Quantcast
Channel: afbakayle.com » Fikaradaha
Viewing all 61 articles
Browse latest View live

Hanbalyo” Godaalonews Oo Kuso Biirtay Warbaahinta Somalida Maxay Sidaa ?

$
0
0

Waxaa Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ee Jecel Warbaahinta Loogu Bishaaraynayaa inay Hadawa Soo Gashay Shabakad  Cusub oo lagu Magacaabo Godaalonews.com.

Shabakada Cusub ayaa bulshada waxay ka Haqab tiri Doontaan, wararka, Muuqaalada iyo Dhacdooyinka ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka.

Hamoogaan Inaad Booqato Shabakada Cusub ee  WWW.GODAALONEWS.COM

godaalo


HAMBALYO,HAMBALYO DHALASHO OO FARXAD LEH AXMED CALI DHIKIL OO GABADHA UGU DHALATAY NAIROBI

$
0
0
  1. Maxamed xasan xaaji ibraahim koreye
  2. Cabdifataax jaamac gurey 
  3. bashiir maxamed gurey 
  4. xasan jamaal qorshel.
  5. Cabdi raxmaan jamac xirsi
  6. cabdi qani axmed cabdi bide,
  7. selebaan cilmi raan
  8. ali muse x maxamud,
  9. faarax muuse x maxamud,
  10. cali jaamac dalmar,
  11. cawil fanax cabdi casiis maxamed 
  12. selebaan nuur budeye
  13. aadan baashe xasanyare 
  14. axmed sh xasan 
  15. ayaanle sh xasan,
  16. Faraax eidle cali haaybe 
  17. haykal maxamed seleban bootaan,
  18. Abshir juujuule,
  19. Cabdisalan cali xuseen surey,
  20. Cabdi samad cumar cade 
  21. maxamed siciid cagjar,
  22. maxamed cabdu maxamed
  23. cabdinuur axmed maxamed
  24. cabdilaahi haaybe xaayd 
  25. aamina haybe xaayd
  26. cabdi qani haybe xaayd,
  27. maryam warsame dhikil
  28. mushtaaq salah maxamed
  29. maxamed cabdi dhikil 
  30. khadro cali dhikil iyo ciyaalkeda iyo odaygeeda,
  31. jaamac selebaan yusuf 
  32. cabdirisaaq ismaaciil osmaan cagmadhige,
  33. faarax  haaji cise,


iyo dhamaan qarabada iyo ehelkoodu waxaay tahniyad dhalasho u dirayaan mudane axmed cali dhikil
iyo  marwadiisa qaaliga ah  ikran dhux cali  jidaal
Oo gabadhi ugu dhalatay taariikhdu markay ahaayd 19 6 2013  dalka kenya gaar ahaan casimada  dalka kenya ee Nairobi gabadhaas oo loo bixiyey maryama  Axmed Cali,

Anana wxaan leenahay  soo barbaar oo noqo tii dadkeeda iyo deenteeda anfacda  oo baariyada u ah waalidkeed  iyo qaraabada oo idil ,iyo waliba muslimiinta oo idil,

aammiin aammiin ammiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

Silsiladii dhambaalfuran qeybtii afara iyo tobnaad iyo Abwaan : Axmed cabdi ciise (Axmedkayse)

$
0
0

Gabaygan waxa Ladhahaa ” DHALAD ”
waxan ku halqabsanayaa Abwaanka
weyn ee
Farxan selwe  oo kamida abwaanadii
dhidibada u taagay tixdii (DHAMBAAL
FURAN) waxana ku bilabay gabayga
sidatan :,

 


Dhada gabayga waa nigii dhaafayoo
,dhigaye.

 
Waatan ka dhowrsaday mudoba,dhihintinkeediye.
 
Bal aan dhoho maantoo kalaan,dhamacda jiidhsiiyaye.
 
Dhame farxanow dhambalkad soo dirtee,dhadhanka weyn yeeshay.
 
Inkastuu dhowr habeen so dhoxoo,dhabada soo qaaday.
 
Dhakhsuu iigu yimi isagoo dhab,uhilaacaaya.
 
Oo dhufays buu iiqotay sidii dhamacda,jiilaalka.
 
Dhaqdhaqaaqna diid ilaa u dhawaaq,gabay dhab u hilaadeeyay.
 
Afartaa ma dheeldheelinine dhuuxyo maw,yeelay.
 
Dha,dii aan ka qaaday murtida miyaan,dheegna uga leexday.
 
Ma dhidbeeyay arrar dhumucyo weyn,yeeshay.
 
Afarkaloo dhufays watana wan dhihi ee,dhagaha ii daaya.
 
Badda dherersan dhuumaha biyaha,webiga dhabaqleeya.
 
Ee Eebahay kheyraadka dhaayuhu,arkaan dhaladka uga yeelay.
 
juba dheef bay leedohoo dheeman iyo,luula.
 
Dhocor bay dhashaa oo ku dhaashataa,abide.
 
Dhan walbaad ka eegtaba dhaayahaan,araga diidaynin.
 
Dhool iyo ciyaalkii waxaa dhereg,latiicaaya.
 
Dhalinyariyo waayeel waxaa dhaanto,tumanaaya.
 
Waa dhaydii jubaadyo dharabka ay,haystaane.
 
Waa dheemankaan ogaa iyo dhaxalkii,daaroode.
 
Afartaa ma dheeldheelinine dhuuxyo maw,yeelay.
 
Dha,dii aan ka qaaday murtida miyaan,dheegna uga leexday.
 
Ma dhidbeeyay arrar dhumucyo weyn,yeeshay.
 
Afarkaloo dhufays watana waan dhihi ee,dhaayaha iga eega .
 
Ciidankaa dhufaysyada qotee dhaxanta,jiidhaaya.
 
Dhabacaada orodkiyo dagaal loogu,dhigan waayey.
 
Dharaartii halkii ay galaan dhakhso ugu,haameeya.
 
Ee dhurwaayadii wax cunijiray dhiiga ka,ilaashay.
 
Ee cadowgii dhiiranaa dhaafshay,noloshiiba.
 
Ee dhashiikaha wada sitee dhamac,walaaqaaya.
 
Dhuuniqaatayaasha soo dhacana dhebiga,saaraaya.
 
Waa dhiiranayaashad ogayd iyo,dhalaankii ismaaciile.
 
Waa dhamaysyadaan iqiin iyo dhaladki,reeraha e.
 
Afartaa ma dheeldheelinine dhuuxyo maw,yeelay.
 
Dha,dii aan kaqaaday murtida miyaan,dheegna uga leexday.
 
madhidbeeyay arrar dhumucyo weyn,yeeshay.
 
Afarkaloo dhufays watana wan dhihi iyo,weliba dheeraade.
 
Dawladaa loo dhanyahaye dhanka sare,aaday.
 
Jubbalandtaa dhitaysan hadii xamar laga,dhaliilaayo.
 
Ilaahii aduunkaba dhisaa soo,dhamaystiraye.
 
Inaan cidina udhutinahayn tolow,dhagaha ya ugu  sheega.
 
waxan ahay dhashii darwiishkiyo ninkii,dhaadanaan jiraye.
 
waxan ahay nin dhaayaha ku yaal,dhuumasho arkaane.
 
Aan dharaar kadhigo halka loo,dhufleynayo dhayna kaga keeno.
 
Dhaameelka ay leedahay rabaan inay,dugusle daaqaane.
 
Oo dhaxalkii awooway doonayaan inay,dhumuc ku yeeshaane.
 
Xasan baa dhibaatada wada oo dhibaya,maandeeqe.
 
Aan ku dhoho murtidaan iqiin iyo,maahmaah lagama dhuuntaana.
 
BAdd dheregsan dhayal looma galo,dharaarta maanta ahe.
 
mawjado is dhirbaaxaya iyo waxaa libaax,micida dhaalaystay.
 
Ee dhoosha ka halgaadayee cidina ugu,dhiciweyday.
 
Hadaad dhugo isleedahay waad u,dhaadhiciye.
 
Dherigii ku shiilayey hadaad dhamacda,sii saarto.
 
Adunbaa naftaadii dhiliidoo dhambalay,dhalayaxowe.
 
Anna waxba yaanu gabaygu ila,dhaadhicine waxan kusoo dheehay.
 

Bal aan eegno dhuuniga ku hodda,dhaxalka uu reebo.
 

 

By Abwaan : Axmed cabdi ciise
(Axmedkayse)

Waa Gabay Lamagac Baxay { Bidhoodin } Waxaana tirisay Abwaanada Caasha Luul Cumar

$
0
0

1304531827_281462_0--gabay (1)Waa gabay ladhaho[bidhoodin } waa  bayaan cad oo kahdlaya arimaha jira iyo wadcigan Wxa aan bidhoodinayaana waa bulshada reer khaatumo ,madaxda, iyo mamulka khaatumo iyo waxgaradka , siyaasiyiinta ,aqoonyahanada , madax dhaqmeedka, dhalinyarada, hooyooyinka  intaba

Waa gabay   baraarujin ah oo aan ku cadaynayo arimaha kaladuwan ee kajira mandaqada reer khaatumo Wxa uu fariin udirayaa qofkasta  oo udhashay khaatumo meel ksata oo uu joogo Looma kala laha sida loo  kal daraja sareeyo oo kliya balse waa mid ku socda dhamaan umada Inta wax magaratad ah iyo inta wax dareemaysaba Wxaa ladhahaa { bayaan ama bidhoodin } waxaan curiyay 06/06/2013 kabogosha wacan

 

1)               Beryahanba Waatan Ka Hadhay Maanso Badankeed E

2)               Ba’dii Gabayga Geeraar Ma Curin Mana Buraanburin E

3)               Hayeeshee Ilaahbaa I Baray Oo Waawax Igubeeran

4)               Badhtankeda Xalayban Hurdadii Booday Oo Kacay E

5)               Barkintiiba Qaban Waayay Sidii Aan Bestay Ahay E

6)               Baaxaa Deg Mooyee Siwacan Jiifka Uma Bogan E

7)               Waan Laba Bogleeyoo Qalbigu Waa I Belbelayaa E

8)               Bismilaah Goor Taan Idhina  Waan Burqanayaaba

9)               Bahdilnaan Tolkay Haysataa Beerku Ila Huray E

10)      Beledkeena Waxakajiray Murtidu Beegso Igutiri E

11)      Faras Baroor Ah Bay Fuul Itiri Oo Orodka Sii Boobe

12)      Haka Baydhin  Libaaxay Itiri Ee Guura Bahalee E

13)      Afartaa Bineeye Miyaan Baylkii Ka Ilaaway

14)      Budhka Ulamategin Halkaan Baadhayoo Rabo E

15)      Aan Idiin Bilaabee Dadyohow Guusha Ila Beega

 

 

16)      Bayaan Culus Ayaa Waxan Udiri Beesha Khaatumo E

17)      Baalkastay Kajoogaan Dunida Waan Ubahnahay E

18)      Berigaa Carbeed Amase Yurub Intii Baaqi Ku Ahaatay

19)      Ameerika Kuwaa Boodaya Iyo Afrika Booskeeeda

20)      Bardihii Taleex Kuwa Jira Iyo Maamulkii Bidhaamay

21)      Nugaalsare Halkaa Boocame Ilaa Gegida Buuhoodle

22)      Barta Sool Ah Berigaa Sanaag Shacabka Bookhyaala

23)      Inta Bari Iyo Hawd Jooga Oow Baylah Baan Nahay E

 

 

24)      Waa Baafin Afartaasi Iyo Buunka Aan Tumay E

25)      Hadba Buur Ayaan Fuulayaa O Waan Bidhoodshaa E

26)      Geel Baar Cad Ay Kamid Tahiyo Baadi Baa Maqan

 

27)      Caqli Laysku Biirshaa Wanaag Lagu Bilaabaa E

28)      Badhaadhaha Waxaa Laguhelaa Waa Dedal Bixin E

29)      Barwaaqda Waxaa Lagu Degaa Sahanka Oo Buuxa

30)      Is Bahaysigaa Lagu Dunshaa Buura Waawayn E

31)      Cuqdad Idinku Baahdaa Samuhu Biir Idiinyahay E

32)      Miyaydaan Caloolaha Bogsiin Uurkii Idin Buuxay

33)      Miyaydaan Bislaanayn Sidani Waa Damiir Beel E

34)      Miyaydaan Baraarugin Haday Belo Nasaamaysay

35)      Bishaaradaan Sugayaniyo Waxii Aan Uboholyawnay

36)      Barkhad Baan Filaynee Maxaa Buriyay Hawsheena

37)      Balanqaadyadii Meeye Iyo Bilicdii Soo Jeeday

38)      Miyaan Qodobadii Lagu Balamay Loo Biltirinayn

39)      Dhibatada Miyan Laga Baxayn Baab’a Weeyane

 

 

 

40)      Waa Baafin Afartaasi Iyo Buunka Aan Tumay E

41)      Hadba Buur Ayaan Fuulayaa O Waan Bidhoodshaa E

42)      Geel Baar Cad Ay Kamid Tahiyo Baadi Baa Maqan E

 

 

43)      Muda Badan Waxaan Baadhayaa Geesiyaan Biqin E

44)      Ingiriis Kuwii Baacsaday Biimadiyo Xooga

45)      Daraawiish   Dhashoodii Ayaan Baaq Udirayaa

46)      Idinkaa Is Bidhansada Oo Baylah Naga Dhigay E

47)      Boqontaad Is Goyseene E Beebe Wada Fuula

48)      Biidhiqaate Aan Naxayn Iyo Dadkii Booli Baa Rogay E

49)      Bilistiyo Madhaafaan Duqay Oo Shacabkii Bayhoofye

50)      Barbaartiyo Dhalaaankii Ayaa Jeelku Buuxsamay E

51)      Bandaw Nagama Qaadaan Oo Baacsi Noo Dheer E

 

 

52)      Waa Baafin Afartaasi Iyo Buunka Aan Tumay E

53)      Hadba Buur Ayaan Fuulayaa O Idin Bidhoodshaa E

54)      Geel Baar Cad Ay Kamid Tahiyo Baadi Baa Maqan E

 

55)      Waxba Yaanan Badin Gabayga Oo Bad Ilagelin E

56)      Hadalkayga Beegoo Murtidu Yaydin Baalmarin E

57)      Bacaadkaa Hashii Lagu Lisay Iyo Baabah Naga Daya

58)      Ala Bariga Siibadiya Oo Gees Uwada Baydha

59)      Bilaahida Rumeeyo Marqudha Buufsha Cadawgena

60)      Buugaa Inaqorayee Marqudha Ceebta Naga Biiya

Waxaa Qortay Caasha Luul Cumar Wadaad

 

Daawo Tvga Somsat Oo Waraysi layeeshay Eg Siciid Dhafuuje.

