban karayn oo aan iyaga midiidin u noqonayn waa ka argagaxaan, waxaa ku kaca elerjigii ay qabeen, ciddii aqoon lehna col bay u arkaan, waxay bilaabeen inay xeerkii damcaan inay fadhataystaan, waxay keeneen hadallo ay ka mid ahaayeen “Xeerku waa wacan yahay Laakiin Xoogaa Cilmaaninimo ah baa ku jirta”.
Waxaa is weydiiyey Pro. Xayd Maanu islaam ahayn? xaggee bay ka timi cilmaaninimo baa wax qof islaam ahi qoray soo gashaa, waxay ka mid ahaayeen hawlaha iga yaabiyey ee aan u soo joogay.
Waxaan ardey iskool ahaa muddo illaa Heer Jaamacadeed, weligay macallinkayga ma maamulin, mana arag meel ardey uu macallin ku maamulo, saa waaba ardey iyo macalline! arrintani waxay ka mid ahayd markii aan maqlay arrimaha iigu waaweyn ee aan maqlo marka laga hadlayo xag wax barasho:
(Markii uu macallin ka mid ah macallimiinta Jaamacadda uu qaadayey Imtixaankii ay ardayda jaamacaddu geli jirtay, waxaa soo gashay salaaddii cishe, waxaana koox ardeyda ka mid ahi dheheen iyagoo u fadhiya imtixaankii waanu soo tukanaynaa, Macallinkii wuxuu ku jawaabay salaaddu waa tii cishe, ma tegayso idinkuna jamac waad noqon kartaan, ardeyna ma kaco isagoo imtixaan ku jira, lacalla haddii ay mid makhrib ahaan lahayd halkiinaad ku tukan lahaydeen, fadlan ha laga shaqeeyo imtixaanka.
imtixaankii markii laga soo baxay waxaa ay koox yar oo labo horjooga lihi guddoonsadeen inay macallinka ugu yeedhaan dariiqada loo yaqaan xer, amase timo weyn oo ka mid ah dariiqooyinka diinta islaamka ee ay soomaalidu isu qayb qaybisay, waxaana ay kooxdaasi ka soo saxeexeen waraaq ardeydii intii ay ka dhaadhicin karayeen fekerkooda qalloocan, waxaana ay dheheen waa aynu iska caydhinaynaa macallinka, waxaana ay u cuskadeen fikirkoodii ay sida khaldan uga dhaadhiciyeen ardeydii oo ay awoodooda adeegsadeen, macallinkaasi halkaas buu kaga baxay Jaamacadda.)
Wax yaabaha aan mararka qaar is weydiiyo waxaa ka mid ah sidee baad macallin kaaga u odhan kartaa saasaan yeelayaa, waxaa iska cad in aanay kooxdani dugsi soo dhigan ee intay xoogaa soo barteen carabi ah ay wadaado isu ekaysiiyeen, saa hadday wadaado yihiin diinta wadaadnimo baa celin lahayd.
