Beelaha Biimaal, Digil iyo Mirifle, iyo beelaha banaadirga ee dega gobolka shabeelaha hoose oo beeniyey dulmina ku tilmaamey warbixintii ay qoreen websiyedada qaarkood
Fadliga Akhriska Qur’aanka Kariimka (Qore Mohame Keenadiid)?
Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Akhriste marka hore waxaan maantana kuu soo gudbinaya xalqo kale oo aan ku eegayo barnaamijyadii taxanaha ahaa ee ku saabsanaa arimaha Bulshada,waxaana maanta ku eegi doonaa Waxbarashada caruurta iyo isbadlka ku yimid waalidka.
Sanadihii burburka waxaa isbadal ku yimid sida waalidka soomaaliyeed ula dhaqmaan waxbarashada Caruurta gaar ahaan mida diinta islaamka,taasi oo ay ka xoog badatay barashada aqoonta Maadiga ee lagu shaqeyo,hadaba maxaa sidaas sababay,waxaan la kaashaday dad aqoon yahano iyo Macalimiin dugsi quraan oo aan wax ka weydiiyay arimahaasi.
Macaliminta aan la kaashaday ayaa ii sheegay in waalidka ka door-bidaan barashada cilmiga maadiga ah,si bari uu ugu anfaco naftiisa iyo Nafaha kale ee masuul uu ka noqon doono,waxaana macalimiinta ii xaqiijiyeen in 5-caruur ah ee ka yar 12-jir waalidka u badiyaan aqoonta 4-ka mid ah arimaha maadiga.
Umadda somaliyeed waxay caan ku ahaayen in Ilamaha marka uu 5-jir yahay loo bilaabo barashada qur’aanka kariimka oo fure u ah barashada cilmi kasta oo aduun,waxaana waalidka soomaaliyeed uu ahaa mid ilmihiisa ku kantaroola waxbarashada Qur’aanka karimka sida ay xasuustaan inteena badan gaar ahaan kuwii dhashay wixii ka horeyay 1990-1998 oo ahaa xiligii uu sii yaraanayay in xooga la saaro barashada qur’aanka kariimka ah.
Akhrite maahan in aan leeyahay Guud ahana dadka faraha waxay ka qaaden barashada qur’aanka iyo akhriskiisa,balse waxaa hoos u sii dhacaya dadka u dareera barashada qur’aanka oo ah aayaadka ilaahey ee aduunkan ku kala socday,taasi u baahan in xooga la saaro.
inta aan ka bixin arimaha caruuraha aan u mahad caliyo waalidiin qaar oo caruurtooda u ogolaaday in ay xogga saaran barashada aayadka ale oo ah mid waajib ah qof walba oo islaam ahna ku ah waxaana islaamka waa iftiin u yimid aduunka oo dhan Hor iyo dhamaadba Dadkana waxaa ku waajib ah in ay xooga saaran barashadiisa.
Fadliga Akhriska Quraanka Kariiimka
Walaalayaal fadliga quraanka akhriskiisu iyo ajarka uu u leeyahay qofkii doonaya raali ahaanshaha illaahay (SW) iyo ajar weyn uu u leeyahay camalada uu ku qabanayo ee quraanku u xadidayo, fadligani waxa uu u sugnaaday cidii doonaysa raali ahaansha illaahay, waxana khasaaray cida aan la kulmin fadligan dhamayska tiran ee quraanku leeyahay, waxa ku sugan sunnaha fadliga ay leeyihiin suurado kooban oo khaas ah oo ay ka mid tahay Faataxadu.
Hadaba walaalyaal ku dadaala badinta akhriska quraanka weliba bishan ramadaan uu soo degay quraanku, Malakul Jibriil wuu u soo bandhigi jiray Nabiga (CSW) quraanka bisha ramadaan sannadkiiba mar, sannadkii uu Nabigu (CSW) uu dhiman doonana laba jeer ayuu u soo bandhigay dadkii hore ee muuminiinta ahaana waxay ku dadaali jireen quraanka akhriskiisa wakhtiga salaada iyo marar ka kaleba.
Suhri waxa uu odhan jiray marka ay soo gasho bisha ramadaan “Waa bishii quraan akhriska iyo quudinta masaakiinta”, Maalikna marka ay soo gasho bisha ramadaan waxa uu ka tagi jiray akhriska xadiiska iyo meelaha cilmiga lagu akhristo waxana uu akhriyi jiray quraanka. Qataada waxa uu dhamayn jiray quraanka todobaadkiiba mar, bisha ramadaana saddexdii cishoba mar, tobanka ugu denbeeyana habeen kastaba. Ibraahim Nakhci waxa uu quraanka dhamayn jiray bisha ramadaan saddexdii habeenba mar tobanka denbena labadii habeenba mar. Aswad waxa uu akhriyi jiray quraanka oo dhan laba habeen oo bisha ramadaan ka mid ah.
Walaalayaal waa in aanu ka duyaanaa dadkii ehlu khayrka ahaa oo aynu raacno dariiqooga inagoo habeenkii iyo maalintii uga faa’iidaysanayna wixii illaahay ugu dhowaanayno waayo wakhtigu wuu is guraya oo maalintiiba ayaad mooda saacad.
Illaahayow nagu arsaaq akhriska kitaabkaaga si aad raali naga tahay naguna hanuuni dariiqa toosan, illaahayow naga saar mugdiga oo noo saar nuurka, illaahayow quraanka xujo nooga yeel, illaahayow darajadayada kor noogu qaad madowgana noogu iftiimi, illaahayow noogu denbi dhamaan anaga iyo waalidiintayadi iyo dhamaan umada musliminta ahba raxmadaada. N.N.K.H Nabigeeni Maxamed isaga iyo ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhamaan.
Ugu danbeytiina Dhaliyarada soomaaliyeed oo bartay qur’aanka ayaa waxaa ay ka gaabinayaan akhriska iyo barashada quraanka kariimka ah ilaahey baa ajar kaa siinaya miisaankaga xasanaadkana waa kuu galeysaa Marka walal wakhtigaaga badankiisa ku bixi si aad u Xifdso quraanka,meeshii aad kaga mashquuli lahayd Ciyaaro iyo dano aduun oo aan ajar lahayn.
Waxaa iga caawiyay Culimo soomaliyeed qormadan.
W/Q Mohamed Keenadiid
MAQAAL;-Lama helo Dhalinyarooy waxaan ciddi u hawshoone
Asalaamu calaykum
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh,nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad korkiisa ha ahaato.naftayda iyo naftiinana waxaan idiin dardaar mayaa cabsida ilaahay( SWT)
Waxaan salaan qaaliya usoo gudbinayaa dhammaan dhallinyarada Maamulka khaatumo meelkastoo ay joogaan, waxaan rabaa in ay ila wadaagaan arinta igu dhalisay qormadaan qanlinkana igu qaaday.
Dhabta hadalka mar baad dhayal umoodaa
Mar ayaad dhunkaal moodaysaa dheeman lacageed .
Mar ayaad dhibkaagaba aqoon kii wax kuu dhimay .
mar ayay dheguhu aysan maqal dhawaq walaalkaa..
Dhaayuhu marbay kuu qabtaan dhaanka dibigaale .
Dhimashadu marbay kugu xaq tahay nolosha dhaantaa
Guud ahaan dhaliyaradu waa horumarka iyo mustaqbalka wadankasta, dhalintu waa kuwa saldhig unoqda Horumar, Farxad iyo Wanaagba , waa xooga ugu fir fircoon ay ummad walibaa leedahay waana muraayada kaliyaa ee laga eegto waxa bulsha kastaa ku danbeyn mustabalka oo hadii ay kaalintooda ku qotonto karti iyo hufnaan la saadaaliyo in masiirka ummadaa uu himilo wanagsan ku danbeyn doono maadama ay yihiin hogaanka bari,
Dhalinyaradu waa kuwa ah horseedayaalka horumarka iyo Badbaadiyaalka Bulshadooda waana Hagayaasha maanta iyo bari
Dhalinyaranimadu waa xiliga ugu wanaagsan ee qofka bini’admiga ah soo mara xiligaas qofku wuxuu kulansadaa fursado uusan markale heleynin, waxay yihiin c/fimaadka,tamarta iyo firaaqo badan.
Culimada c/fimadku waxay tilmaamaan hormuunada dabiiciga ah ee uu leeyahay qofka dhalinyarada ah in ey xiligaas aad u badan yihiin taasina ey ka qeyb qaadaneyso fir fircoonida dheeriga ah eek u jirta.
Bulsho kastaa waxa ay ku hor martaa dhalinyaradeeda, bulshooyinka hor u marey waxaa hubaal ah in ey leeyihiin dhalinyaro qiimo badan oo wadaniyad leh, hadii aan taariikhda dib u raacno halgamadii dunida ka dhacay waxaa hor u mood ka ahaa dhalinyar sida:-
Halgankii Islaamka; wuxuu ku tisqaaday oo lafdhabar u ahaa dhalinyar ( Saxaabo ) ay yaqiintoodu saraysay towfiiqdoodu ay xooganayd fahamkooda diinta uu gaarsiiyey in ay ku hamiyaan in ay dhamaan bina- aadamka dunidaan guudkeeda ku dhaqan ay gaar siiyaan naxariista iyaga oo diinta islaamka ku faafiyey dhamaan dunida waqti yar oo kooban.
Halgankii Sayidka; Sida aan ogsoon nahay sayid maxamed cabdulle xasan oo ahaa halgamaa weyn oo soomaaliyeed waxa uu aasaas u ahaa halgankii gobanimo doonka ee uu kula dagaalamayey gumeystihii gayiga soomaaliyeed qabsadey, waxaan ka wada war qabnaa sayid maxamed iyo daraawiish guulihii waaweynaa ee ey ka soo hooyeen gumeystaha.