DAAWO+SAWIRADA:-Caaqil Siciid Guray Daad Oo Lagu Caana Shubay Magaalada Awrboogays Ee G/Sool

$
0
0

Munaasibad lagu caleemasaaray Caaqil Siciid |Guray Daad ayaa lagu qabtay dooxada Dhudhub oo ku taala duleedka magaaladda Awr-boogays oo 150Km dhinaca waqooyi kaga aadan magaaladda Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Munaasibadan oo si aad ah looga soo shaqeeyey laguna shaqlay qalabka hidaha iyo dhaqanka ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan dadweynaha degan magaaladaas iyo dad ka kala yimi gobolada Sool iyo Sanaag oo ay Awr-boogays kala qaybiso

DSC00372 DSC00373 DSC00374 DSC00375 DSC00395 DSC00402 DSC00404 DSC00407 DSC00414 DSC00415 DSC00416 DSC00417 DSC00418 DSC00419 DSC00420 DSC00421 DSC00422 DSC00423 DSC00424 DSC00425 DSC00428

Maqaal Xiisobadan:- Khaatumo(Dhulbahante) Laba Geeri,ama Nolol Maantay Mid Dooran .

$
0
0

Waxaa jira Geeri aad Xorriyad ku gaarto iyo Cabsi aad ku gaarto Gunimo. Colaado Sokeeye,kuwo Deris iyo kuwo Gumaysi,intaba laga nool. Degaan,tiro,hub iyo maal midna kama hiilin,waxaan ka digey inay talo iyo tayyo xumaatay ka hiiliso.

Beesha Isaaq inay degaanka Khaatumo qaybna qabsato qaybna u soo humayso colaad,dan baa u gashay. Waayo hadday ka soke dhacdo sheegashada Dalka Khaatum waxaa meesha ka baxaysa riyada iyo wahmiga lagu been abuuranayo. Sidoo kale Puntland inay degaanka Khaatumo qaarna bixiso qaarna ay dhagar ku dhaqdo waxaa u gashay dan. Waayo hadday sheegashada Dadka Khaatumo ka soke marto,waxaa meesha ka baxaya runta la dedayo ee ah Majeerteeniya.
Dhulbahantaha kan ku soo duuley ee degaan,mood/maal,dadnimo iyo gobanimo tiray aan iska caabin ugu hawl jirin. Dhulbahantaha kii dhagray ee dhacay wixii lagu heshiiyey,dalkii bixiyey in dib loo xoreeyana hortaagan weli la kala saffan, waxaa Gar’adag noqday danta iyo dunta ay tiigsanayaan.
Maanta Daawada Dhulbahante waxay ku jirtaa wax iska caabin. Xasuuq,moora duug,qixin,dal riix,cudur iyo sun wixii Gumaysi Sir iyo Caad inoo geystey,si sharaf leh baa looga soo kabtay,Dhulbahante waa kaas maanta ka nool.
Haddii la gefo wax iska caabin,hubaal waxaa lagu dambayn doonaa gunimo aan laga soo kaban doonin,waayo dal lagu soo kabtaa ma jiri doono.
Somalidu waxay tiraahdaa Tagto Daayo Timaaddo Ogow. Hadday jirtey Tagto ina dhex martay ka wada noolin. Maanta waxaa inoo eg Talo,Tab iyo Tamar lagaga badbaado magaca iyo maamuus xumada ina ku gedaaman iyo dhaxal waaga soo socda.
Banii Aadanku inuu wada noolaado baa Allaah ugu talo galay,Bakaylow Nin iyo Bur kuma dhaqmi karo. Dunidan intay jirtey jeerna lama xusin kala tagsanaan guul keentay,guul kasta oo hore loo gaadhey midnimo ayaa lagu gaadhey.
Degaanka inta xorta ah waa inaan difaacnaa,inta maqanna waa inaan si wadajirta xorayntiisa ugu qunnaa. Waxaan Allaah ka tuugayaa inuu shirka soo socda ee Taleex ka yeelo kii tolkay ku midoobi lahaa,kuna gaadhi lahaa guul kama dambaysa.

M.H.Buraleh

Maqaal: Maxaa ka khaldamay dhisidii maamulka Khaatumo State?

$
0
0

Shirarkii khaatumo 1 iyo 2 ee kakala dhacay Cariga ingiriiska iyo Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex waxay wahabka ka qaadeen quustii iyo rajo xuamadii ay ku jireen shacabka u hoyda Gobolada SSC.

hase yeeshee waxa ay hada u muuqdaan kuwo aan la mahdin laguna gaadhin ujeedadii ay filayeen shacabka u soo hoyda Deegaanada SSC in loo asaasay.

Bal dib aynu u milicsani shirweynihii Khaatumo 2 ee ka dhacay Magaalada Taleex, waxa mar qudha kazoo mudh yiri Siyaasiyiin lagu yaqaan Siyaasadda loo yaqaan Geed sare Waab oo aan uga jeedo inaan sumacada ay ku lahaayeen siyaasadda Soomaalida dhexdeeda balse Deegaanada ay kazoo jeedeen waxay ahaayeen kuwo ka qatan aqoonta iyo waayo aragnimada ay ku dabikhi jireen shaqooyinkii ay ka hayeen Meelaha kale .

G6 oo ahayd maskaxdii ka danbaysay shirweynayaasha khaatumo ayaa u muuqday Xiligan in Dhismaha Maamulka Khaatumo aanu ka badnayn oo keliya Salaan lagu koro Siyaasadda Soomaaliya, dad badan ayaa ku tilmaamay ku dhawaaqidii Maamulka Khaatumo ianay tahay maamul micnihiisu aanu kasii durgsanay waxa loo yaqaano (Fadlan kor u hay) oo Macneheedu yahay hadla laga maqla telefoonada gacanta ee Soomaaliya laga isticmaalo xiliga qofka loo diray telefoonku uu ku jiro khad kale.

G6 mudadii aan ka badnayn Saddexda usbuuc ee ay joogeen Taleex waxay Dhiseen Maamul aan la hayn kala saryn iyo Sharci kala haga midnaba ,waxana daliil u ah danyn la,aanta iyo inaysan ku talogelin Maamul tisqaada markii ay Golaha wasiirada Magcaabayeen kuwoodii uGu danbeeyey ayaa Cali Khaliif isaga uu kaftamaya waxa uu wasiir ku Xigeen Arrimaha Bulshada ah u magacaabay nin Dhalinyaro ah oo Xidhiidhin jiray Shirarkii Khaatumo oo lagu magacaabo Cabdi fataax Cismaan Dhalac waxan uu yiri  ninkana waxaanu jgada uGu magacownay si aan Mikirfoonka ugaga furfurno, taasi waxay muujinaysaan inaysan ahmiyad buuran marnaba u haynin Dhismaha Maamulka Khaatumo iyo rabitaanka Shacabka isaga yimid fardhidin ilaa Jiidali ee u ooman Maamul u adeega.

Saddex Madaxweyne oo meerto ah iyo ku dhowaad toban wasiir oo dhamnntood isku wada awood ah islamarkaana aan lahay Sharci iyo Nidaam kala Jiheeya inta lagu dhawaaqay ayaa wadad cagta la saaray, ogoow Golihii uGu sareeyey ee Golaha fulinta loo yaqaanay waa iyaga fadhigooduna lama yaqaan meesha uu yahay iyo halaka Xafiisyo uga furanyihiin, tani waxa ay keentay in Masuuliyiin lunsaday Hanti Badan oo Madaxwenuhu canaantay uu yidhi (Ma adigaa Xil iga qaadi kara ,Saaxiib labadeenaba waxa meesha ina keenay Nimankii Shandadaha yaryar sitay ee Dibada ka yimid), waxa cad inay G11 Shacbkoodii ay wax usoo barteen u keeneen Shandad lanbar sir ah ku xidhan oo iyagu ay furayaasheedii la tageen

Wixii damaashaad Dhacay , wixii Faras iyo Gaadhi Dhoodi iyo taleex Boodhka ka kicinayay, wxii hablo jibaysani Dahabkoodii soo fureen waxa ay noqotay  inay isugu soo ururto xil xamar kaga Doono….(Lasoco qaybta 2aad).

Fu’aad Jaamac Karaama.

F.G shabakada Afbakayle mas’uul kama ah qoraalkan, kamana turjumayo siyaasadeeda guud...


Maxaa ka Khaldamay Dhismihii Maamulka Khaatumo (Qaybtii 2aad)

$
0
0

Hadiiba aynu xusnay  Hiyi kaca iyo Saameynta  shirweynayaasha Khaatumo 1 iyo 2 ay ku sameeyeen Shacabka ku Dhaqan Deegaanada SSC ee baahida badan u qabay inay mar uun arkaan Maamul ay yeeshaan oo wax kaqabta dib udhaca dhankasta oo arrimaha Bulshada kahaysta Deegaankooda.

waxqabadka ugu horeeye ay ka filanayeen Shacabku Maamulka Khaatumo ayaa ahaa bal horta in ay hantaan dhamaan Deegaanadooda  Xadgudubka iyo dhul boobkaba ay ku hayeen Maamulka SNM, waxan ugu horeysay oo Mudnaanta la siinayay in Hantida iyo Kharashka Qurba joogta u dhashay Deegaanadi sida hagar la,aanta ah u bixinayeen  in marka hore loogu dhiso Ciidamo ka Shaqeeyo Amniga  gudaha awoodna u yeesha inay soo ceshadaan Dhulka Boobka lagaga haysto.

Marnaba G11 kama ay fekerin Maamulka ay soo dhiseen ee aan lahayn Sharci lagu kala hagaa halka uu  ka shaqayn karo Maadaam Dagaal iyo Colaad ba,ani ay kaga socoto SNM.

Kooxda G11 waxa Colaada Muuqata ee SNM ka hulbinaysay Deegaanadooda  ay u muuqdeen kuwo indhaha ka lalinaya oo  ku Mashquulay Dacaayad iyo Dagaal afka ah oo aan la ogayn ujeedadiisa kaasi oo ku wajahan  Dhanka Puntland, waxay isku meel dhigayeen Maamulka SNM ee Xasuuqa iyo Dilalka aan loo m eel dayn ku haya Dadkooda, iyo Maamulka Puntland ee Deegaankani hore uga tirsanaa, iyada oo sidaasi Jirto ayaa hadana Shacabka Reer Puntland  ay Cisbitaaladooda ka saarayeen Bukaankii hore u jiifay sii loo keeno Dhaawaca Dagaaladii ka Socday Jiida Kalshaale,  Taasina waxay Tusaale cad u tahay in G11 aanay dan ka lahayn Dhibka Shacabkooda haysta, wayna sii wadeen Dagaalkii iyo dacaayadii Dhanka afka ahayd ee ay ku hayeen Puntland Xili Cisbitaalada Gaalkacyo ay Buux Dhaafiyeen Dhaawacii Dagaalkii kalshaale.

Sida la ogayahay Dhaqaalaha Dibada uga Soo xerooday Maamulka Khaatumo Mudadii Sannadka iyo Badhka ahaa ee uu jiray waxa lagu Qiyaasaa  2000,000 oo Dolar marka aad Dhegeysato Xiliyada ay ku Jiraan Shirarka Telefoonada waxaad ka ashqaraareysaa marka ay ka sheekeeyaan sida ay ku baxday Lacagta intaasi dhami,iyo sida aanay u lahayn Cid la xisaabtamaysa, iyo hanta dhawr daba gala Hantida Ummada u dhaxaysa, bal qiyaas hadii qayb ahaan Kharashkaasi la gelin lahaa Difaaca iyo Amniga dalka , inteeda badan lacagtaasi waxay ku baxday Tigidho diyaaradeed ,iyo Loolankii lagu Guul daraystay ee Doorasahada Muqdisho.