Haddaan halkaa ku dhaafo, dhacdadii ii xigtay waxay ahayd (tii ay koox dii isku dayday inay ka jarto gunno uu lahaa macallin iyaga wax barayey, gunnadaasi waxay ahayd mushaharka macallinka inta uu ku dhigo xiisaddii iima cadda intay tiro ahaan ahayd, balse aan salka sheekada gaadhnee, kooxdani waxay ku dirqiyeen macallinkii gunnadiisii waxaana dhacday in ay ardeydii qaar ka boodaan, gunnadaasi waxaa sida igu maqaalo ah ay ahayd ta ay soo diri jireen dad qurba joog ah oo jeclaa horumarka deegaanka, hase yeeshee koox yari ay juqda dhexe u gashay, iyagoo macaash ka eegayana ay u geysay inay macallinkii tii uu qaadan jiray uu hunguri ka galo waxaan xusuustaa maahmaahda ah (Hunguri wed ma arko), waxaa aad uga cadhooday inbadan oo ardeydii ka mid ah waxaana ay gaadhay hogaankii sare ee jaamacadda, waxaa hal mar la is wada weydiiyey Gunnada macallinka dadka xisaabinayaa maxay ahaayeen, waxaa cadaatay in kooxdii ay yihiin ardey, misana ay yihiin Guddi, waxay noqtay amankaag, waxay gaadhay dhegay fareey in uu xaalkii tago oo bulshaddii SSC ay hal mar wada eegaan kooxdan yar ee ay shidhka ugu jiraan labada darawal, hagidda ay wadaan kooxo banaanka taagan oo guddiga ku jira, waxay ahaayeen dhacdooyinkii foosha xumaa ay kooxi la soo baxday ka dib markii ay godka ku hubsatay Halyey Maxamed Buraale Ismaaciil, allaha u naxariistee)
Waxaan is weydiiyaa kooxdani ma waxay sugayeen dhicidda qorraxdii casarka joogtay ee uu ka dhignaa Maxamed Buraale ismaaciil Naxariistii Janno allaha Siiyee, mise xaalkoodu qolyahan waa la jiifiyaana banaanoo markii odeygu noolaa wadaaday ahaayeen hase ahaatee markii god galay bay waran layaal noqdeen meel walba hunguri ka galay.
Ladhkii ka kacay hadalkaasi amase ogaanshaha kooxdaas waxay noqotay inay labo u kala jabaan ardeydii jaamacaddu oo kooxina ay noqoto mu’ayidiin kooxina noqoto mucaarad xaadh xaadhtaanna goof bannaan una yeedhato bare ka yimi wadamadaa kale, maalintii alle soo goodana been ku faafsadaan mareegaha SSC. Qolyihii kalena ay hantiyaan oo ay saldhig ka dhigtaan jaamacaddii iyaga oo isu arka inay iyagu saxan yihiin, ayna u dhigaan barayaal tiradoodu dhowr tahay, iyo hoggaankii jaamacadda oo isna goob jooge u ah dharaar iyo habeen walba.
Waxaad moodaa in hayaankii horu kaca ahaa ay koox yari ka jeclaysatay in geedigoo raad arooryo la qaadsiiyaa ay ka midho badan tahay hayaanka horu kaca ee ku dhisan higsashada waxa hareeraha ka xiga mandaqadda SSC.
Arrimahaas oo idil markaad aragto waxaa maankaaga ku soo dhacay su’aalo aad u tiro badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin:
Maxaa sababay ragaadka ku habsaday jaamacadda?
Yaa ka mas’uul ah Ragaadkaas?
Miyaan meesha Maamul iyo kala danbayni ka jirin?
Danta ugu jirtaa kooxdan bur burinta Jaamacadda Maxay tahay?
Habkee lagu xallin karaa dhibaatadan taagan?
Yaa mudan inuu wax ka qabto DHibaatadan?
Muxuu noqon karaa Xalku?
Gunaanadka Hadalkayga waxaan odhan lahaa,in kooxi ay dumiso mustqabalka ummad aan lahayn dawlad, aan lahayn cid gargaar banii aadanimo u fidisa, ku nool ilaahay galladiisa, ka rajo sugaysa ammuuraha ilaahay, ka war qabta waxa ka socda hareerahooda, ka wada siman wiil iyo odey waayo aragnimo, laguma maaweelin karo loogumana warrami karo waxaan jirin oo mareeg la soo geshay, xalku wuxuu ku jiraa iyadoo laga baxo Kooxaysiga, la eego danta guud, la gaadho hiyiga ummaduhu higsanayaan, laga reebtoomo waxa xun, loo wada guntado horumar, la is qabsado gacmaha, laga hadho danta gaarka ah, loo hogaansamo diinta alle, lagu haasaawo horumar.horumar horumar.
Halkan ka akhri warbixinta oo sawirro wadata.
Lasoco qaybta 2aad.
Xigasho: Hoyaalay.com
WWW.HOYAALAY.COM
info@hoyaalay.com