. Halgankii Leegada ( SYL ); sida aan ognahay waxaa saldhig u ahaa halgankaas dhalinyaro soomaaliyeed ayaga oo go’aansadey in ay wadanka ka xoreeyaan gumeystihii haystay
Abwaanka soomaliyeed Xaaji Aadan Afqalooc mar uu dhalinta la hadlayey waxa uu yiri:-
*Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye
* Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e
* Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e
* Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu
* Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e
* Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray
* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene
* Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e
* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye
* Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane
* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye
* Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye
* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane
Gabaygaan waxa uu si toos ah ula hadlayaa dhalinyarada una tilmaamayaa in ay yihiin dhalintu kuwa la rabo in ay anfacaan dadkooda iyo dalkooda buuxiyaana kaalintii ay ka tageen dadkii iyaga ka horeeyey, haddiise ay hanan waayaan ay ayaan daro tahay.
Haddaba haddii ay woodaha iyo wax qabadka dhalinyaradu sidaa yihiin taariikh hore iyo tu dambena ay qortay bal waa sidee tii dhalinta khaatumo iyo kaalintoodii ku aadan horumarka dadka iyo deegaankoodi? Ahna arinta qormadaan.
Run ahaantii dhalinyarada khaatumaay waxaa tihiin laf dhabartii iyo hormuudkii dadka iyo dalkiina laakiin waxa muuqata habacsanaan iyo kaalin bananan oo aan in dhaha laga qarsan Karin loona baahan yahay in labuuxiyo.
dhalinta khaatumaay aqoonyahanadii dalka iyo dadkow sida uu xaalkeenu yahay dhabtii waxaa muuqata dib u dhac balaaran oo aan la dhayal san Karin una baahan in aan maanta meel kasoo wada jeesano oo an qeeybsananta ka xuub siibano oo waqtigii iyo waayihii ina soo maray wax ku qaadano oo aan u midowno sidii aan gar gaar iyo garab aan ugu noqon laheyn bulshadeena oo diifta ka muuqata aan u dhaba galno sidii an uga saari laheyn inagoo adeegsaneyna cilmigeena iyo cududeena.
Dhalinta khaatumaay sida gabayga kore tilmaamayo waxaa tihiin aarankii soo kacaye waxaana laydinka fadhiyaa in aad hanataan dalkiina deegaankiina iyo dadkiina qaadataanan kaalin wax ku ool ah cududiinana midaysaan qofkastana hamiga ha ku qabta siduu wax u badeli lahaa doorkiisana u ciyaari lahaa.
Yaa laga doonayaa wax qabad iyo in ay kaalintooda buuxiyaan?
Guud ahaan dhalinyarada khaatumo in ay wax qabtaan oo kaalintooda ka soo dhalaalaan baa loo baahan yahay gudo iyo dibad meeshay doonaan ha joogee gaar ahaan dhalinta aqoonyahanka ah ee wax baratay.
halkee wax laga bilaabayaaa?
wax kasta waxa ay leeyihiin meel laga bilaabo oo ah aasaaska ama salka hoose asaaska nolasha ee ay tahay in bulsho hesho si ay u hormato waa nabadgalyada, xarumo caafimaad, biyo nadiif ah, waxbarasho,
Kadib marka la helo dhamaan waxyalahaa asaaska u aha horomarka bulshada ayaa wax imankara in la rukumada loo taago waxqabad wax ku oola , inkastoo aysan suragal ahayni in mar qura waxqabadka laga mira dhaliyo , taasna wax ay ku xirantahay hanaan socodka bulshada, tuusale ahaan hadi la waayo nabad gelyo waxa adkaaneysa in wax qabad buuxa laga dhalin waayo inti kale taasina wax ay curyaamisa hormarka bulshada,mar walba oo la xuso horomar ay gaartay bulsho , waxa lagu tilmama in ay tahay bulsho ku wanaagsan waxqabadka, lehna asaas adag oo ku salysan dhaqan maguuraana, bulsho ku wanaagsan heerka aqoonta, ayna u dhan yihiin dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshda ay ugu horeyaan dhalinta, indhagaratada , aqoonyahada iwm, waxana hubaal ah bulsha kasta oo sida u fekerta in ay gaareyso yoolka ay hiigsaneyso oo ah horomar ay rabto in ay ku talaabsato.
Side wax loogu qaban karaa deegaankii iyo dadkii?
??????? ???????? ???? ??????? ?????? ?????? ?????? ?????? ?????? ??????? ????????? ???????????? ???? ???????? ??????? ???????? ????????????? ?????? ????????????? ??? ????????? ??????? ???????? ??????????? ????? ??????? ????? ??????? ??????? ?????????????????
v In la go’ aan sado in wax la qabto dabadeedna ilaahay la talo saarto maxaa yeelay ilaahay waa jecelyahay kuwa talo saarta asaga sida ku cad qawlka alle ee kor ku xusan
v In la wacyi galiyo iyo in wax la baro dhalinyarta hubeysan iyo kuwa jaadka cuna si loogu sameeeyo mustaqbal wanaagsan wadankoodana ay dib wax ugu tari lahaayeen,
v Waxa loo baahan yahay in dhalinta khaatumo dhigato barnaamijjo dhamaystiran oo ay kaalintooda dhex u xirtaan ayagoo iskaashanaya
v In calaamka la tuso xaqiiqa dhabta ah lana siiyo macluumaadka saxa ah ee dadka iyo deegaanku ku sugan yahay silooga bogsado fariimaha khaldan ee horay u baxay
v In fadhiga laga kaco iyo jiifkaba oo qof walba falankeeda qabto siduu aqoontiisa ugu faa idayn lahaa goboladii iyo dadkii
v In lahelo dhalinyaro ka soo jeeda deegaanka khaatumo oo si mutadawacnimo ah uga hawlgasha deegaanadii maamulka khatumo oo naftooda iyo maalkooda u hura deegaankii mudo gaaban ba ha noqotee oo leh takhasusyo kala duwan
v dhalinyarta dalka dibadiisa wax ku barata waxaa laga doonayaa in ey isku xirnaadaan, oo ey istixgaliyaan waxna wada qabsadaan si loo baadi goobo midnimo loogana boxo kala googo’a ragaadiyey mujtamicii iyo bulshadii deegaanada khaatumo ee ab iyo isir iyo islaamnimo intaba wadaagey,
v waxaa loo baahan yahay urur dhalinyaro oo mideeya dhalinta khaatumo lasameeyo ogaantay mamaqal haddiise uu jiro la xoojiyo si isku meel loogu hayaamo geedigana loogu jiheeyo
v in la sameeyo nimaad isku xira dhamaan qaybaha bulshada oo ay dhalintu hormuudka noqdaaan.
yaa lala kaashanayaaa?
- Ugu horayn allah ayaan la la kaashanayaa
- waxaa lala kashanayaa dadka degaanka gudihiisa iyo dibadiisa ku dhaqan danaynaya horumarka iyo wanaaga deegaanada khaatumo
- hay’addaha caalamka ee ka haw gala gudaha wadanka soomaliya gaaar haan kuwa ka hawl gala deegaanka maamulka khaatumo
Guntii iyo gabo gabadii
“ Ilaahey Ummad ma badalo ilaa inteey iyaga iska badalayaan”
Raiisul wasaarihii hore ee Malaysia Dr. Mahathir Mohamad oo ka mid ah dadka taariikhda baalka dahabiga ka galay marka laga hadlayo wax qabad iyo horumarna qofkasta maankiisa ku so dhacaya sida uu wadankiisa iyo dadkiisa horumarka la taaban karo u gaar siiyey Wuxuu Mahathir halhays u ahayd :-
( Dadka Muslimiintaa wey ducaystaan laakiin wexey hilmaamaan inaan xaalkooda Ilaahay bedelayn haddaaney iyagu is bedelin). Taas oo ku salaysan qawlka allah
”. ”????? ??????? ??? ????????? ??? ???????? ??????? ??????????? ??? ?????????????”
Marka waxaa loo baahan yahay in is badel lala yimaado si loo gaaro horumar wax ku ool ah una istaagtan in aad ugargaartaan Dadkiina iyo deegaankiina Kaalintiinana dhalinyarada khaatumaay aad dhexda u xirataan
Shardi ama waa jib maahan in aad wax weyn qabatid laakiin waa in aad wax qabataa habayaraatee,dhagaxu waxa uu ka yimid wax yar ama guruurux.
Marka walaalkayga khaatumaawiga ahoow
Hadii aadan istaagin Maanta Goorma ayaad is taagaysaa?
Hadii aadan Maanta u gargaarin dadkaaga iyo deegaankaaga goorma ayaad u Gargaaraysaa?
Hadii aadan Maanta ogaanin doorkaaga banaan Goorma ayaad Ogaanaysaa?
Hadii aadan Maanta Qiiroon Goorma ayaad Qiiroonaysaa?
Hadii aadan manta u tartamin danta guud goorma ayaad u tartamaysaan?
Ogow beero faluhu ama beeralaydu ma goosato ilaa waxa ay beerteen maahane cidkasta waxay helaysaa waxii ay horay falkoooda u geeysatay
Dhalinta khaatumaay idinkuna ha u fadhinina intaad fasheen ka badan.