Xagee ayaad is leedahay ayaa Maamulka Khaatumo ee G11 ay hormuudka u ahaayeen bay geliyeen hantidii Ummada laga soo ururiyay, Ciidan Miyaa Mushahar looga Dhigay, Ma Dhanka Saxaafada iyo IClaamka ayaa la iska dhisay, ma Gaadiid iyo Hub baa la geliyey, Maxayse Golaha Madaxtooyada Maamulka Khaatumo kala Socon jireen lacagaha ay Maamulayeen Kooxdani wasiiro iyo Wasiiro ku xigeeno ay Xidhiidh la samaysteen kagana kalsoonaayeen Saddexda Madaxweyne ayaa Hantida lasoo diro maamulkeeda lahaa.

Waxaa Xusid Mudan Wasiirkii ay u Magacawdeen Maaliyada Kooxda G11 inuu ahaa Caqabada ugu weyn ee lugta jiidaysay Maamulka Khaatumo, waxana si toos ah uu amarka Dhaqaale bixinta uga qaadan jiray Kooxda G11, Aakhirkiina waxa uu la baxsaday 65000 oo doolar oo loogu talagay Imtixaanaadka Maamulka Khaatumo, iyadoo Horena loogu saamaxay  lacag ku soo baxday xili Xisaab Xidh la sameeyey Rumayso ama ha rumaysan waxa Xiligan ku Sugan magaalada Taleex Macalimiintii u hawl gashaya Diyaarinta iyo Sixitaanka Imtixaanka Sannad Dugsiyeedka  waxana loo haystaa Kharshkii ay ka galeen meheradaha Taleex. (La Soco Qaybta 3aad).

.

Guulihii dagaaladii Dawladii Daraawiish iyo Gumaystihii Raaciyada watay,{Taarkhii}.

$
0
0

 Re: Victorian Total War; Faction / Unit Roster – A WIP

The Somali Dervish State

The Dervish State was an early 20th century Somali Muslim state that was established by Muhammad Abdullah Hassan, a religious leader who gathered Somali soldiers from across the Horn of Africa and united them into a loyal army known as the Dervishes. This Dervish army enabled Hassan to carve out a powerful state through conquest of lands claimed by the Somali Sultans, the Ethiopians and the European powers. The Dervish State acquired renown in the Islamic and Western worlds due to its resistance against the European empires of Britain and Italy. The Dervish forces successfully repulsed theBritish Empire in four military expeditions, and forced it to retreat to the coastal region.[1] As a result of its fame in the Middle East and Europe, the Dervish State was recognized as an ally by the Ottoman Empire and the German Empire. It also succeeded at outliving the Scramble for Africa, and remained throughout World War I the only independent Muslim power on the continent. After a quarter of a century of holding the British at bay, the Dervishes were finally defeated in 1920, when Britain for the first time in Africa used aeroplanes to bomb the Dervish capital of Taleex.

The Dervish army

The regular army (Maara-weyn) of the Dervish state was organised into seven regiments: Shiikh-yaale, Gola-weyne, Taar-gooye, Indha-badan, Miinanle, Dharbash and Rag-xun. Each regiment had its commander (muqaddim) and varied from between 1000 to 4000 men. A large para-military force was also drawn from the nomad population. Bodyguards (Gaarhaye) of Muhammad Abdullah Hassan and other senior members of the state were either freed slaves whom he had adopted as sons or riverine groups such as the Reer Baarre. The cavalry,for its part, numbered between 5000 and 10000 mounted horsemen, and the standing army was supplied with modern weapons such as rifles and maxim guns.

Capital

The Sayyid during his campaigns against the European and local powers built fortresses all over the Horn of Africa, and would move his armies from one city to another. In 1913, after the British withdrawal to the coast, the permanent capital and headquarters of the Dervishes was constructed at Taleh, a large walled town with fourteen fortresses. The main fortress, Silsilat, included a walled garden and a guard house. It became the residence ofMuhammad Abdullah Hassan, his wives, family, prominent Somali military leaders, and also hosted several Turkish, Yemeni and German dignitaries,architects, masons and arms manufacturers. A large area to the northeast of Taleh was used for cultivation, while the Dar Ilalo towers were used asgranaries. Several tombs were constructed by Muhammad Abdullah Hassan to honor his father, mother and prominent members from northern and southern Somalia. However, those that committed acts of treason, crimes or who had otherwise fallen out with the Dervish leader were sent to Hed Kaldig, the main execution arena.

The Dervish Flag

Ruins of the capital, Taleex

This Dervish state is called in the somali language, Somaliweyn, wich means Great Somalia.
Great Somalia includes the regions that are today called Djibouti, the Ogaden, and the NFD, Somaliland, Puntland and southern Somalia.

Great Somalias Territory (under)

This Somali nation was allied with the ottoman empire and Germany, and they were at war with Britain, italy, Ethiopia, and a little war with france wich not many knows about.

Mapka Somalia siduu beri ahaan jrey iyo sida nacab ka yeelay. Taas waxay suurta gashay markii Somali noqotay beelo isu cadow ah aan isu gurman,isna bixin. Mid tabtii ka dhigan baa maanta muuqata. Maamul qabiilaysan,Diin qabiilaysan,Dan qabiilaysan,Darajo qabiilaysan,Hunguri qabiilaysan,Damac iyo Kibir qabiilysan,Kooxo,Ururo Iyo Xisbiyo Qabiilaysan,isu cadow ah,aan isu hiilin,isna bixin,isna qaban,dhaxalkeedu waa dalka inta dhiman oo faraha ka baxda,bilowgii dhammaadka baa dalka Somali ku socda,Ceelna uma qodna Cidnna uma maqna.
http://patachu.com/somalia-hassan-muhammad-abdile-and-resistance-to-colonial-conquest/    Halkan waxaa ku jira macluumaad badan oo ay ka midyihiin intii Diyaarad iyo Maraakiib loo adeegsadey Xasuuqii Daraawiish iyo Duqayntii xarumaha Daraawiish. Haddaan raggaasi kicin hubaal maanta waxaa la ahaan lahaa sida ay yihiin dadkii laga qaaday North America,New Zeeland iyo Australia.
Eebbow Jannada ka waraabi. Jiilka ay inay badbaadiyaan u dhinteenna ka yeel kuwo xejista gobanimada ay la rabeen,iyagana u doona dhaymo iyo mag dhowga ay mudanyihiin.
http://www.flightglobal.com/pdfarchive/view/1920/1920%20-%200237.html  Halkan waxaad ka heli kartaan magacii Governerkii Somaliland xilligii Daraawiish Diyaaradaha lagu xasuuqay,waqtigii Markabkii sidey Diyaaradaha uu ku soo xirtay Berbera,taariikhdii diyaarada la isku rakibay loona diyaarshey duqayn iyo xasuuq iyo maalintii la qabsady Taleex.
Tolkay waxay u badteen xan iyo xasard abuur iyo xan daaq,Mabda’ sugan oo dhaabad ah ma leh. Waxaa ku caddatay inay yihiin ummadda Somalia iyo dunida ugu liidata ugu Hammiga,Himilada,Hadafka,Damiirka,Qadiyadda iyo madbda’a xun. Noloshooda,Degaankooda,Sharaftooda iyo Caqligooda waxaa lagu baayaca Qadaadiic Lacageed,Darajo maqaar saar ah,Hunguri quudheed,iyo Ballan qaad been ah.
Sida Juuj iyo Ma’juuj waa iska hor iyo dabaka wareeg,hor iyo dabo maleh,madax iyo manjo ma leh,ismaqal iyo kala dambayn ma jirto. Runta been baa la huwiyaa,danta gaarka ah mid guud baa laga dhigaa. Taariikh iyo dhacdo lagu qanco oo lagu cibaaro qaato ma leh. Kii la caleemo saaro kii hore ka sii darran,kii dhergaa waalan dhadhamiyaa ka darran. Diin,Ammaano,Cahdi,Aqoon,Cimri,
Waayo aragnimo,Ilbaxnimo midna ma qabto. Tolkay Madax Dhaqan,Mutacalin,Wadaad,Waayeel,Da’ayar,Maal Qabeen,Waayo Arag,Tiih gaar ah baa ku habsadey. Xaasha habluhu kuma jiraan.Khayr,Cissi iyo Caafimaad baan dhammantood u rajaynayaa.
SomaliLand Habraha Isaaq baa isku haysta,wax ka jira cidna kama qarsoona. Talada Puntland waxaa ku duuban nin Tolkiisa Qardho iyo Gaalkacayo joogaa xabbd kala horyimaadeen. Bal cid caqli,garasho iyo faham u saaxiib ah,si waadax ah,cod saafi ah,meel fagaare ah ha ku qeexdo danta cid kale ugu jirta. SL iyada oo Horgal door ahi joogo bay dadka u dhashay Sool,Sanaag iyo Cayn xummaan nooc walba ku samaysay. PL iyada oo Saddex Madaxweyne Ku Xigeen u dhashay SSC ay joogaan bay bixisay dalkii SSC,in la xoreeyana ay sir iyo caad isku hor taagtey,af iyo addinna ku taageertay SNM. Tolkay ma wada demmene baa, sida ummadaha kale miyeysan ayan Caqli ku garaad le iyo Indho ku garaad le,maxay tahay xumaanta iyo dhibta u dhiman oo aan weli lagu samayn.
Maaweelo,bahdil,qixin,dal riix,xasuuq,dil,kufsi,boob,cuna qabatayn,isku dir,kala qaybin,dhagar iyo khiyaamo meesha ay ina wada dhigtay sidaan qabo cid feyow kama dahsoona.
Taleex waxaa ku sugan Tol ku dhiiraday waxay degaanada kale ay ka maageen. Waxaa lagu gelayaa maxaad go’aankaas u qaadateen,maxaad Dhulbahante u soo noolayseen. Way muuqataa maalin la akro waxaa lagu hayaa weerar,isku dir kala qaybin,xaalad abuur,colaad iyo baqdin gelin. Hubaal dan gaar ah kama leh,waxay Dhulbahante la rabaan Gobanimo,Sharaf,Nolol iyo Nabad. Maxaa loo cidleeyey,maxaa loo geyn la’yahay ciidan iyo calaf,maxaa golayaashii la doortay u tegi la’yihiin,maxaa Garoonka loo irmaanayn waayey,maxaa reer Taleex looga abaal dhacayaa. Taleex halagu noqdo waa meel u sancan Halganka,Daraawiish aqoon iyo xeeli dheeri bay ku degtey.
Reer Taleex waxaan leeyehy Sabran Yaa Aala Yaaser,Hoygiin waa Guul.
M.H.Buraleh

Halkee salka ku hayaa khilaafka shirka Khaatumo ee laysku maandhaafsan yahay Qaybtii 1aad

$
0
0

Waa maalintii afraad ee ay dhaaftay maalintii shirka khaatumo ay iclaamiyeen masuuliyiintii bud-dhiga u ahaa ee loogu yeedho G11.
Su’aalo doora yay dadku isweydiinayaan taas oo ay ka mid yihiin:-

  1. Maxaa ka khaldan Shirka mudo dhaafka ah
  2. Maxaa shirka Sarmaanyo ee ka duwey shir beeleeyadii kale ee dhici jirey oo tooshka weyn loola daba taagan yahay?
  3. Saaxdheer maxaa ka si ah oo ciidamada iyo madax dhaqameedka wataa maxay damacsan yihiin?
  4. Maxaa Taleex ka hugmaaya?
  5. Madaxdii Khaatumo loo igmay maye?
  6. Cali khaliif maxuu qoonsaday oo ka dhawaajiyey?

Su’aalahaa iyo qaar kaloo badan ayaa waxaa isweydiintoodu ku badan tahay dadka danaynayey shirka Khaatumo oo la sheegay in lagu dhisayo maamul goboleed ka badaxa kumeel gaadhkii.
Saxaafadda aadka ugu warhaysa ama degaanadda ku sugan waxay si aad ah uga gaabiyeen in ay sheegaan dhaliisha oo ay farta ku fiiqaan waxa khaldan taasina waxay u muuqatay inaan cidina arkin ee wax kasta loo daayo sidii la doono in ay u batalaqsadaan.
Shirkii Khaatumo ee Taleex ayaa markii uu socdey maalmo kooban waxaa markiiba soo muuqday dhaliilo aad u culus oo la odhan karo waakuwa haatan madhaxoodii lahayo Khaatumona ay lugta u jiidey.
Waxyaabaha muuqanayey waqtigaa waxaan ka soo qaadan karaa
Ergooyinkii isaga yimi degaanadda kala fogfog oo qaarkood sidii shirarkii maamu goboleedada lagu soo dhisay oo kale ay ku xisaabtamayeen ayna mudo degi weydey ii kordhi ergada iyo laguu kordhin maayo ayaa laga dhigay siminaar wixii loo yeedhiyo oo barayaashu keenaan waa sax yidhaaha aan tusaale u soo qaadano maga Khaatumo kuma jirin magacyadii markii hore la keenay, hadana sadexdii ugu codka badnaa wuu ka hadhay sadexdii u badnaa hadana waa la jiidsiiyey ilaa lgu soo gabagabeeyey.
G6 oo ahaa nimankii la yimi hawshan ayaa laba ka mid ah oo dadku aad ugu nuglaayeen amarkooda oo kala ahaa Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise Cabdi waxay subaxii danbe keeneen liis isugu jira madaxdii hogaanka iyo golihii wasiirada taas oo markiiba ay soo baxday hadal haynta inta caqliga u saaxiibka ah see madaxweynayaasha looga amar qaadan doonaa hadii nimankani tagaan sow odhan maayaan marbaa layna wada magcaabay, taasoo bishii labaad ee xiligii Axmed Karaash.
Waxaan Xusuustaa nin oday ah oo qurbahaa ka yimi ayaa maalin hadal ka jeediyey madashii qurxoonayd ee Berdihii Khaatumo, waxa uu hadalkaasi ahaa talooyin uu soo jeediyey in laga fiirsado, markii shirkii dhamaaday ayaa islaan u yeertay oo ku tidhi kaalay ina hebeloow eedo, waxa uu leexday dhankeedii isagoo u haysta eheladiisa, iyana waxay u horkacday meel laab ah sidii qof la faqaysa, waxyar ka dib waxay dhex keentay afar kale oo sita budhadh madax buurbuuran oo qofkii lagu dhuftaa aanu ka soo waaqsanayn.
Yaab iyo amakaag ayaa qabsaday oo burkaba bahal kama filane inta uu argagaxay ayuu damcay inuu dib u boodo balse islaan kale ayaa daba taagan, naf waa ka quustay laakiin waxa loo haysto maba fahansa.
Islaan ayaa weydiisey maxaa kugu kalifey wixii aad ku hadlaysey, waxa uu yidhi intaan salbabakhay oo isku yaacay ayaan xilafur iyo dhaar iyo waxanan garanayn isku daray ayay igu yidhaaheen mahmaryohow bal mar danbe halagaa maqlo.
Waxaa taas ka darayd Boqor C/laahi Axmed Cali oo soo jeediyey in si feejigan looga fiirsado colaada Puntland oo waa tolkeen, lama sugine buuq ayaa kacay oo nin nimanka la sheeya kana hor yimaada wixii lagu balamay xalay wixii ka duwan si looga soo noqdo isla markaana dad badan haysta ayaa bilaabay hase yeeshee wixii uu ka hadlaayey kamaradihii qaar ka mid ah ayaa qabtay loomase jeedine gacan ayaa loola tegey, waa madax-dhaqameed xushmuu lahaa iljebin ayaa khatashay waxaana lagu qasbay inuu raaligelin ka bixiyo maalintii danbe.
Waxaan tusaalayaas u soo qaatay inaan sawiro jibadii dadka ay ka gonayd inay maamul helaan iyo sida looga faaiidaystey oo qolada maamulka wadatey ay ku jiidhsiiyeen umadii oo tuban, balse dhinac way ka wacnayd oo in talada la baahiyo muranka ayaa badan lahaa mudaduna waa dheeraan lahayd balse in sidaas dadka xoolo looga dhigo oo rayigooda inta la qaado huraanhur laguma gureen xitaa kayd in wax loo dhigay fili maayo.
Aan u soo noqono qodobadii aan dulucda qormada uga dhigay si aan wakhtiga kuugu ayamxeeriyana akhristo qaybo ayaan kaaga dhigaye qodobka u horeeya aan lafa guro.

Maxaa ka khaldan Shirka mudo dhaafka ah

  • Waxaa laga wada dheregsan yahay in shirka mudadiisii ay bilo dhaaftay balse, waxaa dhowaan wadanka Kenya oo xarun u ah golaha sare lagaga dhawaaqay in 20ka bishan la qabanayo balse taasi waa dhicisowdey oo mudadii maanta 4 maalmood ayaa gudbey, waxaase is weydiin leh maxaa sababay.
  • Gudi qaban qaabo ayaa magaaladda Taleex hawl ka bilawday iyagoo diyaarinaayey madashii shirka iyo meelihii la degi lahaa, waa wasiir ku xigeeno sadexan, laakiin Axmed Cilmi Cismaan oo Taleex joogey markuu maqlay waa la yaabay oo waxa socda iyo sababta loola socodsiin waayey ayuu qaadan waayey, waxana uu weydiiyey sida la soo tebinayo ficilkiina ka muuqatey C/nuur Cilmi Qaaje Biindhe oo Boocame jooga isna waa la mid oo waa warmaqabto, laga bilaabo xiligaa waxay u guntadeen sidii ay u curyaamin lahaayeen amarka ka imaanay debeda oo xeradii ay masuulka ka ahaayeen ku shaandhaysan, waxaana dad badani leeyihiin waa waajibkii uu yeeli lahaa nin gurugiisii loo dhaafay.
  • Beesha Ugaadhyahan waxay codsadeen shirka in dib loogu dhigo oo ay shir leeyihiin, dhibaatooyin badan oo beesha dhexdeeda ka jirana ay xaliyaan, taasna waxa ay u qaateen in laga aqbalay oo suuqa ayey soo gashay in laba bilood dib loo dhigay, misna taasi ma jirto ayaa la yidhi ee shirkii waa la qabanayaa.
  • Hadalo badan oo run ha ahaadaan ama been ha ahaadaan oo la sheegay in la wado oo la doonayo in laga guuro magacii Khaatumo ayna wadaan labada masuul ee haatan u sareeya maamulka Khaatumo laf ahaantiisa.

Waan ka xumahay inaan waqti badan kaa lumiyee qodobada kale hadii Alle noo saamoxo beri ayaan halkaas ka sii anba qaadaynaaaaaaaaaaaaaa

Faysal Jaamac Aadan
daljir69@hotmail.com

Hambalyo Meher Oo farxadleh:-Ayaanle Jaamac Xaashi iyo marwo Sumayo Xasan Haybe oo shalay meherkoodu ka dhacay wadanka Nederland(DAAWO+SAWIRO)

$
0
0

Hambalyo Hambalyo Hambalyo waxaa halkaan hambalyo iyo bogaadin aan loo soo koobi karin looga dariyaa Mudane
Ayaanle Jaamac Xaashi iyo marwo Sumayo Xasan Haybe oo shalay meherkoodu ka dhacay wadanka Nederland Hambalyadaan ayaa waxaa diraya
dadkan hoos ku qoran oo kala jooga intabadan daafa caalamka waxay leeyihiin noqda kuwii isku waara ubad khayr qabana kala hela Aaamin.
Guurkiinu guur khayr gurigiinu guri negi guuloow ka yeel,Baarakalaahu lakum wabaraaraka calaykum wajamaca bayna kumaa Fii khayr,
Tahniyadan iyo bogaadintan ayaa waxaa diraya dhamaan dadkaan magacyadoodu hoos ku qoranyihiin iyo qaarkaloo badan oo aay noo suura geliweyday
in aan magacyadooda halkaan kusoo qorno badnanta dadka aaawadood.
1-Hooyo Sahra Diiriye Gamaadiid iyo caruurteeda
2-Ismaaciil diiriye gamaadiid, xaaskiisa Iyo Caruurtiisa
3-Cali Shaah diiriye Gamaadiid, xaaskiisa iyo caruurtiisa
4-Yuusuf diiriye Gamaadiid, Xaaskiisa iyo caruurtiisa
5-Cabdi Diiriye Gamaadiid,Xaaskiisa iyo caruurtiisa
6-Maxamed Diiriye Gamaadiid Xaaskiisa iyo Caruurtiisa
7-Aadam Axmed Muuse tulud, Xaaskiisa iyo caruurtiisa
8C/khadar Diiriye Gamaadiid, Xaaskiisa iyo caruurtiisa
9-Faysal Guufi Gamaadiid, Xaaskiisa iyo caruurtiisa
10-Ciise Maxamuud Cali Qodax, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa
11-Maxamed Maxamuud Cali qodax, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa
12-C/rashiid cali Waraabe iyo Xaaskiisa iyo caruurtiisa
13-Cabdale xaaji Xaashi Xaaskiisa iyo caruurtiisa
14-Axmed Maxamuud xoosh iyo caruurtiisa
15-Arbush C/laahi Dhogoole,Xaaskiisa iyo caruurtiisa.
16-C/kariim c/laahi dhogooole Xaaskiisa iyo caruurtiisa
17-C/salaan Axmed Saleebaan sancad
18-Ibraahin axmed muuse qaadiriyo iyo Xaaaskiisa iyo caruurtiisa
20-Fu aad xassan iyo Xaaskiisa iyo caruurtiisa
21-Saleebaan Warsame ismaaciil mire, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa
22-Maxamed Ducaale Cabdi,Xaaskiisa iyo Caruurtiisa
23-Maxamed yuusuf jamaac Halac (Indha sheel)
24-Faysa Ismaaciil Xaaji diiriye,xaskiisa iyo caruurtiisa
25-Luul Muxumed Jamac iyo Seygeeda iyo Caruurteeda
24-Saynab diiriye Gamaadiid Saygeeda iyo Caruurteeda
25-Mubaarak cabdi jiir Xaaskiisa iyo caruurtiisa
26-Khadiija diiriye Gamaadiid Seygeeda iyo Carurteeda
27-Faysa Maxamed Coon, saygeeda iyo caruurteeda
28-Khadra Muxumed Jaamac iyo caruurteeda
29-Caasha Shire Cabdi iyo Caruurteeda
30-Hodan Dirir Jigixay iyo Caruurteeda
31-Ubax Cumar cunaaye saygeeda iyo Caruurteeda
32-Khadra Cabdi Cawl iyo Caruurteeda
33-Sahra Cali Cabdi
34-Farax Guufe Gamaadiid saygeeda iyo caruurteeda
35-Safiya Maxamuud Cali Qodax saygeeda iyo caruurdeeda
36-Ismaaciil Cabdi Xuseen Xaaskiisa iyo Caruurtiisa
37-Sucaad Cabdi casiis saygeeda iyo caruurteeda
38-Aamina Qabaruug Ismaaciil mire Saygeeda iyo caruurteeda
39-Maryan Haybe Talyaani iyo Caruurteeda
40-Saynab Xaaji Cali cabdi axmed Seygeeda iyo caruurteeda

iyo dadkale oo aad u badan oo aanu magacyadooda halkaan kusoo koobi kariweynay
dhamaan dadkaan waxay leeyihiin wiil iyo Caano Gabadh iyo Caano

C/rashiid galbeedi
Nederland

Meher1 Meher2 Meher 3 Meher 4 Meher 5 Meher 6 Meher 7 Meher 8 Meher 9 Meher 10

Maqaal:-Shirka Khaatumo ee Taleex iyo Shirka Sarmaanyo..?

$
0
0

Reer kasti waa shiri karaa horena reero badan oo Dhulbahante ah ayaa shirar qabsaday. Haddaba muxuu shirka Sarmaanyo ee lagu magacaabay “Shir Ugaadhyahan” kaga duwanyahay shirarkii jilibada Dhulbahante hore u qabsadeen?

1- Shirarkii hore jilibka uu shirku khuseeyaa waa u dhamma halka shirka Sarmaanyo aan Ugaadhyahan u dhammayn oo koox yari wadato.

2- Shirarkii hore kama muuqan inay lid ku yihiin gobannimada Dhulbahante iyo jiritaanka Khaatumo. Dadka shirarkaas loogu dhawaqay kuma ay jirin dadka u adeega labada maamul ee cadawga u ah Dhulbahante. Shirka Sarmaanyo waxa Garaad Saleebaan ku dhawaaqay in cid walba oo Ugaadhyahan ahi ka soo qaybgeli karaan marka lagu daro hor-gallada Hargeysa jooga iyo hoos-gallada Garoowe deggan ee Ugaadhyahan sheegta.

3- Waqtiyadii jilibadii Dhulbahante ee hore u shiray shirarkooda ku dhawaaqeen ma jirin shir Khaatumo oo la iclaamiyey ama soo dhowaa. Shirkan Sarmaanyo waxa la iclaamiyey waqti lagu dhawaaqay shir muhim ah oo Khaatumo leedahay lana ogyahay taariikhda uu qabsoomayo.

Arrimaha kor ku xusani waxay ina tusayaan in shirka Sarmaanyo loogu tala galay in lagu baabi’iyo shirka Khaatumo looguna adeego Faroole si uu doorashada Puntland mar kale ugu guulaysto. Waxa ujeedadu tahay in shirka Sarmaanyo jiitamo ilaa December ka dibna Garaad Saleebaan waraaqo u saxeexo ciddi rabta inay xildhibaan ka noqoto Puntland iyadoo xildhibaanadaasi u codaynayaan Faroole iyo inta uu cagaha ku xaadho. Waxa la qorsheeyey in mar haddi shirka Sarmaanyo la gaadhsiiyo December inaan markaas shirka Khaatumo qabsoomi karin khaasatan marka ay daka gasho xiisadda doorashada Puntland oo dhinaca garoowe loo yaaco.