Wabilaahi tawfiiq
W/D Maxamed Xuseen Maxamed (Lafoole)
Khartuum sudan mlafole@hotmail.com
Ardayda Jaamacada Nugaal Ayaa Tahniyad Aroos u diraya Arooska Mustafe Mahamed Duulane iyo Marwadiisa Ayaan Khaliif Omar

- Rufaaci Mohamud x.Khaliif
- Ilhaan Mohamud Ahmed
- Ilhaan Abdi Awke
- Anwar Mohamud x.Khalif
- Amal A/rashiid Esmail
- Amina A/raxman sulaiman
- Amina Sulaiman Mohamud
- Fatxiya Mohamed Jama
- Fadumo Ali Nuur
- Azizah A/lahi Omar
- A/wasic Mohamed Ahmed
- A/risaaq Hassan A/dalle
- A/rahmaan Jaamac Sahal
- A/xafid Haybe Mohamuud
- Abdifatah A/lahi Awil
- Awil x. Ise Ali
- Ashaluul Omar Jama
- Mohamud A/rahman Calawaash
- Mohamed Mohamud x. Hassan
- Fahdi A/rahman Calawaash
- Hamdi Nucaale Nuux
- Faadumo Jama Hassan
- Shaafic Abdi Sulaiman
- Zainab A/lahi Omar
- Roda Yaasiin Ali
- Sowda A/lahi Sulaiman
- Layla A/lahi Ducale
- Adan Mohamed Calas
- Hussien Haruun Salaad
Maqaal: Jaaliyadda USP yaan lagu Fududaan Aaminaada Mudane Xasan Culusow.
Inta badan guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxay ka siman yihiin arin caan ah oo dunida lafteedu ay ku ogtahay, arintaas ayaa ah caadifad kooban oo laga yaabo qofku wax uu Aaminsanaa ama diidana inuu si fudud uga qanco asagoon ka sal gaadhin. Waxaa arintan la xasuustaa inbadan marka khilaaf siyaasadeed ka dhaco Soomaalida siiba dawladda iyo mas’uuliyiinta dhexdooda, waxaa dhacda marka la dhex dhexaadiyo ooba ay u badan tahay in u kala dab qaadkooda ay dadyowkale oo aan Soomaali ahaayn Garwadeen ka ahaayeen inta la tumo heesta Soomaaliyey toos oo si jibbo ah shafka la isugu dhufto in halkaas la iska raaco , ayadoon mililkii iyo jiridii maartu jiiftay aan si dhab ah loo daaweyn.
Waxaana arintaas ka dhasha in xanuunkaasi uu sameeyo rogaalcelis hawshiina halkii markii hore ay taagnayd meel ka daran ay istaagto. Taasoo noqoto in daawadeeda ama in markale laga Bogsaddo ay noqoto arin wakhti iyo waayo badan qaadata inta badana ku danbaysa Caal waa.!!
Salfudaydka ii Muuqda ee USP?
Hadaba marka loo soo laabto kulankii Ingiriiska ku dhexmaray jaaliyadaha USP, ee Khaatumo State, Awdal State & Maakhir State iyo madaxweyne mudane Xasan Maxamuud Culusow wuxuu aha mid wanaagsan oo in dad Soomaaliyeed iyo madaxweynahoodu wada hadlaan wax diidayaa ma jiraan, mana aha arin in la mahadiyo mooyaane laga murmi karaa. Waxaase biyo kama dhibcaan ah in arintani aysan geli karin Caadifad, maxaa yeelay qadiyada meesha taalaa ee shacabkan aqoonyahanada ah ee matala goboladaas iyo Madxaweynuhu ka wada hadlayaan waa arin aan sahlaynayn dheel dheel iyo dig digtoonana aan looga biyo keeni karin, waxaana meeshaba yaala laba qodob oo ay kala xanbaarsan yihiin kuna kala duwan yihiin.
1: Madaxweyne Soomaaliyeed oo ku Eedeysan inuu galay heshiis qaran dumis ah oo aan waafaqsanayn dastuurka dalka u degsan, isla markaana la galay Koox beleed gooni goosad ah.
2: Mas’uuliyiin matalaya dad iyo beelo magacoodii la qaatay oo wadaniyiin ah una taagan midnimada, wadajirka, qaranimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya ilaalinteeda oo ah shaqadii Madaxweynaha loo igmaday oo ay ayagu hayaan. Labaad cidhif ayaa kala ah kuwa la kala cugsan yahay marka horeba.
Maxaa haboonaa?
Waxaa qumaynayd in arintu ay intan ka balaadhnaato, waxaa xaqiiq ah in sida ku cad heshiiskii April 13keedii ee Ankara Turkey, uu ahaa mid khiyaano qaran ah oo danbi laga galay Midnimada, madax banaanida iyo shuhadadii Daraawiisheed iyo kuwii kale ee u soo halgmay sharafta iyo midnimada dalkan , kaasoo meel ka dhac ku ah xuquuqda xuduudeed, xadeed iyo xayndaabka Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay meelkasta ku astaysan tahay dhulkeeda iyo cirifyadoodu iyo Midnimadeedu inay tahay lama ruxaan biyo kama dhibcaan ah.
Sida sawirkan ka muuqata heshiiskan waxaa loo galay sidii laba dal oo kala madax banaan, kaagasii darane waxaa jirey qoraal la kala saxeexday oo heshiis ah, sidaas daraadeed USP madaxweynaha lama aysan gelin heshiis cadaan ah oo qoraal xalaaleed ah oo ku tusmaysan ilaalinta qaranimada, Midnimada iyo madax banaanida , wax ku jabnaana maba jirin hadii beel laba jeer ay ka badan yihiin USP ay ka saxeexdeen madaxweyne Xasan heshiis in USP oo ka saameyn badan, ka wadanisan, ka dhul badan, Soomaalinimo jecel ay ku xujeyn lahaayeen madaxweynoow dhawaaqna meel dheer buu tagaa dhagaxna meel dhow ee na tusoo na taabsii noo saxeex warqad ay ku cadahay waxaan dhawrayaa Midnimada , jiritaanka, xuduudaha iyo xadka beel danbena heshiis la geli maayo, masiirka iyo wada hadalada ku saabsan Waqooyiga Soomaaliyana waxaa loo wada ahaanayaa xaadir iyo waadixi xalala iftiin baa la qashaa ah.
Waxaa muuqata in arintaasay ay dhaaftay ayna ahayd qodobo haboonaa, waxaa kaloo taaas ka sii daran in hadalo dejin iyo is xabiibsi deg deg ah uu ka soo baxay halyeeyadii USP ee khalkhalka geliyey Madaxweynaha kuna muujiyey codkooda wadooyinka London iyo afaafka aqalkii shirku ka soconayey, balse waxaad moodaa inay u weecdeen oo ay aamineen madaxweynaha ayagoo sida ku cad Videogan ku tirtirsiinaya dadka isdajin iyo ka wardhawrid Madaxweyne Xasan Culusow. Madaxweynuhu waa sideed bilood jira, wuxuuna ku talaabsaday arin khatar ku ah midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, waxaadna moodaa in haadaan uu ka Laadlaadey ay xadhig ugu tuureen, taasina waxay ahayd deg deg kale oo saameyn ku leh masiirka danbe Soomaaliya.
Madaxweynuhu mar uu u jawaabayey Gabadh reer Khaatumo ah oo su’aalo weydiisay wuxuu sheegay in marka ay timaado dad ka cararaya Midnimada iyo kuwa u soo cararaya tixgelinta la siinayo kuwa tabanaya waloow hadalkiisaasi uu ahaa mid uu deegaan ahaan iyo qadiyan ahaanba runta ugu sheegay kooxda gooni goosadka ee Hargaysa, hadana markastaba waxaa hadalkiisa shishe ee diblumaasiyadeed laga dhadhansanayey sida uu carrabka ugu dhejinayo in waxii wax diidan ee mucaarada la siinayo tixgelin, asagoo VIDEOgan madaxweynuhu aad u liiliijinaya kooxdaas sifeynaya.
Sidaas daraadeed ayeysan USP xubnahoodii Xasan arkay aysan ugu fiicnayn inay ka debcaan tiigsigooda ilaalinta Cadalaada, midnimada iyo in beel tiro ahaan iyo deegaan ahaanba ka yari aysan hogaan u qaban. Waxaa quman oo aad u haboon in markasta oo madaxweyne Xasan lala kulmayo aan meesha laga saarin dhitooyinkan halkan ka buuxa asagoo markan HALKAN ku sheegaya inuu hub siinayo SNM. Lana weydiiyo waxa uu ku burinayo hadaladan taariikhda galay ee uu meelkasta horey uga sheegay.Waxaa sidoo kale xusid mudan in USP aysan madaxweynaha ku cadaajin cadeynta midhaha ku jira heshiiskan iyo qodobadan todobada ah ee badankoodu ka dhanka yihiin Midnimada, dawladnimada iyo dadka reer Waqooyi ee midnimo doonka ah Aqlabiyadoodu. Waxaa kaloo isweydiin mudan hadii heshiisku ahaa mid xalaal ah oo aan qaranimada waxba yeelayn maxaa loo diidey in Barlamaanku dhagaysto lacagtana loogu bixiyey in la is hortaago markuu keenay Xildhibaan Ali Khaliif,waxaa kale oo su’aal saaran tahay hadii qodobka 7aad dhigayo heshiiska waxii waxyeela ha la iska dhawro, barlamaanku heshiiska ma qayb ayey ka ahaayeen,? waxaana cadaan ah in qodobkaasi uusan khusayn golaha shacabka maadama aysan meel marin heshiiskaas ayagu, waxaana taas oo sida loo fahmey ah inaan warbaahinta waxba la isku marin ay khusaynaysaa xukuumada iyo golaha fulinta.Heshiiskastana haduusan ahayn mid Barlamaanku ansixiyey ma saameynayo golaha sharci dejinta, ilaa ay qaraar cod aqlabiyad ah horey ugu ogolaadeen dhamaan qodobadii markla la horkeeno.
Xaqiiqduna waxaa weeyaan in aan la hayn ilaa hada wax cad oo lagaga seexdo madaxweynaha inuu fulinayo hadaladiisii London oo u egkaa dejin iyo Diblumaasiyad uu kaga siibanayo wakhtigan adag ee soo foodsaaray, asagoo noqday madaxweynihii u horeeyey ee sadex safar oo uu isku xigta oo reer Galbeedka ah lagu mudaharaaday, si adagna looga horyimid siyaasadiisa guracan, ayadoo aadna loogu Eedeynayo arimo qabyalad, dastuurka oo uusan dhaqangelin taa bedelkeediina qodobo ka saaray iyo federaalisamka oo uu aad uga roorayo.Ugu danbeyntii waxaan dhihi lahaa shacabka reer USP , kuwa kale ee midnimada jacel inaysan joojin cadaadinta iyo Eryashada madaxweynaha dhulka uu ku imaanayo booqashooyinka, waa in la sii adkeeyaa hadalkii Axmed Cawed Cashar ee ahaa waa inay xildhibaanada barlamaanakl ee midnimo doonka ah Xamar ka baxaan, hadii dhaqankan la bedeli waayo asagoo Qudbadan ku cadeeyey sida loogu tumanayo shuruucda dalka.
Waxayna taladu noqonaysaa waranka yeynaan qalooxin qaabkii ugu wanaagsanaa ayeynu u haynaa, mana jirto wax cudur daar dhab ah oo ficil ah oo Madaxweyne Xasan iyo xukuumadiisu weli ay ku bogsiiyeen boogaha ay damqeen, iyo dhaawaca ay gaadhsiiyeen Midnimada iyo beelaha midnimo doonka ah ee USP.
Suleiman Xaashi Dheere.
Xaashidheere1@yahoo.com
Nairobi, Kenya.
Maqaal: Dhiidhiga Weriyayaasha Khaatumo iyo dhiig la’aanta jaaliyadaha.
Tanyo halgankii hubaysnaa ee ka jiray Gobolada Khaatumo Waxaa jiray dad Badan oo lafdhabar u ahaa ama hormuud u ahaa horu Marinta Iyo dhiirigalinta shacabka Khaatumo Waxaana Laga Xusikaraa oo Kow ka ah warbaahinta Khaatumo,oo ay ka mid yihiin , idaacado,Wabsetyo Iyo waliba mida Maqal iyo muuqaalka ah, oo ay shakhsiyaad dhalinyaro ah oo fir fircooni iyo aqoonleh ay iskood u hawlgeliyeen una maalgeliyeen.
kuwaas Oo dhacdooyinka iyo Wararka halganka Si wanaagsan uga Qayb qaatay islamrkaan kana midaysan Horumarinta Gobolada SSC,warbaahintaas aan Soo xusay intoodabadan waxaa gacanta Ku haya Ama Ka hawl Gala rag dhalinyaro ah Oo da,doodu aad u yartahay Kuwaas oo aan wax dhaqaale Ah kasoogalin ama ayjirin cid ku gacan qabata hawsha Wanaagsan Ee ay u hayaan shacabkooda Mutadawacnimada ah iyagoo Mararka Qaarkood dhibaatooyin kala Kulma ay kamid yihiin Aflagaado,Jirdil Iyo Qudhgooyo la kulma.
Waxaa kaloo xaqiiq ah in xataa aysan jirin tabarucaad ay gaadhsiiyeen wariyayaasha naftooda waayey ehelkoodii, kuwa xadhiga , iyo musaafuriska uga soo baxsaday dalkoodii oo ku sugan magaalooyin ay Nairobi ka mid tahay oo xataa ay ku aasaaseen urur ay lee yihiin{KHAJA}.
Nin aan la xidhiidhay oo ka mid ah weriyayaasha halgamayaasha ah, ayaan wacay wakhti ay geeska Afrika u ahayd 3:dii habeenimo, wuxuu ii sheegay inuu qorayey maqaal jawaab u ah mid ku soo baxay webebka beesha Isaaq , wakhtigisiii nasniino, kiisii shaqo iyo kiisii kale ee uu wax u gaar ah ku qabsan lahaa wuxuu u huray dadkiisa.
Tusaale Hadaan usoo Qaato Ilmaha marka uu socod barad yahay hadaan gacanta Laqaban Oo Aan la saacidayn Waxaa Xaqiiq ah inuu meelna uu gaadhayn,Warbaahinta waa Awooda labaad ee aduunka Sida Ay sheegtay QM,Inaga Oo usoo qaadanayna sida warbaahinta hormuudka uga ahayd dagaalkii kadhacay dalka Rwanda oo hormuud ay ka ahayd warbaahintu kuna guulaysatay inay gasho meelkasta oo ay kooxihii jabhada ahaa ay galayeen.
Warbaahinta waxay fududeysaa mida maqalka iyo mida Internetka laga dheedoba inay warka ay helaan dadka wax akhrista,Waayo waxaa ladhahay “‘War la helyaaba Talo hel’dhalinyaradaas waxay kaqayb qaateen si mug wayn Soo gudbinta marxaladihii kala gadisnaa ee Deeganada SSC ay soomareen,Sida halgankii SSC Iyo Shirkii Khaatumo1 Iyo Khaatumo2 Ayna ksoo Gudbinayeen muuqaalo Qurxoon Oo qancinayay Jaaliyada Khaatumo.
Hadaba Waxaa moodaa Jaaliyadaha kaligadisan Ee Khaatumo Inay Ka gaabiyeen doorka ay ku leeyihiin Warbaahinta Iyo taakulaynta,Halka jaaliyada Meeleeshiyaadka SNM ay u taakuleeyaan Warbaahintooda Isla markaan ay Webseedada ku hadla afka SNM ay qaarkood Accounts leeyihiin halka kuwa khaatumo aanay cidana Odhan waa Mahadsan tahay Marka ay soo tabiyaan Wararka Xaqiiqda ah Ee ka jira Deegnada Khaatumo Iskaba Dhaaf waxay jaaliyadaha Ama gacansatada Khaatumo ay taraan ama ku caawiyaan.
Tasliidaadka qalabka Waa waxa Lafdhabarta u ah warbaahinta Laakiin Dhaliyarada dadaalka Badan waxay ku shaqaynayaan Mid lagu tilmaamikaro ”Cidna Uma maqna ceelna Uma Qodna”Waxa Kaliya Ay dhowrayaan islamrkaan ay dhabarka uriteen sidii ay dadkooda wax ugu qaban lahaayeen, iyagoo ku shaqaynaya Ninba tamartii ninba taagtii. Waxaa kaloo xaqiiq ah in weli dadka nadiifta ah ee aan la iibsan ay weriyaayaasheenu ka mid yihiin, kuwaadoo halganka kaga jirey baalka dahabka ah, waxaana anigu aan aqoonsanahay oo keliya madalaashaya hormuudka u ah webebka afafka dhaadheer iyo idaacadaha telefoonaadka , baraha youtubke iyo weliba waxrbixinada fog ee qaadadhigan ee macluumaadka huwan noo soo gudbiya goorkasta iyo goobkastaba.
Talaabadee Lagudboon hadaba jaaliyahada Ama ganacsatada Khaatumo?
Jawaab waxaan u deynayaa akhristayaasha gaar ahaan jaaliyadaha dayacay dedaalayaashooda ee dunida jooga.
W/Q: Jaamac Abdullaahi Noor.
Allaa mahadleh.
Maqaal:-Taariikhda ummadda yaan laga been sheegin
Taariikhkasta oo dal iyo dad leeyahay waa shay aad iyo aad qaali u ah xiligii ay dhacday ilaa xiliga hadba lajoogo waa midaan la qarin Karin ujeedkasta halaga lahaadee haddii cidi isku daydo in ay boorka ku duugto cidkalaa Alle u baxshaa oo boorka ka jafta.
Haddaba waxaan rabaa in aan yara iftiimiyo taariikh ay ummadda soomaaliyeed guud ahaan leedahay gaar ahaan Gobollada Waqooyi ee soomaliya taas oo ah maalintii ay xoroobeen Goboladda Waqooyiga soomaliya 26-ka June laakiin ay isku dayayaan koox yar oo waqooyiga dega in ay muran iyo mugdi galiyaan taariikhdaas kuna badelaan gacan ku samays.
26-ka June waa maalin qiimo weyn ugu fadhida ummadda Soomaaliyeed, waa maalintii ay ummadda Soomaaliyeed dhadhamiyeen macaanka xornimada, waa maalintii lagu dhawaaqay Magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ah waddan madax bannaan,waa maalintii heeryadii 1887dii ingiriisku saaray ummadda soomaaliyeed ay iska rideen , waa markii ugu horeeysay oo si xornimo leh gobanimo dhab ah, karaamo ummadeed iyo sharaf uu calankeena Cawaalle ka dul babaday dhulkii waqooyiga taasoo micnaheed yahay hanasho xoriyad iyo dhadhaminta macaanka miraha xoriyadda oo ku baxay dhiigii iyo
maalkii somaalidii xalaasha aheyd oo eey horseedka kaahaayeen geesiyaashii xoogagii daraawiishta Somaaliyeed halyeey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan hogaaminayey oo aqlabiyadoodu ka soo jeedeen ama u dhasheen degaamada Maamul Gololeedka Khaaatumo hooyga xoriyada iyo karaamadda.