Nimamka ka soo jeeda Gobolaka Cayn ee qurba joogta ah ee maalintii dhoweyd qoraalka magacyada badani ka muuqdaan ku taageerayay shirka Sarmaanyo dhammaantood waa taageerayaal Puntland iyo Khaatumo diid. Taageerada ay taageerayaan shirka Sarmaanyo danta ay ka leeyihiin waa inaan shir Khaatumo qabsoomin

Kuwa hindisay shirka Sarmaanyo markay arkeen in Ugaadhyahan badankiisu ka soo horjeedo shirkaas oo taageersanyahay shirka Khaatumo waxay taageero dhaqaale ka dalbadeen Puntland si uu u qasoomo shirkooda Sarmaanyo oo ay dhaqaale uga waayeen maal-qabeenka iyo qurba-joogta Ugaadhyahan. Si ay dhaqaalahaas u helaan waxa Puntland ka dalbatay in lagu soo dhoweeyo Taleex. Wixii intaas ka dambeeyey waynu la soconaa ilaa arrintu gaadhay in shacabkii Khaatumo ee Ugaadhyahan ee reer Taleex rasaas lagu furo afar qof oo saddex dumar tahayna lagu dhaawaco.

Axmed Karaash oo dadkii uu madaxda u ahaa rasaasta ku furay bal waxa uu ku dambeeyo la arki doonee. Garaadka Ugaadhyahanna hadduu badanka dadkiisa taladooda raaci waayo oo koox yar oo danahooda gaarka ah ee hoose ka fakiraya hadalka ka maqlo isaguna meeshuu ku dambeeyo la arki doonee.

Inkastoo shirka Sarmaanyo ku magacaabanyahay “Shir Ugaadhyahan” nin garboodka Ugaadhyahan in yar ayaa ka tegaysa sida muuqata maadaama Ugaadhyahan wax garadkiisu yahay taageerayaal Khaatumo. Haddii shirkaasi qabsoomo wax kasta oo ka soo baxa oo lid ku ah Dhulbahante iyo Khaatumo wuxuu noqonayaa hoogga abaabulayaasha shirkaas mar kastana waxa danta Dhulbahante ku jirtaa in shirka Khaatumo ka horeeyo kan Sarmaanyo ee Garoowe laga maamulayo.

Axmed Tabaatiig

Beesha Naalaye Axmed Dhulbahante Oo Baaq Kasoo Saartay Shirka Khaatumo3 Ee Taleex(Akhri)

$
0
0

OG: Isimada Dhulbahante

OG: Maamulka Khaatumo State, Somalia

OG: Dhammaan Bulshoweynta Dhulbahante

Annagoo ah odayaasha iyo waxgaradka magacyadoodu hoos ku qoranyihiin kuna hadlaya magaca beel-weynta Ugaadhyahan guud ahaan, gaar ahaanna kan beesha Naalaye Axmed, waxaannu baaqan ku muujinaynaa mawqifkayaga ku addaan qodobada hoos ku xusan:

* Waxaannu caddaynaynaa inaannu ayidsanahay go’aankii beelweynta Dhulbahante ay hore ugu qaadatay shirkii Khaatumo-2. Waxaannu kaloo baaqan ku muujinaynaa in aannu taageero buuxda uhaynno shirka Khaatumo-3 ee lagu wado inuu dhawaan kadhaco magaalada taariikhiga ah ee Taleex, caasimadda kumeel-gaadhka ee Khaatume State.

* Waxaannu af-iyo-addinba la’garab taagannahay odayaasha, gabdhaha, culimida, iyo dhallinyarada naftooda, wakhtigooda, iyo maalkoodaba uhuray soo celinta magaca iyo sharaftii beeshe Dhulbahante ee horay u’luntay.

* Waxaannu hiil iyo hooba la’garab taaganahay walaalahayage reer Taleex ee naf iyo maalba u huray shirkii taariikhiga ahaa ee Khaatumo-2 ee lagu qabtay Taleex sannadkii 2012, haatanna u’heellan sidii ay uga midho-dhalin lahaayeen Shirka Khaatumo-3 ee hadda loo ballansanyahay.

* Waxaannu caddaynaynaa sida aannu uga xunnahay qaska iyo fidmada ay dad yar oo faro ku tiris ahi kawadaan magaalada Taleex iyagoo food-saaro ka dhiganaya shir lagu magacaabay beesha ugaadhyahan, shirkaas oo ah mid siyaasadaysan ujeedadiisuna tahay in lagu manjo-xaabiyo shirka Khaatumo-3, laguna kala fogeeyo beesha Ugaadhyanahan gudeheeda iyo tan Dhulbahante guud ahaanba.

Kadib markii aannu xidhiidh iyo wada tashi gudo iyo dibadba ah samaynay, waxaannu ku talinaynaa qodobada hoos ku qoran:

* Waxaannu soo jeedinaynaa, aad-iyo-aadna u dhiirrigelinaynaa, in la qabto shir-weyne beesha Ugaadhyahan oo gudo iyo dibadba laysaga yimaaddo waqtiga ku habboon si looga tashado aayaha beesha, shirkaas oo ah mid-same-talis ah, lagu xallilayo wixii khilaaf ama dhib ah ee beesha dhexdeeda yaal. Shirka beeshu waa inaanun ka-hordhicin carqaladna ku noqon kan beelweynta Dhulbahante ee Khaatumo-3.

* Waxaannu ku talinaynaa in si degdeg ah talo midaysan looga yeesho ragga faro-kutiriska ah ee xalaashaday inay ku maxaafsadaan magaca beesha Ugaadhyahan, hadba meesha ay dantooda gaara ka arkaanna ulakaca.

* Waxaannu kaloo ku borrinaynaa tolwaynaha Dhulbahante in la’midoobo, laga fogaado wixii dadka kala fogaynaya, laga midhadhaliyo go’aamadii Khaatumo lagu aasaasay, laguna dadaalo sidii losoo celinlahaa dhulka maqan.

1. Oday C/laahi Maxamed Mire

2. Oday Axmed Siciid Naalaye

3. Oday Axmed Cabdi Nuur (Raanguuni).

4. Oday Maxmuud X. Hiirad

5. Oday Axmed Xuseen Qalinle

6. Oday C/laahi Xirsi-Doobbi

7. Oday Xuseen X. Hiirad (Caleed)

8. Oday Cali Sh. Jaamac Liibaan

9. Oday Maxamuud Fool-madoobe

10. Oday Axmed Dhamac-qaarside

11. Oday Maxamed Xasan-Cadde

12. Oday Jaamac Oogle Warfaa

13. Oday Yuusuf Maxamed-hindi

14. Oday Warsame Iidle Cabdalle

15. Oday Cumar Cabdi Kaneec

16. Oday Cumar Diiriye Waraabe

17. Oday Abshir Cawil Cabdi-dhiif

18. Oday C/qaadir X. Cali Xasan

19. Oday Axmed Tabaatiig

20. Oday Jaamac Xirsi-Gurey

21. Oday Axmed Daahir Af-qudhac

22. Oday C/Raxmaan Cabdi Cilmi

23. Oday Axmed Sh. Jaamac Liibaan

24. Oday Siciid Barawaani

25. Oday C/raxmaan Cabbaase

26. Oday Axmed X. Hiirad

27. Oday Cali Xasan Daahir

28. Oday Aadan Dhegaweyne

29. Oday Baashe Cali Jaacam

30. Oday Ibraahim Cali-dheere

31. Oday Cabdi Aadan Cabdalle

32. Oday Axmed Saleebaan-dheere

33. Oday Iidle Maxamed Cawil

34. Caaqil Cabdi-godob Aadan-Cadde

35. Caaqil C/raashiid Maxamed Faarax Jibriil

36. Dr. Cali M. Xaaji Hiirad

37. Prof. Maxamuud Cali Jaamac

38. Eng. Siciid Maxamed Axmed Cabdulle

39. Eng. Aadan Cabdi Ducaale

40. Eng. Bile Maxmuud Guutaale Xiddig

41. Eng. C/rashiid Yuusuf Ismaaciil

42. Danjire Cali Axmed Cabdi

43. Suxufi C/rashiid Maxamed Jaamac (Indho)

44. Suxufi Ismaaciil Ibraahim Ducaale-aftaag

45. Suxufi C/risaaq Yuusuf Maxamed-hindi

46. Cismaan Maxamed Cilmi-caarre

47. Maxamuud Cali Aadan-Siyaad

48. Cabdi-kuus Ibraahim Ducaale-jabuuti

49. Maxamuud Geeldoon Xirsi

50. Siciid C/qaadir

51. Cumar Kaatun

52. Ibraahim Jiinje

53. Axmed Cismaan Kaatun

54. Jaamac Yuusuf Dimcad

55. Axmed Cawil Warsame-gole

56. Sh. Maxamed Curmar Cabdi Kaneec

57. Sh. Yaasiin Cali Xasan

58. Sh. Maxamed C/laahi Maxamed (Dhegaweel)

59. Sh. C/qaadir Cismaan Xasan-cadde (Cascase)

60. Sh. Sakariye Maxamed Guuleed

61. Sh. Maxamed Aw-Jibriil

62. Sh. Xuseen Ibraahim Ducaale-jabuuti

63. Sh. Maxamed Yuusuf Fidhbool

64. Sh. C/laahi Dhabayaco

65. Sh. Siciid Cabdi X. Axmed

66. Eng. C/raxmaan Boobe Cismaan

67. Econ Maxamed Axmed Xirsi-doobbi

68. Eng. Maxamed Xussen X. Hiirad

69. Prof. Aadan Maxamed Warsame

70. Prof. Hanad Cismaan Cawil Cabdi

71. Eng. Maxamed Axmed Dhamac

72. Econ. C/laahi Yuusuf Ismaaciil (Abu-Maxamed)

73. Eng. C/Cassis Cawil Cabdi-dheef

74. Dr. Axmed Maxamed Faarah (Shoombe)

75. Econ. C/qani Xuseen X. Hiirad

76. Eng. C/semed Cawil Cabdi-dhiif

77. Qareen Mustafa Axmed Xirsi

78. Econ C/naasir Iidaan Aadan-cadde

79. C/qaadir Daahir Cabdi-yare

80. Mahad Fagoor

81. Axmed Bulshaale Cali

82. Aw-Xasan Cali-dheere

83. C/rashiid Qalinle

84. Mahdi Cabdi Oogle

85. Nuur C/laahi Xasan

86. Maxamed Cali Xuur

87. Camalle Warsme Iidle

88. Axmed Maxamed Warsame Carraale

89. Ismaaciil Saleebaan Geelle (Carab)

90. Axmed Jaldhac

91. Cabdi Cali Faarax Dhunkaal

92. Ismaaciil Jaamac Aadan (Yoolac)

93. C/barre Maxamed Cawil

94. Yuusuf maxamed Xasan-dhuxul (Lugeeye)

95. Maxamed Saleebaan Aadan Ducaale

96. C/naasir Xussen X. Hiirad

97. Axmed Maxamuud Cabdi Xasan

98. C/kariim Warsame Iidle

99. Cali-haybe Cawil Cabdi-dhiif

100. C/rashiid Caana-nuug

101. Axmed Maxamed Cabdi

102. Siciid Axmed Dhamac

103. Cabdi Ismaaciil Axmed Xasan

104. C/weli Xasan Boobe

105. Khadar Beel-xiir

106. Jaamac Yuusuf-ricir Aadan

107. C/raxmaan Jaldhac

108. C/naasir Siciid Saalax Nuur

109. Cimsmaan Maxamed Bullaale

110. Maxamed C/laahi Hurre

111. Ismaaciil Maxamuud X. Hiirad

112. Sakariye Maxamuud Cismaan-dhuxul

113. C/naasir Axmed Cabdi Xasan

114. Maxamed Ducaale Diiriye-Finnad

 

Wa Billaahi Towfiiq.

 

HALKAN KALA DAG BAAQAAS

 

Admiral (Gen ) C/laahi Forteen Oo Dhowaan Ku Geeriyooday Magaalada Adis-ababa Ee Xarunta Ethiopia(Akhri Taariikh Nololeedkiisi)

$
0
0

Waxaa malinimadii  jimacaha ahayd ku geeriyooday  magaalada adis ababa
ee xarunta dalkaasi Ethiopia  alle ha u naxariistee marxuum admiral
(gen ) c/laahi maxamed cabdi geele (forteen) oo in mudo ahba u joogay
dalkaasi ethiopia arimo  caafimaad
Marxuumka ayaa ka tirsanaa ciidamadii bada  (marineska ) ee dalka
somalia dowladii dhexe ee somalia  ee maxamed siyaad bare hogaamiyaha
ka ahaa isagoo ahaa  taliye ku xigeenkii ciidamada  mariniska ee bada
somalia ,

Farabadane-298x295Marxuum admiral c/laahi  forten ayaa  dhashay  1942 dii isagoo ku
dhashay  magaalada  laascaanood  ee xarunta gobolka sool waxana uu
ciidanka   la qoray 1961 dii  isagoo tababaro aqoon dirsad badan kasoo
maray dalka dibadiisa iyo gudihiisaba  derejeda ciidamada badana  ka
gaaray admiral  (gen) islamarkaana ahaa xiligii bur burkii dowladii
dhexe  1991 dii ka hor taliye ku xigeenkii ciidamada mariniska bada
somalia intii bur burku dhacayna marxuumka ayaa ku noolaa magaalada
laascaanood ee xarunta gobolka sool
Alle ha u naxariistee  marxuumka ayaa ifka kaga tegey dhowr iyo
labaatan  ciyaal ah  iyo labo xaas oo ah waxuu dhalay iyo waxay sii
dhaleen .