Xoriyaddu maahan sheeko iyo sheey la dhayalsankaro,Xoriyadda ama madax banaanida waa sheey muhiim ah laguna tilmaamo dhalashada ummadeed, hanashadda maqaamkooda jiritaaneed,iyo qaranimadooda oo loo soo maray halgan kharaar oo naf iyo maalba loo soo huray,geesiyaal halyeeyo ah god u galeen,qaarkalena kalakulmeen dhaawacyo iyo dhibaatooyin xad dhaaf ahaa kuwo ku muteen masaafuris iyo ka dheereenta dalkooda,dadkooda
iyo qoysaskoodaba, halka kuwo kale oo badana kala kulmeen dhacida
hantidooda qaaliga aheyd waxaas oo dhanwaxaa ka qaalisan hanashadda dhalinta xoriyadda qaaliga ah guud ahaanba geyigan somaaliyeed u iftiintay 26
kii Jun 1960-kii.
Akhristoow waxaa xusid muddan in xoriyadii aynu ku naaloonay 26_kii June manta ay dad isku dayayaan in ay ku badelaan maalin aan la garanayn cida xoriyadada qaadatay iyo cida ay ka qaateen oo guumaysatay (18 may) balse aan ku tilmaami karno maalin qabiil asteeysteen.
qayb yar oo ka tirsan waqooyiga soomaaliyana dadkii lagu mashquuliyey maalin xornimo in la qaatay lagu tilmaamay meel ay taariikhda ummada soomaaliyeed iyo tan caalamkana kaga qoran tahayna ay san jirin.
Waxaa arin lalayaabo ah xiligaagan ummaduhu beegsadeen horumarka caalamkiina laga dhigay qaryo yar oo aan waxba isku seeganayn in ummad dhan laga dhaadhiciyo ilmuhu labo jeer buu dhashaa oo loo durbaan dutumo taas oo aan uga jeedo in qayb ka mid ah dadka waqooyiga soomaaliya degan la yiri xornimo waxaad qaadateen 26-kii june mar labaadna waxaad dhalateen oo xoriyad qaadateen 18 may nin adduunjoogoow maxaa aragti kuu laaban.
Haddaba dadka laga dhaadhiciyey 18 may in ay tahay maalin qaran oo la marin habaabiyey waxaan u sheegaynaa in ay san gobolada waqooyi ee soomaliya laba jeer ay san xornimo qaadan maalmaha qaranna ay san ka mid ahayn taariikhdaas gacan ku samayska ah balse waxaan leenahay haddii 18 may tahay maalintii la asaasay maamul goboleedka Somaliland oo ay lamid tahay 16 Janaayo ee M Goboleedka Khaatumo, 14 Ogosto ee M Goboleedka Galmudug, 1 Ogosto ee M Goboleedka Puntland iyo 15 May M Goboleedka da’ ada yar ee Jubbaland hanbalyo xuskiina maalinta 18 may dadka shacabkana sidaaas haloogu cadeeyo runtana haloogu sheego in waxa ay u dabaadagayaan ayasan ahayn maalin qaran ama maalin xoriyad la qaatay.
Waxaa arin laga xumaado ah in taariikh dhan oo ummadeed ay isku dayaan in ay daboolaan rag yar oo siyaasiyiin sheeganaya raadinayana manasab siyaasadeed in ay ku gaaraan danta shacabka ayagoo shacabka u balan qaadaya in ay u keeni doonaan oo wadadaan ku heli doonaan sadbursi iyo mudnaan dheeraad ah oo aysan soomaalida inteed kale haysan waar hooy ka joogo arinku waa sal balaaran yahay.
Gunaanud
Maalintaas qaran ee ay Gobolada waqooyi ee soo maliya xoriyadda qaateen maahan mid ciyaar ciyaar ku timid madaxa yo qoyanaa baa u qalalay darted, hooyo iyo aabe farabadan baa u gablamay si ay macaanka xornimada u dhadhanshaan, sifud hadii ay ku imaan lahayd sid fududna way ku tagi lahayd sidaa daraadeed ummadda soomaaliyeed meelkasto ay joogaan waxaan kula dardaar mayaa adkaynta midnimadda iyo malmahii ay naftooda u soo hureen,
FG: akhristoow maalintaa aan kor ku xusnay waxa inaga xiga muddo gaaban xiligaan qormadaan aan qorayomarka ballanteenu waa diyaargaroow balaaran,dabaaldeg farxadleh iyo damaashaad.
Wabilaahi tawfiiq.
Qalinkii: Maxamed Xuseen Lafoole
Khartuum sudan
Faalo:-kismaanyo oo noqotay xujadii xukunka .m, xasan sheekh
Dadka soomaaliyeed waxey isha kuwada hayaan sidey u maareyso kismaanyo df ee soomaaliya.
marka aad fiiriso hadalada ka sooyeedha madaxda dowlada ugu sareysa waxaad moodaa dad aan u bislaanin siyaasada iyo dad ey caadifad qabiili ah ku jirto,
xasan sheekh waxuu yiri.,
reer baladweynow madax doorta ,kismaanyana anaa u sameyn.,
r.wasaarahana waxuu yiri.,maamul masameysan karaan
w.a.gudahana waxuu yiri, waan weerareynaa kismaanyo
kismaanyo oo noqotay xujadii xukunka .m, xasan sheekh
Loolanka Siyaasadeed ee ka taagan DF ee Soomaaliya ee uu Hogaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Maamul Gobaleedka Cusub ee Jubbaland State ee Madaxwaynaha loo doorey 15 May Axmed Maxamed Islaan ayaa Dhiblomaasiyiintu reer Galbeed ku fasireen inuu yahay Xujadda hortaagan Madaxwaynaha Soomaaliya.
Dalalka Reer Galbeedka ayaa isha ku haya Sida Madaxwaynaha DF ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u xalin doono Kismaayo Iyadoo ku tilmaamay “ Diplomacy Test” Tijaabo Siyaasadeed.
J Peter Pham oo ka tirsan “Atlantic Council” oo ah Xarun qaabilsan sarre u qaadida Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay in Kismayo tahay meesha Madaxwaynaha Soomaaliya lagu eegi doono sida uu u xaliyo.
Hoosta waxaa laga xariiqay in Qabiiladda Soomaalida ee Deggan Kismaayo Iyo Gobaladda Jubooyinka aysan doonaynin Dagaal sokeeye balse ay jiraan calaamaddu muujinaya faragalin Dowladda ka imanaysa oo Dagaal lagu abuurayo.
riwaayad@live.se
Maqaal: Maxaad kala socotaa Xasan Shaikh iyo Isbahaaysigiisa Kismaayo?.
Waxaan la moogayn, oo ummadda Soomaaliyeed inteeda samaha ka talisaa ka markhaati kaceeb , in reer Jubba land state tashteen, oo u dhaqaaqeen nabadayn iyo horu kac. Laakiin,
Madaxweyne Xassan sheekh iyo Saaxiibkiis Saacid Abdi Faarax ayaa iyaga oo adeegsanaya lacagtii loo soo baaheeyey dalka Soomaaliya, gebi ahaanba u guntadey sidii ay dagaal lagu hoobto uga ridi lahaayeen degaanka Jubbooyinka iyo Gedo.
Soo ambabixintii Barre Hiiraale ee loo soo direy Kismaayo, isku xirka Barre iyo dadka la baxay giir giirta (Gaal jecel, Coora ma leh, doqondiide) iyo soo diridda doonyaha hubka iyo lacagta xanbaarsan,ee lagu soo simayo gacmaha Giirgiirta iyo Barre Hiiraale, waxay ka marag tahay in dawladda Xasan skeekh ku amarkutaagleeyo ay rabto sidii looga holcin lahaa dagaal faraha looga gubto.
col.Barre Hiiraale, oo aan mutaysan wax aan ka ahayn in loo diyaariyo MAXKADDA DENBIYADA DAGAALKA IYO KU XAD GUDUBKA XUQUUQDA DADKA, ayaa laga soo walwaaley muqdisho si loo khalkhal geliyo Jubba land state.
Haddii Madaxweyne Xasan sheekh iyo ra’iisal wasaare Saacid go’aankoodii ugu danbeeyey noqday in ay Jubba land ula soo saftaan Alshabaab, dabadeed Dawladda Soomaaliya waa Alshabaab, waana in arrinkaas la caddeeyo, dib danbena aan laysu huursan.
afar iyo labaatankii saac ee ugu danbeeyey, waxaa guriga Barre Hiiraale lagu xareeyey ilaa 120 qori oo hadda la soo iibiyey, wuxuu Col. Barre isku halleynayaa, hub ay haysteen kuwo sheegtay askarta dawladda oo qabiilkiisa Mareexaan Mudug ah isagana taabacsan, oo heshiis dhexmarey ururka Alshabaab iyo ciidamadaas isaga daacadda u ahaa ee dhinaca gedo ka soo galey Kismaayo.
Barre Hiiraale, oo markii dekadda lagu qabtay, ku dhawaaqey “waxaan ahay oday Soomaaliyeed, mana wado wax xumaan ah, waxaan u imid guri aan ku leeyahay Kismaayo”!
ayaa bilaabay, inuu qabqableeyo, quranna huriyo, kana bilaabo shirar hoosaad uu la yeeshay beelaha Giirgiirta loo yaqaan, ee lagu soo dejiyey carro waamo heshiiskii Hartiga iyo Absame sanadii 1950kii.
Sida hawsha dagaalka Kismaayo looga falkinayo Xamar, iyo weliba waqtiyeynta dagaalkan, ayaa ku muddaysan laba asbuuc doorashada ka dib.
Saansaankeeda oo laga dareemayo Kismaayo ilaa iyo xad, ayaa iyana ah daliil loogu dawgeli doono madaxweyne Xasan skeekh iyo saacid, loona gudbin doono magacyadooda oo wata daliil aan la beenin karin maxkamadda denbiyada dagaallada ee Hegh, kuna taalla dalkaasi denmark.