Marxuumka ayaa halkan waxaa uga tacsiyeynaya saraakiisha ,saraakiil
xigeenka ciidamadii hore ee dalka inta ka nool iyo weliba masuuliyiin
ta dowlada f somalia  iyagoo alle ugabaryey inuu samir iimaan ka siiyo
qaraabadiisii caruurtiisii iyo weliba  qoyska reer cabdi geele  oo ku
kala nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa
aaaaamiin  aaaamiin

yaasiin  maxamed cali   (faytin )


Maqaal:Dhulbahante goormeey Qof iyo qabiil kala socooyaan?

$
0
0

Dhibaatooyinka iyo daalaadhacaynta diloodey beesha Dhulbahante waxaa intooda badan sababsadeen qof jacaylsi, ruuxaasi badana wuxuu xidhaa shaadh siyaasadeed oo uusan aqoonteeda , kartida iyo hankeeda lahayn.

Ninka siyaasiga waxaa laga doonaya inuu hankiisu ku qotomo inuu cid ka dhigo wax , qiime goyn kara ka dhigo bulshadiisa, deegaankiisa iyo dadkiisa, kana shaqeeyo wadajirkooda, midnimadooda iyo isku soo dhaweyntooda, kana saaro yacni iskala weynaado Juffo hoosaadkiisa iyo tuuladiisa.

Waxyalaha dadkan qabiilak Dhulbahante daashaday waxaa ugu horaysa inay tageeraan midaan dhaafsiisnayn juffadiisa yar ee Kootada ah, isla markaana ku shubta dantiina ayaan wadaa waxaana idinka celinayaa reer hebel oo ah juffo kale oo Dhulbahante ah, waxaa la  yaableh markaad waraysato xubnaha u taba baran shirar hoosaadka sii hoose ee xam xamta habeenkii xiliyada danbe ka macaasha kala sarifka umadda Dhulbahante , waxay ku faanaan hebel baan xalay qoladayadii la shiray anagoo sodon nin ah ayuu noo sheegay inuu doonaya inuu noqdo madax, wasiir u doonto maamul hebel ama Khaatumo ka ahaado waxaas.

Waxyaalaha laga yaq yaqsoodo waxaa ka mid ah in Dhulbahantuhu siiba qurbajoogta qaarkeed kala garan la yihiin, waar qofkan ma idinkaa ah mise isagaa idin ah?, Ma idinkaa Dhulbahante ah mise Dhulbahantaa juffayadina yar ah,? Waxaa nasiib daro ah in siyaasi isku sheeg liita oo daciifnimadiisu aysan dhaafsiisnayn  reer hoosaadkiisa uu helayo boqolaal qof oo uu ku sii guuro asagoo Gantaalada uu saarayo ee habeen oo dha  telefoonada loogu xidhan yahay aytahay inuu maskaxiyan ku hubeeyo reer hebel baa waxeenii haysata{Qolokale oo isla dhulbahante ah], hebel baa wax inagu doonta xil inagu raadsaday, waxeenii la cun oo la qaaday, hadalo dhamaantood ah naxli aan indhaha kor loo qaadayn.

Nin baa sheeko iiga sheekeeyey wuxuu igu yidhi shirarka gaagaabeyda, yacni juffooyinka hoose ee Aallaa la galo saq badhka, ayaan gal galaa, xataa aniga oo aan ahayn beelahaas, waxaan ogaaday ayuu yidhi ninkasi in shirarkaas aan lagu soo hadal qaadin cadawadda SNM , cadaawada ssdf iyo mustaqbalka dhulkan , dadkan iyo deegaamadan la qaatay ee la xalaalaystay balse lagu jaffo oo lagu faafiyo naxli hoosaad aan macno guud iyo mid gaar ahaanayd sameynyn. waxaan kaloo ka faa’idey ninkaas hadalkiisii, waxaad maqlaysaa juffo hebel , waxay raaceen hebel, hadii aad qiyaatso reerkaas tiro ahaan iyo tayyo ahaan waa qabiilo dhan oo kumanyaal ah, sidee loo waayi karaa dad ka soo horjeeda fekerka qofka xun.

Tankale waxaad la yaabaysaa ruuxa fekerkiisa wuu isbedeli karaa, waad ogtihiin qaarkood ayaa SNM noqday dadkii la igmaday, kuwo ayaa ssdf raacay, kuwo kale ayaa hadeey doonaan balaayo kale raacayaa, yaa khaldan ma qabiilka qofka xun daba guuraya mise qofka xun ee dantiis quufka ah,? dabcan waxaa wax laga xishodo ah reero la cadhooda qof xun oo haduu jahanabo geynayo daba ordaya, waa wax aad looga xumaado xaqiiqatan.

Waxaan ku ku idlayn lahaa, hadeeynaan iska deyn isku hurinta dadka wada dhashay, u rixinta siyasi hunguriga aan dhaafsiisnayn juffadiisa, nin Dhulbahantenimo wax ku tari waayey ma kadhoodha yar ee uu ku sasabanayo dadka kuna dagaal gelinayo dagaal hoosaad ayuu wax idinku tari. Waxaynu u baahanahay in la helo iskudhafan wada dhiiran oo leh xumaanta hebel wada kulama socono, naguma masalo, balse badhi taar iyo beeso siin waa waxii beledkeena baxareeyey ee goobta baas dhigay, waa in indhaha cadowga la saara, kor loo qaada indhaha la Laliyaa ilaa Laalays la gaadhayo.

Zayaad A. nuur

Australia .

Jawaab: Maqaalkii Dhulbahante goormeey qof iyo qabiil kala soocayaan,{Maqaal}.

$
0
0

Ku bilaabid magaca Eebe weyne ee naxariista guud iyo tan gaar ahaaneedba bixiya, Mahad idilkeedna u sugnaatay Eebaha weyn ee ah maamulaha Koomka. Naxariis iyo nabadgelyana korkiisa ha ahaato Nabigeenii , xabiibkeenii Maxamed ee ina soo gaadhsiiyey Diintan nasteexada ah.

Waxaan doonayaa inaan ka jawaabo, maqaal uu qoray aqoon yahan reer Khaatum/SSC ah, oo magaciisu ahaa Zayaad A. Nur, ciwaankuna ahaa Dhulbahante goormeey Qof iyo qabiil kala socooyaan?, wuxuu ahaa mid ka mid ah hadalada ka soo maaxday maskax fayoow oo fekeraysa, waaqici ah, ku quman wakhtigan adag ee la joogo, ayna tahay inay wax ku qaataan caruuraha, dhalinta iyo kuwa Qurbaha jooga ee qoys madax maray kuna hogaanshey inay ruux ku raacaan indho iyo dhego la’aan.

Waxaan isku dayey inaan ka jawaabo hadaladii muga iyo murtida weynee ee walaalkeen Zayaad, waxaan ururshey waxii ficil celin laga ceshay maqaalka,{Reaction }, waxaan aad u baadh baadhay qolalka Zayaad sheegay ee dadka lagu baandheeyo saacadaha badan, waxaan wacay oo xog waraystay kuwo badan oo Dhulbahantenimadu kala weyn tahay Juffinimadu, xornimadu kala weyn tahay xoriyad la’aantu.

Gobonimadana ka jecel Gunimadda, waxaan arkay kuwo dunuunacaya oo leh anagaa naloojeeday, waxaan arkay qoraalo sii horeeyey oo aan aniga lafteydu lahaa kuwa isku dayey inay ka jawaabaan, oo waxii aan sheegayey qiraya, ama wax ku soo baxay warbaahinta oo dhaliil runeed ahaa leh waa sax balse idinkuba sidaas ayaad tihiin.

Waxaa rumoowdey waxii Zayaad ka hadlay, waxaase la yidhi dunuubta waxaa ugu xun dadkoo la xaqirro iyo xaqqoo la diido, anigu si aan u baadho jawaabaha ka dhashay guubaabada, dadnimada iyo damaqa leh e Zayaad ayaan raadiyey dad badan oo qaarkood aan ku aqaanay furfurka tolka oo dabcan aan saaxibo ahayn balse ku loolami jirney fekerka, qaar ka mid ah oo ah tiro yar marka loo eego tirada badan, waxay rumaysteen inay khaldan yihiin, maqaalkaasina raad weyn ku yeeshay, waxaad moodaa nin ka mid ah raggii aan la hadlay inuu hurdey oo soo toosay, yacni sida Gobonimada leh ee uu mawqifkiisa u bedeley, runtii waxaan xasuustay qisaddii AsxaabuL Kahf, dhalintii iyo sidii loo seexiyey.

Balse maalinimadii maqaalku baxay habeenimadeedii waxaa jirey qolyo ka shirey maqaalka laftiisii iyo fariintii uu xanbaarsanaa,  waxaa hubaal ah in maqaalkaasi dadka kala miiray, Fariiqul Juffo yar oo la dudsan nin khaldan, la saxan lana soo Liggan mab’da la’aan, waayo waxaa Mab’da la’aan kuugu fillan inaad waxii ad Aaminsanayd{Khaatuminimadii}, aad siisato qof , waa waxyalaha lagu Gumoobo.

Hadii ad dhibsato siyaasi , aad dareento sad bursi, aad dareento dulmi, ama gef maxaa kuu diidey in adoo mawqifkaagii iyo mab’da aagii masiirreed xanbaarsan cadkaaga dhacsato, waayo ceeb maahaa, inad Mab’da dhexdiisii ku dagaal gasho, oo cududaada iyo calaf kaagaba ku qaybsato balse waan dudi, dan guud imaan maayo, shirarka ka soo qaybgeli mayo, tolnimadii waan ka tegayaa, cadaawadii Guud, SNM iyo maceeda SSDF , waxaan ku bedelanayaa kaadhka hoose ee tolkay oo aan u aqoonsado cadow, taasi waa cadahaya fariiqaasu waa mid cad oo waxaa la dhahaa Toloow, oo ah inaad tolkaa ka go’day, maxaad kaga duwan tahay kuwa SNM ku haya Laascaanood ee dhiig ahaan ina sheeganaya?!!.

Idlayn, waxaan ku afjarayaa, kuwa Aaminsan hoos baan wax ku nahay, anaa isku filan tiro iyo tayyo, anaa xaq u leh taladeyda la raaco, waxaad saxsanaanaysaa markii rabbitaanka Aqlabiyadda aad taladaada ku muujiso iyo Tayyadaada , balse reero kale , cadow, colaad hoose, isku Hergeyn tolka dhexdiisa ah, Dhoolatus cadkeyga la cunay, waan ka baxay, waan ka noqday, sidii mahaa, wax baa la khalday, qolaa wax doonatay, intaasu kama iibsamayso shacabka Khaatumo, kumana bedelanayaan inay markale taladooda cid kale Muquuno u siiyaan, waayo waa daalleen, hadii cidi xumaynayso, hadii cidi ku Takri falayso, hadii ciddi wax kala boobayso ha noqdeen kuwa wada ah SSC Khaatumo State, aamisan Khaatumo State, ah Khaatumo State ka sii ah Federal Republic of Somalia. Dadkanoow ka waantooba Khalad baan ku raaceynaa kan nala juffadda ah,{Inaadeeryaow} nin walba inaadeer xun oo meel xilleh taagan waa lee yahay, khalad baan ku taageeraynaa kan odeyga naga xiga kan kale,tasi waxay quweynaysa horgalada iyo Hoosgalada, mid walaba wuxuu odhanayaa hebelba tag magaaladiisiiye maxaa aniga iigu diidaysaan, Buuhoodle iyo Taleex ka tusaalo qaado,  aynu ahaano keeba Mab’da eena inagu hogaaminaya, aan la dudeyn oo dulnimo kale inoo keenayn sidii kuwii Hargaysa iska dhiibey iyo kuwa hada Garoowe u faradunleynaya, in loo sacab tumo waa nasiib xumo, ilaji iyo qabiillah waa halaag kale ee aan ka joogno, U digay oo u digay oo duulka waa, loo dan leeyahay,!!!!!.

Wa bilaahay tawfiiq,

Maxamed Abdullaahi Aadan.

Ku soo hagaaji fariintaada Afbakaylenews@gmail.com

Maqaal : ‘XILKA DOONAYOOW!! YAAN LAGUGU DAGIN’ Qalinkii C/qani Yuusuf Aadan (Kaysediin)

$
0
0

Kaysediin

Dowladda Soomaaliya waxa la yiri waxay ka baxday kumeel gaarkii xilli haatan laga joogo sannad iyo biloh waana (Federal) oo waxa hoos yimaada qaybaha Soomaaliya oo dhan, beesha caalamkuna  sidaasay u aragtaa, laakiin waxa calool xumo ah intii burburka ka dambaysayna amakaag iyo anfariir noqotay madaxwaynaha dalkan Soomaaliya loo doortaba oo la is yiraahdo bal kan halagu tijaabiyo oo ha lagu aamino xilkaas, isaga ayaa dadka sii kala fogeeya, qabyaaladda bara, horumarka kasoo horjeeda, shuruucda dalka u taalna baal mara.

Middeeda kale Madaxwaynaha anagaa dooranay xildhibaanadii aynu soo xulanay oo shacabka ka dhex yimid baa doortay odayaasheenii dhaqankaa doortay, ururadii bulshadeenaa doortay, dawna uma laha Madaxwaynuhu inuu sida uu doono ka yeelo masiirka ummada soomaaliyeed meel waliboo ay joogto mana jirto mana jiri doonto insha allaah wax la yiraahdo xuriya mutliqa ah oo madaxwaynaha hadda jooga iyo kuwa ka dambeeyaaba isa siin karaan.

Waxase taas kasii daran golaha lagu sheego inuu yahay sharci dajinta, ilaalinta iyo la xisaabtanka saraakiisha dowladda, ayaa wuxuu  ku sifoobay mid hore iyo mid dambeba gole ay kasoo bilaabato nidaam xumida, sharci ku tumashada iyo bahdilaadda qaranka Soomaaliyeed.

 Waxaana labadaas arrimood intooda badan sabab u ah sida ka muuqata:-

 

  1. Iyada oo shakhsiyaadka soo doonanaya xilalkaas intooda badan aysan sida ka muuqata fahansanayn diinta islaamka, lahayn aqoon ku filan, khibrad muddo dheer ah iyo wadaniyad.
  2. Shakhsiyaadka soo raadsanaya ama isu soo taagaya marka horeba mas’uuliyadahaan ka tarjumaya masiirka qaranka iyo ummadda, oo usoo raadsada si laab la kac ah, kuna dhisan “Madaxwaynoow mar idhaha iyo “Xildhibaanoow mar I dhaha”.
  3. Ashkhaastaas oo mar waliba jecel ama ay maskaxdooda ka guuxdo in waxaas dadka ka dhexeeya ay uga faa’iideeyaan qabiilkooda, saaxiibbadood, ama Ururo iyo kooxo ay ka tirsan yihiin kooxahaasoo baryahan dambe fara kulul nagu hayay ama dal ha joogeen ama dibad ha joogaane..

Su’aasha meesha taalse waxay tahay?

Shacabka iyo baarlamaanka soomaaliyeed ma waxay doortaan madaxwaynaha? Mise waxay doortaan kooxda danaystayaasha ah ee mar waliba ku hareeraysan madaxwaynaha la doorto oo iyagu madaxwaynaha shaqada kala wareega, kana dhiga la hayste (Hostage) waa su’aal wali dadka soomaaliyeed aysan ka bixin jawaab sax ah loona baahan yahay inay ku dhiiradaan inay ka bixiyaan jawaab iyo ficil toos ah, waayo waa dhaqan aynaan horay u lahaan jirin oo nalasoo darsay burburkii ka dib hadii la qabatimana ay adkaanayso si dowlad soomaaliyeed oo dambe loo saxo.

Dhinaca kale madaxda soomaalida ee burburka ka dambeeyay iyagu madaxtinimada nooguma horeyn, ee waxa jiray madax ka horaysay kana khibrad iyo aqoon badnayd, oo kuwooda lahaa afkaarta fog ee ku salaysan cabir maskaxeed qoto dheer oo ka tarjumayay masiir qaran iyo mid umadeed isla markaana aaminsanaa in aakhiro iyo aduunba lagu eegayo xilka iyo mas’uuliyada culus ee garbaha laga saaray lana xisaabayo maalin uun marka ay hortagaan khaaliqa koonkan samaystay’ khaladaad marmar ka dhici jiray haba iska jireene kuwaas iyaga ah waxaan ka xusi karaa allaha u naxariisto dhammaantood way geeriyoodeen, Aadan Cabdile Cismaan, C/rashiid Cali Sharmaake, Maxamed Siyaad Barre iyo C/laahi Yuusfu Axmed oo ugu dambeeyay, Hadaba Madaxdeena soomaaliyeed ee intii burburka ka dambaysay taladda dalkeena hogaanka u hayay haddiiba ay dhinac mareen inay dhaqankaas wanaagsan kaga daydaan aabayaashoodii siyaasadda soomaaliya uga horeeyey.

Dhanka kale maxaa u diiday inay Dhaqanka wanaagsan ee dowliga ah ay kaga daydaan dowladaha horay u maray ee dunida daafaheeda ku dhaqan kana gudbay cadaalad daradda, eexda, nin jeclaysiga, qabyaaladda, iyo yooyootanka foosha xun ee marwaliba ka dhex aloosan madaxda soomaaliyeed, una gudbaan dimuqraadiyad, sinnaan iyo caddaalad ay dadkooda u sameeyaan.

Waxanse isleeyahay 20-ka sano ee soo socota way adagtahay si loo helo hogaan cadaaliya ilaa iyo inta soomaalidu jaanta isla helayso ama la abuurayo unug dhexe oo awood u leh in uu dhiso cadaalad iyo wadaniyada ay soomaalida samaha jeceli mar waliba raadinayso.

Maxaan ku dhaliilay madaxda hadda jirta gaar ahaan haykal ka u sareeya Soomaaliya?

Waa su’aal fiican una baahan in dawgeeda la mariyo, Walaalayaal Madaxda anigu iskama dhaliilayo laakiin iyagaa is dhaliilay maxaa yeelay  waxay ku sifoobeen iskooxaysi, qof jeclaysi, Talo xumo, Nidaam khaldid, iyo musuqmaasuq.

Madaxwaynaha hadii aan soo qaato:-

 

  1. Madaxwaynaha waxa la sheegaa khaladaadkii uu galay inay ka mid ahayd marar badan oo uu awooddiisa kaga hortagay dhismaha maamulo badan oo isaga garab istaagi lahaa dowladnimadana dhammaystir u noqon lahaa.
  2. Madaxwaynaha waxa la sheegaa inuu lumiyay inta badan kalsoonidii ummada soomaaliyeed waxana sabab u noqotay awood marooqsiga siyaadda iyo cayilinta danaha shakhsiyeed iyo  kooxaha ku fikirka ah oo aanay ka muuqan haykal dowladnimo iyo qorshe cadd oo lagu dhisayo dad iyo dal burburay.
  3. Madaxwaynaha waxa la sheegaa inuu lumiyay kalsoonidii beesha caalamka oo aad ugu hanwaynayd dowladiisa maadama la yiri waxay ka baxday kumeel-gaarkii waxana sabab u ah kalsooni luminta beesha caalamka dhacdooyinkii u dambeeyay ee ay u sabab ahaayeen dadka madaxwaynaha ka hoos shaqeeya  dhacdooyinkaas oo aan kasoo qaadi karo:- Wax ka badalidii qodobada Dastuurka Soomaaliya, Dagaaladii Jubooyinka, xasuuqii Jowhar, Xasuuqii Shabeelada hoose iyo Musuqmaasuqyadii Bangiga dhexe iyo ku maquunintii Baarlamaanka Mooshino aan sax ahayn.

Sidoo kale hadii aan soo qaato wasiirro ka mid ahaa xukuumada talada laga wareejiyay oo aan shaqooyinkoodii dhaliilay waxa ka mid ahaa Fowsiyo iyo Faarax C/qaair:-

Fowsiya marka laga yimaado in ay tahay Wasiirka arimaha dibadda oo ay tahay shaqadii loo igmaday, haddana sida ay u shaqaynaysay inta badan waxay ahayd si aan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah ee ay soomaalidu doonaysay, waxana sababay:-

 

  1. Iyada oo inkirtay raysalwasaaraheedii in uu ahaa rasalwasaarihii iyada kalsoonida la raadshay markii baarlamaanka laga ansixinayay iyadu siday doonto ha ku timaadee, golihiisana ay ka mid ahayd shirirkii golaha wasiiraddana kama ay soo qayb gali jirin marka laga reebo laba mar oo uu raysalwasaaruhu dibadda aaday oo madaxwaynuhu  uu ku yiri kii baa meesha ka maqane orod shirka gudoomi taa badelkeedana waxay mar waliba taagnayd xafiiska madaxtooyada iyo madaxwaynaha agtiisa taasina waxay ahayd sharci daro qaangaar ah, oo aan sinnaba nidaamka dowliga ah ula jaan qaadi  Karin.
  2. Shirarka ay dibadda u aado wasiiraddu mar waliba waxay ka hadashaa Muqdisho iyo xafiiska madaxtooyada oo kaliya waa sax muqdisho waa caasimadii Soomaaliya laakiin aaway dalka intiisii kale, waa su’aal u furan in iyada la waydiiyo walise afkeeda lagama hayo wasiiradda iyada oo leh Puntland oo ka mid ah dhulkeena, Jubaland oo ka mid ah dhulkeena, Somaliland oo ka mid ah dhulkeena Galmudug, Khaatumo, Ximan iyo Xeeb, Ahlu sunna iwm, mana ay  aaminsanayn in goboladaas ay dowladeeda hoos yimaadaan marka laha eego dhinacyada Siyaasadda, Arimaha bulshada iyo Dhaqaalahaba, Tusaale yar aan soo qaato:- Shirkii ugu dambeeyay ee Brussels lagu qabtay oo looga hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa dowladaha Soo koraya oo ay Soomaaliya ka mid ahyd, kadib fowsiya waxa ay saxaafadda u sheegtay in dalkeedu aanu waxba ka helin midawga yurub aan ka ahayn balanqaadyo ay noo sameeyeen, waxaase middaas waxba kama jiraan ku tilmaamay guduumiyaha midawga yurub u qaabilsan horumarinta, Andris Piebalgs mar uu la hadlayay jariidad la yiraahdo IBTimes oo faaloota dhaqaalaha, waxuu u sheegay inuu aad uga xumaaday kuna tilmaamay been abuur ay samaysatay wasiiradu ‘ geedi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya ka bilawdayna aanu ahayn awood siyaasadeed oo kaliya, laakiin ay tahay maalgalino dhinacyo badan si dowladda federal-ku taageero ay uga hesho dhinacyada kala duwan ee ay soomaaliya ka kooban tahay sida Puntland, Somaliland, Jubbaland, Galmudug, Khaatumo, Ximan iyo Xeeb, iyo Ahlu suna Wal Jamaaca, sidaas daraadeed ma jirto lacag aan si toos ah u marinayno khasnadaha dowlada dhexe ee soomaaliya xilli shaki wayne nooga muuqdo Kanaaladii aan wax u marsiin lahayn dowladda dhexe, arrintaas oo iyaduna Wasiiradda ku noqotay fadeexad la soo daristay.
  3. Wasiiraddu intii ay ku jirtay shirarkeedii aan kala go’a lahayn waxa lagu soo eedeeyay in ay is daba marin ku samaysay safiiradii soomaliya u fadhiyay dalalka saaxiibada ah oo waliba safiiradii ay xilalka ka xayuubisay u badnaayeen safiiro kasoo kala jeeday Puntland iyo Jubaland badelkoodiina ay gufaysay kuwa kasoo jeeda Muqdisho iyo Hargaysa.

  

Faarax C/qaadir Waa kuma?

Faarax waa shakhsi soomaaliyeed oo ay saaxiib dhow yihiin Madaxwaynaha oo ay  markii horena kawada tirsanaayeen Jaamacaddii SIMAD, waxana uu ka mid ahaa xukuumadii Saacid haduuba uu aaminsanaa, gaar ahaana waxa uu ahaa Wasiirkii Madaxtooyada waana shakhsiga inta badan sida la sheego mas’uulka ka ahaa khilaafaadkii xukuumadda iyo madaxwaynaha, mas’uulkaan waxa inta badan lagu xantaa in uu yahay shakhsi si dadban uga faa’iidaysta shaqada uu ka hayay Villa Somalia, raysalwasaarihii hore Saacid ayaa marka uu u adkaysan waayay hagardaamooyinka Faarax, waxa uu ku talagalay in uu ka qaado xilka uu hayay waana meesha ay ka qaraxday bambadii Saacid la kacday, Khaladaadkii Faarax C/qaadir uu ugu gafay Dowladnimada Soomaaliyeed ee curdinka ah waxa ka mid ahaa:-

 

  1. Isagoo wasiir ah inuu ka awood badnaa Raysalwasaarihiisii iyo Madaxwaynahaba
  2. Inuu qaybinayay isaga iyo wasiiro kale oo ay xukuumada kuwada jireen lacagihii xaqdaradda ahaa ee xukuumadiisa lagu ridayay isagoo dhinaca kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka taasoo wali aduunka aanay jirin meel ay ka dhacday.
  3. In Isagoo wasiir Madaxtooyo ah uu gali jiray Heshiiyo caalami ah, kuwo arimo dibadeed iyo gudahaba ah sida kii Adis-ababa.
  4. In Codad si hoose looga qabtay uu ku sheegay in Puntland ay u baahan tahay in laga badbaadiyo wax uu ku sheegay cadaw xoog ku haysta halka Puntland-na ay ka didsanayd maamul xumadda xafiiska uu ka tirsanaa.