Arrinta ugu muhiimsan ee hadda la saadaalinayo waa, haddii dagaalka bilaabmo Kismaayo, Madaxweyne Xasan sheekh iyo Saacidba waa inay u diyaar garoobaan maxkamadda denbiyada dagaalka ee caalamka, Barrena awelba waa u diyaarsanaa.
Waxaan ku soo gebgebaynaynaa maqaalkeenna, in haddii dagaalka Xamar lag soo abaabulayo ee ku saleesan issir naceebka ka bilaabmo Kismaayo, maca kuwa dawllda federalka madaxda ka ah, halka ay joogaan laga jeebbayn doono, mana aha gooddin iyo faan ee way dhicidoontaa insha allah.
Daahir. M. Ali
Muqdisho -Mooshin Mamnuucan, Madax Macaawino miskiin Muudsata & Mudaharaad Maleegid !!W/Q Idiris A. Dooxa-joog
Dawladda Ay aqoonsiga siiyeen Reer Galbeedka dunnida ku aram ku taagleeya ee ay ugu yeereen waa dawlad Soomaaliyeed bal taasu ay xaqiiqda ka fog tahay maddaama dawladda Villa Soomaaliya fadhigeeddu yahay ay ku dhisan tahay qabyaalad ,qabyaalad ku dhisnaanshaheeddu waxa uu meesha ka saarayaa in ay ahaato dawlad danta dalka Soomaaliya qabata , qeexiddeeduna tahay magac u yaal madax maal doon ahi ay macaawinadda miskiinka madluunsan ee Soomaaliyeed mohoobiyidiisa u miciyo listaan oo muudsadaan .
Dawladdaas qabyaaladdeed ee Soomaaliya ayaa soo jirtay 13-sanno , muddadaas waxay noqotay mid dhibaatadda horay usii qaada, madaxdeeduna ay Maalka macaawinadda ah ee masaakiinta la siiyo ay musuqmaasuq ku qaataan, Kolka lagu eeddeeyona ma arag isla soo mutuxaan .
- Mooshin Mamnuucan
- Madax Macaawino miskiin Muudsata
- Mudaharaad Maleegid
- Dhamayn.
Mooshin Mamnuucan.
Gollihi Xeer dajinta iyo la xisaabtanka Xukuumadda ayaa iyagu noqday kuwo xaniban ka dib marki Madaxda sarsare ee dawlad qabyaaladdeedka Soomaaliya ay Amisom ku amreen in aan baarlamaanku kulmi karin , Askariga Amisom oo xoogaadiisa qaaday ayaa Madaxda xoollaha masaakiinta xadaysaa ugu yeereen in Xeer Dajintu xaniban tahay, kii ka mid ah ( Gollaha xeer-dajinta) ee is macangagiyana xabisid yahay .
Dhowaan ayay ahayd kolki La hor istaagay Xildhibaano la xisaabtan xukuumaddeed waday .. Haddaba Aqriye Mooshinkaan mamnuucan horay ayaynu usoo aragnay oo Madaxdi hore ee dawladi KMG ahayd waa tii Shariif Xassan iyo saaxiibaddiis Shariif iyo Gaas uu Musaveni siiyay sanad uu baarlamaanku xaniban yahay … Halkaas oo ay maalki masaakiinta la xisaabtan la’aan iska gurteen .. Kuwaas hore waanba garanay ee Qolyahaan yaa siiyey Mooshinkan mamnuucan iyo Golle Baarlamaan la xisaabtan la’aanta?
Kolkaas kuwi hore sanad ayayba haysteen ay xoollo ku xadaan ee kuwaanu , Xassan , Saacid iyo Jawaari Afar Sanno oo xatooyo xoollo miskiin oo xisaabna aysan jirin ayay haystaan weeye macnuhu saw ma ahan ?
Baarlamaanku maxuu u jirraa haddii uusan qabanayn howshiisa dastuuriga ah ee sheegaysa in Xeer dajintu la xisaabtamaan xukuumadda , Taasu waxay caddaynaysaa in aan meesha dawlad rajjo laga sugaa jirin ee ay tahay maaweelin iyo hoosaasin dadka Soomaaliyeed.
Madax Macaawino miskiin Muudsata.
Waxaa mid sheegan ah in Madaxda dawlad qabyaaladdeedka Soomaaliya ay Musuqmaasuqaan Macaawinadda Gaalladdu u keentay Miskiinka Soomaaliyeed ee macaluulsan .. Kuwi kuwaan ka horeeyey ayaa qolyaha masaakiinta wax siiya ee Reer Galbeed ku soo eedeeyeen in ay xaddeen xoollihi loogu talagay howlaha dawladda iyo kuwi gurmadka dadka gabawaran loo keenay ahaa , Saacid iyo Saaxiibkiis Xassan iyagu iyaga oo aan ahayn Madax dawlad Soomaaliyeed ayay ahaayeen Kuwo mashaariic miskiin lagu magacaabo ku maalaystay , Haatan oo ay madax yihiin maxaad ka malayn.?. waa mahoobinayaan.
Maalkaas macaawinaddaa waxaa loogu talagay dad gaajaysan oo tabar yarta dadka ah , qofka in lagu quudiyo loo keenay isagu waa mid qarqaryo, Qorax iyo qatooyo meel ugu qalawaajsan , halka Xassan Culusoow iyo Saacidna ay Kurus geel iyo kafee ku kifaaxayaan .
Sababtu waa, madaxdaasu waa kuwo aan damiir , dadnimo iyo damqasho bini’aadam lagu ogayn .. waa kuwo qalbigooddu qalalay oo qabyaaladdu qurunsatay , Waa munaafaqiin , Beenloowiin , laba-wajiilayaal aan wacad iyo war run ah midna loogu imaan .
Mudaharaad Maleegid.
Madaxdaas tuugta ah ee maalka miskiinka ee macaawinadda ah dhacaysaa waa kuwa dad qabyaaladdu muqfiradda tirtay soo kiciyey oo yiri boorar qaata oo ku mudaharaadda Xildhibaanadda la xisaabtanka rabba .. Waa iyaga dadkaas lagu soo beer-laxoowsaday isku qollo ayaynu nahay ee qabyaaladda u qiiraysani , tabeebayaal ku soo xardhay .. “Mooshin wadde iyo Miino aasse Isku mid waaye Noooh !!”.
Waa dad qabyaaladdeed dhimirka la’ , bal xagee lagu arkay shacab leh xukuumadda lalama xisaabtami karo ..taas macnaheeddu waa isku koox odayeed ayaan nahay ee hayska xaddo macaawinadda miskiina madluunsan.
Saw anniga is leh ma ahbalnimadda qabyaaladdu gayaysiiyey dadkaas ayay sidaas u yeelayaan oo Xassan iyo Saacid ayaa soo kiciyey oo mudaharaadkooddu waa xigto-kiilid oo waxa mudaharaaddaayaa waa dad qaraabo la ah madaxda , mise waa dad maalin joogga loo qaybiyey qaybtood oo xarunta gobolka ayaa laga soo maleegay mudaharaadka ?
Dhamayn.
Haddii aan baarlamaanku fariisanayn oo uusan xukuumadda la xisaabtamayn haddee waa in la kala diro ?Mise magac u yaal ayay ahaan ? Madaxda dawladda maalka hayska xadeen weeye macnuhu cid ka waabisana ma jirayso ? .
Cajaban ! Bal dadkaan la soo akeekamaaya dawlad ayaa Soomaaliya leedahay ma kuwo waalan-baa mise dabaalnimo ayaa u leh ? War dadkuba dawlad ma yaqaaniin oo qabyaalad iyo Reer Guuraanimo dareen ku qaabaysan ayay la nool yihiin ? kama damqaddaan dhibka haysta iyo sharaf dhaca aduunyadda ay kaga nool yihiin , Intoodda badanina waxayba ku leeyihiin Soomaaliddu waa dad sharfoon , saw innaga maraykanka Muqdisho dhowr iyo tobanka qof kaga dilay .. Bal maangaabnimaddiisa fiiri .
Soomaaliya waxay ku socotaa dal dariska loo qaybiyo …!!
W/Q Idiris A .Dooxa-joog
E-Mail: Dooxajoog5@gmail.com
Facebook: Halkaan Riix
Warbaahinta Khaatumo Oo Khayaali Ku Maaweelisa Shacabka Dhulbahante.
Xilliyadii warbaahinta casriga ahi ay ku soo bateen waddanka Soomaliya , dhamaadkii sagaashameeyaadka waxaa aad u hawlgalay idaacado iyo warbaahin loo adeegsanayo qalabka casriga ah ee Internetka, waxaana deegaanka Khaatumo aad looga hirgaliyey warfaafin ku hadasha afka shacabka.
Waxaana ka mid ahaa Idaacadii Laascaanood ka hawlgali jirtay , webeb ay ka mid ahaayeen radiolaascaanod.com, widhwidh.com, radiossc.net, oo markii danbe loo bixiyey jidbaale.com waxaana gadaal kaga soo biiray webeb iyaguna ay ka mid ahayeen horufadhi.com oo maanta ka mid ah kuwa deegaanka loogu akhriska badan yahay, waxaa iyaguna ku soo biiray, lasanod.com,ceegaag.com, allssc, kalshaale.com, afbakayle.com, daldoon.com iyo kuwo kale oo aad tiro badan oo maanta aanba la garankarin tiradoodu intay tahay, waxaana webebka cusub badankooda iyo kuwii horeba qaarkood isu badeleen kuwo aan shish lahayn , waxaadna dareemaysaa in wararka lagu soo bandhigaa u badan yihiin warar aan miisaan weyn lahayn una badan warar loo sameeyo cinwaano indhaha in ay soo jiitaan loogu talo galay.