 

Hadii aan soo qaato Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda jira:-

 

Baarlamaanka hadda jira isaguna wuxuu u muuqdaa mid guud ahaanba lumiyay kalsoonidii ay ku qabeen ummada soomaaliyeed oo markii hore rajo wayn ka qabay, waxana ugu waynaa sababihii kalsooni daradda ku riday shacabka soomaaliyeed, waxay ahaayeen wax ka badelkii qodobada dastuurka iyo arintii motion-ka xukuumadii Saacid, hadiise aan wax kasoo qaato midda dambe oo ah Motion-ka, Baarlamaanka iyo hogaankiisuba aadbay ugu ceeboobeen arrintaas wixii ay halkaas ka sameeyeena waa wax mar horeba taariikhda u galay arinta mooshinka baarlamaanka laba qodobba waa u banaanaayeen:-

 

  1. In marka horeba mooshinku baarlamaanka dhexdiisa ka yimaado sida sharcigu qabo oo ay xukuumada kula xisaabtamaan haday kalsoonidii lumisayna meesha laga eryo waajib dastuurku siinayo ayay ahayd.
  2. In labada shakhsi ee is qabtay oo ahaa Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaraha waxay isku hayeena ay ahayd dastuurka  labadaba ay u yeeraan oo u garqaadaan dawbay ahayd oo kii garta leh dastuurkuna u ogol yahay garta la siiyo kii gardaran oo dastuurka iyo sharciga u gafayana waajibka uu leeyahay la marsiiyo arinkaasina ma dhicin.

Waxase meesha ka dhacay wax aan loo fadhiyin baarlamaanka iyo gudoonkiisana aan laga filayn, kuna haboonayn dad inaba aqoon iyo caqli u saaxiib ah in ay sidaas yeelaan kadib markii ay laaluush ka qaateen shakhsiyaad madaxtooyada ka tirsan, oo dabada ka riixayay mooshinkaan xaqdaradda ahaa laguna amray inay Saacid qoorta qabtaan si foolxunna Villa Somalia ugasoo saaraan, waxase ka sii darayd markii ay yiraahdeen xukuumadda lasoo eedeeyay isma difaaci karto noomana soo gali karto arintaas oo gef wayn ku ahayd Dastuurka, kala dambaynta iyo sharcigii ummadda soomaaliyeed ay ku han waynayd.

Haddaba Intaas oo gaf iyo khaladaad ahba waxa loo gaystay xukuumaddii uu hogaaminayay Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) markii laga waayay dan gaar ah oo lagu fushan jiray oo uu Saacid qudhiisu mar dambe dareemay, kadibna waxa laga dhigay (Isolated) mid hal dhinac looga soo wada jeestay loona rifay sidii aar jabay oo dhurwaayo ay cidla’ ka heleen.

Middii ugu darnayd oo iyadu wali dadka soomaaliyeed ee samaha jecel qalbiyadooda ka go’I wayday oo ku sawiran waxay ahayd xukuumaddii sidii loo galay aynu ogayn oo waxaasoo jaa’ifo ah loo gaystay in haddana barakacayaashii muqdisho lagu soo kiciyo inta sawaradda nimankii eelka dhigay loo dhiibo la yiraahdo ku mudaharaadda Saacid si wixii dhacay oo dhan isaga dusha looga tuuro, hadde ogoow oo meesha waxaas oo dhammi ay ka dhacayaan waa halkii la lahaa dadkay u dhaxaysaa waase beenowday.

Anigu shakhsiyan waxan qabaa aanna aaminsanahay in dad badini ila qabaanna aan u malaynayaa, in siyaasadda soomaaliya gaar ahaan middaan ah iskooxaysiga inta badan ku loolamaya haykalka sare ee Soomaaliya aanay ku dhisnayn sidaan horaba u sheegay wax dhisid (Construction) ee ay ku dhisan tahay dan kooxeed, Qabiil, ama Shakhsiyeed oo aakhirka horseedi karta burbur (Destruction) iyo dowlad la’aan hadhow halkaas kasoo baxda.

Talooyin ku socda Raysalwasaaraha Cusub

 Kolleyba aadanuhu waa mansab iyo xukun jecel yahaye Raysala wasaaraha cusub ee Saacid badeli doona hadduu iga qaadanayo hadalkuse nimaan qaadanayan kuma qummanee waxan kula tali lahaa:-

Marka hore Ilaahay ka baq isagaa na abuurtaye, wax kastoo kuu hagaagana isaga uga mahad celi wixii kugu soo istaagana ilaahay u bari inuu kuu fududeeyo kana feejignoow  dhaarta aad marayso ianay beenawdo.

  1. Si cadd oo aan leex-leex lahayn ugu dhaqan awoodaha iyo tilmaamaha dastuurka qaranku uu kuu oggol yahay.
  2. Golaha xukuumadda ee aad soo dhisayso ha noqdaan kuwo tayo leh oo aad si xor ah usoo xulatay cidna ha u daba fariisan wixii adigu aad waajib u leedahay.
  3. Tus kalsooni iyo karti dheeri ah dadka Soomaaliyeed ee ay niyad xumadu ku habsatay.
  4. Haku milmin Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka midna marka laga reebo gudashada waajibaadka Dowliga ah ee kaala dhexeeya.
  5. Marna yaan lagugu beerlaxawsan wax aan daacad laga wada ahayn adiguna wadaniyadda haka tagin.
  6. Ugu dambayn waxan ku dhihi lahaa “XILKA DOONAYOOW!! YAAN LAGUGU DAGIN”

 

 

Qalinkii : C/qani Yuusuf Aadan (Kaysediin)

 wadani1969@gmail.com

 

Maqaal: Awoodaadda ma ka faa’ iidaysataa?

$
0
0

Markuu laba bilood oo qudha  jirey ayaa maroodi yari wuxuu ku dhacay dabin ay dhigteen niman dabata ah waddan ka mid ah waddamada qaaradda Afrika, waxayna geeyeen suuqa halkaasna waxaa kaga iibsadey nin taajir ahaa oo lahaa beer xayawaanada lagu xannaaneeyo, isla markiiba ninkii wuxuu geeyey maroodigii beertii xayawaanka wuxuuna u bixiyey magac ( NYLSUUN).

Naylsuun markii beertii la geeyeyba shaqaalihii beerta ayaa addin kaga xidhay silsilad adag oo dhinaca danbe ay kaga xidhan tahay bir culus oo aanu riixi Karin, waxayna geeyeen meel gooni ah,NYLSUUN wuxuu aad uga xanaaqay hab dhaqan ka aad u qallafsan wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu naftiisa ka badbaadiyo ALAMBAKHADA lagu ridey.

NYLSUUN wuxuu bilaabay inuu isku dayo inuu dhufsado birta ama silsiladaba goosto balse midna uma suuroobin oo isagii ayaaba dhaawacyo iyo xauun badan kala kulmay isku daygiisii, markasta oo uu isku day sameeyana danbuu isaga fadhiistaa kadibnau seexdaa, muddo hadday arrintu saas ahayd maroodigiina inuu fakado daaye dhaawicii iyo dhibkii kabadatay ayuu isku qanciyey inuu waaqica (xaaladda uu ku sug yahay) u hoggaan  samo mardanbena aanu isku deyin inuu naftiisa ka fakiyo xabsiga adag ee uu kujiro, arrintaas oo ahayd jaaniskii uu sugayey ninka taajirka ahaa si uu NYLSUUN barnaamij uu kaga faa’iideysto ugu sameeyo.

Habeen habeenada ka mid ah ayaa ninkii taajirka ahaa iyo shaqaalihiisii maroodigii oo hurda ka fureen birtii weyneyd waxayna ku xidheen qori ama jirid geed oo soo fuqday culays sidaasi ahna aan lahayn, taas oo ahayd fursad uu ka faa’iideysan karo NYLSUUN balse horay ayuu isugu qanciyey inaan isku daygiisu marnaba guul u keenay, xanuun iyo dhaawac maahane faa’iidana aysan ugu jirin sidaasna wuxuu ku goostay inaanu isku daydanbe samayn.

Maalin maalmaha ka mid ah waxa beertii soo booqday wiil yar iyo aabihiis waxaanu wiilkii yaraa la yaabay maroodiga xooggiisa iyo qoriga uu  ku xidhan yahay, waxaanu weydiiyey ninkii taajirka ahaa sababta maroodigu uga baxsan la’yahay qorigan yar, wuxuu ku jawaabey ninkii taajirka ahaa ( sida aad aragto maroodigu qorigan yar wuu jiidan karaa beertana wuu ka baxsan karaa anna saas waan ogahay laakiin waxay runtu tahay maroodigu taas ma oga umana qiimaysna awoodda uu u leeyahay!                                                                                    waa maxay farriinta qisadani?

Dadka badan kiisu waxay ku barbaareen yaraantoodiiba aragtiyo gaar ah, waxay  wax u maareeyaan qaab gaar ah, waxay dareenkooda u cabbiraan usluub gaar ah, waxay aaminsanyihiin mabaadi’ gaar ah, waxaa la xidhiidha dareen gaar ah oo mustaqbalkooda iyo noloshooda welwel ku abuurayo, waxyaabahan oo dhammi waa wax yaraantii la soo qoob wadaagey dib u eegisna aan lagu samayn,waxaa loo hoggaansamey xaaladdii bulsho ee lagu dhex barbaaray si lamid ah sidii maroodiga (NYLSUUN) oo aan waxba uga duwanayn .

Maxaa nolosha walbahaarka ugu wacan?

waxaad arkaysaa marar badan mashaakilka ay dadku ku nool yihiin oo sii kordhaya, saaxiibadii oo kala tegeya, furriinka qoysaska oo kor u kacaya, shirkadihii oo burburaya khilaaf dartiis, isku buuqa, dhiig-karka iyo xanuunada mashaakilka ka dhasha oo hanaqaaday.

Arrimahan oo dhan waxaa qayb weyn ka ah in laysku qanciyo aragtiyo aan sax ahan isla markaana noloshaada iyo horumarkaaga wiiqaya, taas oo salka ku haysa habdhaqan khalda oo lagu dhex barbaaray (haka timaaddo qoys,macallin ama bulsho) oo aan  lagu baraarugin khaladnimadiisa,waaisba intee le’eg dadka ku baraaruge khaladaadka dhinaca tarbiyadda ah ee ka jirey qoyskooda?                      balse malabeddeli karaa xaaladda noocan ah?

 

Fadlan aragtidaada ku darso

Axmed sh cumar

Macallin jamacadda buhodle

E-mail :  awyaalow@yahoo.com

Maqaal: Cir Durug,Dhul Durug!!!!!..

$
0
0

Waxaan ammaan iyo salaan u dirayaa,dhammaan madax dhaqanka ummadda Khaatumo,intii lahayd hal abuurka NSUM,Shirkii Horseed,Khaatumo I,Khaatumo II , wagaradka iyo waxgalka kale dal iyo dibed. Waxaan tacsi iyo duco u dirayaa intii u geeriyootey amma u dhaawacantay amma dhib kale ku soo gaadhey halganka qadiyadeenna. Waxaan ammaan iyo bogaadin iyana u dirayaa inta qadiyadeenna u hurtay waxa ay jeerkaas awooddey. Guul waa talo iyo midnimo.

Maadaama qarnigan dunidu ka horumartay dhanka aqoonta iyo qalabka,waa daw in daawo loo raadiyo Masayr gaamurey oo soo taxnaa ilaa subaxa ay yeertay Cir Durug oo Dhul Durug oo Dhulbahante dhalay.
Laba walaalo ah oo midi rabo inuu kan kale gumeeyo,xumaan nooc ay tahayba aan kala maagin,midna rabo  inay noqdaan walaalo siman oo isgarabsada yaa caqliga u dhow oo mudnaan leh,gartu way caddahay.
Waxaan rabo oo aniga qudha ii dan ah khasab ku yeel. Wixii aan kuugu taliyo hadal iyo ficil midnka ha ka keenin. Isku dir,kala qaybin,magac iyo hayb Dil,dal riix,barkicin,cuna qabatayn,ka been sheeg,eedayn,dacweyn,dal bixin,sheegasho,ku dawersi,faragelin,nacayb iyo cadaawad joogto ah, oo intaba marag iyo caddayn loo hayo. Ma tashan kartid,dal,dan,maamul iyo magac ma yeelan kartid,waxaan kuu garto keliya ku go’,kuna hadala’ow. Waa wixii Saciid Harti Hooyadiis hore u diidey,waa wixii awawgey gumaysiga ugu hub qaatay. Maanatana annagoo deeq Eebbe joogna ka buuxna naf iyo maal sinaba ku yeeli mayno,ku daale yelkadiis. Haddii kibir guur kugalay,haddii laac yari ku hodey,haddii hoggaan hunguri ku helay,Boowe habow iyo Had baa ku Wada.
Maanta cid waxa ina ku dhaantaa ma jirto,haddaan taladu ina seegin hubaal teennaa lays kugu iman.
Daalim iyo dulmi maalo tirsan bay jiraan. Idanka Eebbe guul dhaw baan arkaa. Ogaada sabur iyo midnimo.
M.H.Buraleh

Viewing all 61 articles
Browse latest View live