Iyada oo aynu ognahay in warbaahinta tiradaas le’eg ay ku jiraan hawada qaarkoodna ay hadda ka maqan yihiin sida idaacadii Laascaanood ka hawl gali jirtay, iyo kuwo kale ayaa waxa inta xilligan hawada ku jirta oo ay ahayd in ay bulshadooda waddada saxda ah u qeexaan, wixii khatar ahna uga digaan , isla markaana dhaliilaha jira ee keeni kari in god lagu dhaco ay ka digaan, ayaa waxa ay u diga rogteen kuwo had iyo jeer buunbuuniya warar aan sidaasi u sii ridnayn, qariyana had iyo jeer dhaliilaha loobaahan yahay in ay bulshada u soo bandhigaan si khatarta ku soo wajahan bulshada looga hortago.
Had iyo jeerna waxay khaladaadkaas ugu dhacaan qof jeclaysi iyo iyagoo cid gooniya markaasi uga haybadeysanaya in ay soo bandhigaan wixii jira, iyaga oo ka baqay in hebel xanaaqo, ama beel heblaayo cabaado, halkaasna waxaa ku luma dantii guud ee ay lahayd bulshada Dhulbahante.
Dhaliilaha warbaahinta Dhulbahante waxaa ka mid ah in ay qof cirkaas mariyaan, kuna sheegaan mujaahid iyo halyey , muddo ka dibna kii halyeyga lagu sheegayey uu u galo ama uu soo hogaamiyo kuwii cadowga ahaa, oo uu noqdo horgal, warbaahintiina uu ku soo baxo iyada oo loogu yeedho horgal hebel.
Dhaliishiisa oo ay ogaayeen ayey qariyeen, wuxuu ahaa nin aan u qalmin xilkan, gayina in uu umad hoggaamiyo, haddii ay markii ugu horaysay mawqif cad iska taagi lahaayeen bulshadana u cadayn lahaayeen ugu yaraan dhaliilaha uu leeyahay, waxaa dhici lahayd in ay noqon lahayeen dad afeef sii dhigtay oo ay ku doodi lahaa in ay hore uga digeen, dareena u lahaayeen dhibta u qofkaasi soo waday, maanta haddaan halkan ku soo bandhigno inta dhaliil ay warbaahinta Khaatumo leedahay waxaan u malaynayaa in aynaan ka geyoonayn, waxaanse filayaa in aad kawada dharagsan tihiin.
Saxaafadda iyo warbaahintu bulshooyinka horumaray waa awooda afraad, saaxiib joogta ahna malaha ee dhibaatadu halkay ka jirto ayey dhaliilaan, waana tooshka had iyo jeer Tuugga lagu ifiyo marka uu doono in uu gacan tugaaleeyo danta guud ee bulshada, haddiise ay saxaafaddu noqoto (Siidhi) ama Hoon iyo Durbaan hadba qofkii dan lihi adeegsado miisaankii iyo qiimihii ay lahayd way lumaysaa.
Waxaad arkaysaa saxaafadda iyo warbaahinta gaar ahaan u badan tan Internetka ee had iyo jeer ku hadasha afka Khaatumo ama Dhulbahante oo halkii laga rabay in ay khatarta ka digaan , oo ah in bulshada Khaatumo dhabta iyo xaqiiqada loo sheego, oo runta ka majara habaabinaya oo soo qoraya ama soo bandhigaya muuqaalo aan ummadda dal iyo dibad midna qancinayn , kuna mashquulay mucjisooyin iyo video islaan turun turootay oo duushay, iyo nin Libaax cunay, oo ah sheekooyinkii ayeeyooyinkeen inooga sheekayn jireen, xaaladda dhabta ah ee deegaanka jirtana laga jeesto, lana soo bandhigo had iyo jeer hebel oo hebel hadal ku dhirbaaxay, xataa asluubta Eray bixinta ayaa mid aan laga fiirsan marmarka qaarkood.
Dhibta haysta warbaahinta Khaatumo ayaa ah mid aanay la qabin warbaahinta kale ee deegaanada kale oo Soomaalida , waxaa loobaahnaa in ay laba arimood isku wadaan iyaga oo dalka difaacaya oo ay runtii ku mahadsan yihiin in ay haddana dhaliilaha toosinta ah ee ka jira deegaanka Khaatumo soo bandhigaan, si aan laysu dhigan, dadkuna ugu qaadan in waxwaliba sidii loogu talagalay u socdaan, had iyo jeerna ay ka dheeraadaan buunbuuninta aan dheef soo kordhinayn in ay dadka hoosaasiso moojaane, waxaadna moodaa in uu ka dhaxeeyo warbaahinta Dhulbahante iyo dadka qaarkood guur aan markhaatiyo lahayn, oo ay jacayl gaar ah u qabaan mas’uul gaar ah, hadhowna ay ka shaleeyaan oo ay dhacday.
Waxaan kula talin lahaa warbaahinta Khaatumo gaar ahaan webebka horufadhi uu ka mid yahay iyo kuwa kale ee la fikirka ahi in ay sidan waxka badelaan oo ay ummaddooda sida wax u jiraan ee aanay hoosaasintu ku jirin ugu soo bandhigaan, iyaga oo aan waxkastana banaanka keenayn haddana ay dadkooda waddada saxda ah u iftiimiyaan, inaga oo og in maanta adduunku noqday hal Tuulo oo isgaadhsiinta casriga ahi goob walba gaadhay, Khiyaali kasta oo la sheegana aanu shacabku rumaysanayn.
Jaamac Cusmaan Cali.
Maqaal: Xasan Culusow VS Axmed Madoobe.
Dadka odorosa siyaasadda Soomaaliya, waxay lixdii bilood ee u danbeesay isha ku hayeen arrimaha ismaamul goboleedka Jubba land state. Xasan sheekh Maxmuud oo ah madax weynaha federalka Soomaaliya, ayaa noqday carqabadda ugu weyn ee hortaagan in ismaamul goboleed u taliya shacuubta dib u dhacu ku yimid ee Jubba land state samaysmo, isla markaasna hor u kac iyo baraare u horseedo beelaha dega mandiqaddaas iyo dhammaanba ummada Soomaaliyeed.
Daahir Muhyidin Ali.
Maamulkii KHaatumo ee Buuhoodle oo burburay & reer Buuhoodle oo u kala baxsanaya maamulada Hareeraha,{Warbixin}.
Magaalada Buuhoodle ee xarunta G/Cayn waa magaalada labaad ee ugu weyn deeganada Khaatumo State, waa magaalada keliya ee ugu dadka badan uguna dhaqaalaha badan ee haatan maamulka Khaatumo iyo mas’uuliyiinteedu tegi karaan, sidoo kale waa deegaan lagu xasuusto sadexdii sano ee ugu danbeyey halgankii balaadhnaa ee ay la galeen maleeshiyaad dooxata ah ee duullaanka SNM, kaasoo ay ku jebiyeen dagaal culus oo mudo laba sano iyo badh ah ka soconayey Kalshaale iyo Sooljoogto.
Hada maalmihii u danbeeyey ayaa waxaa magaalada Buuhoodle ku soo badaneyey Raadadkii Laascaanood ku gacan gashay, kaasoo u bilowday qaab ka haatan Buuhoodle ka jira, waxaa magaalada Buuhoodle laga furay xafiisyo maamulka Faroole lee yahay oo ay Garwadeen ka yihiin xubno dantood u shaqaystayaal ah oo reer Buuhoodle ah, waxaa tvga ka soo muuqday ENg. Xandulle oo sheeganaya inuu wato xisbi lagu magacaabo Wadajir oo la sheegay in kooxo hoosgalo ah oo uu ka mid yahay Abdullaahi Spanish iyo Xandulle laftiisu u samaysteen qancinta Faroolle.
Waxaa kaloo magaalada ku sugnaa xubno kale oo uu horboodaya Ina Faarax Faruur o asaguna wasiir u ah Mr. Faroole, kaasoo aad loogu xasuusto inuu wakhtiyada adag noqdo usha loo adeegsado Tolkii. Sidoo kale waxaa warar horufadhi soo gaadhayaa sheegayaan inuu asaguna baxsaday Maayerkii degmada C/Casiis Ducaalle Qambi oo ahaa ninkii loo magacaabay inuu magaalada ka dhaqaajiyo maamulka.
Sidoo kale waxaa warbaahinta SNM la soo geliyey sawiro muujinaya dhalinyaro aad u yar yar oo la sheegay inay Buuhoodle ka baxsadeen, kuwaasoo sheegtay inay yihiin bahdii Isboortiga ee G/Cayn.
Magaalada Buuhoodle ayaa guud ahaan mooda in ay ka dilaacday kala orod iyo tartan loogu jiro horgalnimo cusub, taasoo sahlaysa in guud ahaan xubnahan kala duduwan ee ilaa dhalintii magaaladu ku jiraan inay markeey dib u soo noqdaan faafiyaan cudurka lagaga soo durro Hargaysa, kaasoo fududeyn doonaa in ayadoon dhiig ku daadin Buuhoodle la qabsado, isla markaana la khasaareeyo dhiigii Shuhadadii u dhintay difaaca Buhoodle.
Xog cusub.
Warar durbaba laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mas’uuliyiin sar sare oo ku jira maamulka Khaatumo kana soojeeda Buuhoodle ayaguna qorsheynayaan inay baxsadaan maalmahan soo socda, mas’uuliyiintan oo aanan magacyadooda weli helin ayaa la sheegayaa inuu xidhiidh u socdo maamulka gacan ku dhiigle Siilaanyo ee Hargaysa, wararku waxay sheegayaan in mas’uuliyiinta lagu gorgorinayo sandareero iyo weliba lacago qudheed lagu iibsanayo damiirkooda dadnimo.
Maamulkii oo Liicay.
Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in gudaha Buuhoodle guud ahaan maamulkii Khaatumo ka laciifay, taasoo ay sababtay in la lumiyey taageeradii lixaadka lahayd ee shacabka magaalada ku dhaqan, madaxda sar sare ee Khaatumo ayaa juhdigoodii geshay inay fadhiyaan Taleex, isla markaana shir aan dhamaananyan iyo khilaaf dhexdooda ah ku mashquulsanaadaan, ayadoo inta badana ay ku muransan yihiin dhaqaalaha yar ee laga soo urursho debeda, halka deeganada cashuurta faraha badan laga qaadi karo sida Buuhoodle oo kale aan wkahti laga gelin, daraasaad la sameeyey 2 bilood ee u horeeyey gudaha Buuhoodle waxaa ka soo xarootay lacag kor u dhaafaysa $60,000 . Waxaana lacagtaas aan loo sii wadin qaabkii hore ee lagu bilaabay, ayadoo shacabku si weyn u bixiyeen cashuurta xaqa loogu yeeshay.
Shabakada Horufadhi, ayaa ogaatay in mas’uuliyiinta Khaatumo u sareeyaa guud ahaantood aysan ku qanacsanayn in cashuur guris iyo baahin maamulnimo oo shaqeeya aysan isku hawlin, waxaa sidoo kale saldhiga keliya ee degmada Buuhoodle lee dahay gacanta ku haya 7 maleeshiyo ka mushahar qaata maamulka Faroole, wax kala danbeyn ah oo maamuleed kama jiro Buuhoodle, sidoo kale waxaa guud ahaan aan jirin wacyigelin magaalada ah, taasoo wakhtigii SSC ay jireen ururo dhalinyaro dhaqaaqa wadaniyeed ah, kuwaasoo xaalad amgaalada gacanta ku hayey, kana feejiyey Hoosgalada iyo horgalada, waxaana la kala fur furay dhalintii ayadoo meeshana ay ka baxday taageeradii Qurbajoogtu, Horufadhi ayaa soo xaqiijiysay in wiilasha Hargaysa aadey ay yihiin ardeydii magaalad aoo inta baabuur Ingaydh ah looga soo waaridey Burco lagu daabuley.
Ugu danbeyntii magaalada Buuhoodle ayaa u eg mid dhaxal wareegtay, ayadoo guud ahaan maamulka Khaatumo uu siyaasad ahaan iyo amaan ahaan ba u fashilmay, dhibta ugu weyn ayaa waxay ka taagan tahay hogaan xumada sadexda nin oo u eg Dhardhaaro aan ka faa’ideysan taageerada dadkooda.
La soco warbixino dheeraad ah insha Allaah
MAQAAL:-Dhulbahantoow Mays Dhaliilaa,Oo Dib U Heshiisiin Maw Dhaqaaqnaa
Dhulbahante dhamaantii Wuu wada dhaliilanyahay Faraax Garaad, Maxamuud Garaad Bahanugaaleed, Garaado, Ugaasyo, Suldaano, Boqoro, Qurbajoog , Qolqol-joog, Wariye , Wadaad Iyo Waranle.
Waxaadna odhankartaa 120 sanno ee ugu danbeeyey mar kaliya Dhulbahante ma qaadan go, aan isaga dani ugu jiro , markasta waxaa loo qurxinayey in uu hawlo kale ku fooganaado, oo uu ku seegay dad, duunyo iyo dal maantana taladisii aanu u madax bannaanayn , dhulkiisiina 50% aanay gacantiisa ku jirin , markastana waxa ay mas’uuliyadu saaran tahay qofka nool ee goob jooggaha ah, wuxuuna ubadkiisa u horseedaa mustaqbal wanaagsan ama mid xun, xilligii daraawiish raggii joogay kamay fakarin mustaqbalka ubadkooda ee markaa waxay ku xisaabtameen wixii horyaalay , raggii xilligii gumaysiga joogayna waxay ku sugnaayeen marxalad adag oo talo gacantooda kumay jirin, kuwii xilligii xoriyaduna waxay uba badnaayeen rag aan deegaanka iyo dalka danba ka lahayn oo shaqaale siday u noqon lahaayeen aad ugu dadaalay ,oo ninka agaasime laga dhigaa yoolkuu hiigsanayey gaadhay, inta kalena siday uga soo kaban lahaayeen dhaawac yadii hore ee gumaysiga ayey la daalaa dhacayeen, xilligii dawladii kacaanka Dhulbahante dhib moojaane dheef kuma qabin, xataa isgarabtaagii dawladii kacaanka dhulkiisii iyo dhalankiisii midna uma badbaadin ,gudihiisuu ku coloobay , beelaha dariskuna SNM iyo SSDFna kula coloobeen ,dhaawaca maanta jiraana uu yahay arrimo badan oo isbiirsaday oo iska daba imaanayey oo aan La daweyn dabadeena wada dilaacay.
Marka aad kuwo badan oo Dhulbahante ah aad ku boorisid in si dantu ku jirto loo fakaro karti iyo geesinimana La moojiyo si cudurada jira loo daweeyo waxaad arkaysaa afku xoogle soo boodaya oo aan xalna keenayn ,xiniinyana keenayn, xoolana keenayn oo fikirkii La keenaba is hortaagaya isaga oo xujo ka dhiganaya in aan La calaacalin ee La adkaysto , waynu adkaysanaynaaye aynu ka leexano waddada qaldan ee aynu soo qaadaynay 120 sanno ee ugu danbeeyey ,inaga oo aan SNM isu dhiibin SSDF u calaacalin ayeynu saxaynaa socodkeena , miyeynu ka liidanaa SNM 23 sano ayey wado qaldan marayeen maantay ka leexdeen gaalka dil gartiisana sii waxay ogaadeen gooni isugu taag in gabalkiis dhacay , gorgortan iyo goof Kay helilahaayeen ayey golaha u soo fadhiisteen , miyaanay marka inala gudboonayn inagana in aynu garwaaqsano in gudaheena gargaar u baahan yahay oo dhaliilo badan oo ay lagama maarmaan tahay in aynu u badheedhno ay jiraan, si aynu wax uga qabano , oo aynu kuwaajahno caqli , garasho iyo xikmad ee aynaan sida goroyada madaxa god gashane ,dhibaatada runta ahna iska indha tirne, aynu sida ugu haboon xal deg deg ah u raadino.
Dhibaatooyinka ugu waa waaweyn ee Dhulbahante rigaadiyey waxaa ka midah Khilaafaadka siyaasiyiinta Dhulbahante u dhaxeeya ee ilaa iyo soo taagnaa xilligii gumaysiga ,waa marka aynu ka hadlayno mushkiladaha maanta jira ee dadkii raadka ku lahaa wali nool yihiin, waxaana la sheegaa ragga maanta Dhulbahante ugu waaweyn ee ay ka midka yihiin Qaybe iyo Maxamed Cabdi Xaashi in xurguf dhexmartay xilligii ay karraaniyiinta ka haayeen isla markaana shaqaalaha ka haayeen isticmaarkii in ay isku dhaceen , taasina ay sababatay markii dalwdii dhex burburtay in midna Puntland u hayaamo midna Somaliland, waxa kale oo raad ku leh Dhulbahantaha xurgufihii siyaasadeed ee ka dhex dhashay xilligii dawladii kacaanka, oo Muqdisho aad isugu qabtay, awoowdii dawladii Siyaad Barena isu adeegsaday, xilal na ku kala andacoon jiray in ay ku kala sad bursadeen, ka dibna ay arrintaasina raad weyn ku yeelatay shacabkii Dhulbahante markii ay burburtay dawladii dhexe oo markiiba qaar u soo hayaameen maamulka Hargeysa iyada oo xilligii mucaaradka ay SNMtu sheegan jirtay ay xataa jireen rag xidhiidh lalahaa jabhadii SNM, arrimahaas oo dhami waxay raad weyn ku yeesheen shacabka , innaga oo og in aanu shacabka wax dhibaato ahi ka dhaxayn, haddana shacabka iyo dhalinyaradu waa kuwa dabka xaabada u ah ama bansiinka ee shidaya iyada oo la adeegsanayo, oo haddaanay dhalinyaro iyo odayaal iyo haween hadba qorshihii la doonayo in la fuliya la helin waxba u socon maayo ninka siyaasiga ah ee markaa danta leh.
Xaabsade markuu doonayo in uu dan fushado wuxuu ka bilaabaa Baharasame Xaqeedii oo la duudsiyey ayaan raadinayaa , oo soo dhicinayaa , wuxuu ku helaa taageerayaal indho iyo dhagaba la oo Bahararsame ah oo ku garab taagan oo naf iyo maalba u huraya, hadduu Somaliland joogo iyo hadduu Puntland joogo iyo Haduu Talafif ka dego intaba taageerada ugu horeeysa ee uu raadiyaa waa tan qoyskiisa Bahararsame, Yaasiin Maxamuud Xiir iyo Mahad Canbaashe iyaguna markay doonayaan in ay hawlo huriyaan, wuxuu ku kiciyaa danihiisa waxaa la duudsiyey xuquuqdii Jaamac Siyaad tolaayey ka kaca, ma waayaan taageerayaa waxay helaa kuwo naf iyo maalba u huraya, oo indhala oo dhego la, Cabdi Samad Cali shira marka uu danleeyahay markiiba wuxuu garab ka helaa beeshiisa Ugaadhyahan isaga oo xaquuqdooda u soo dhicinaya, ama ha joogo Somaliland ama ha joogo Puntland’e, wuxuu helaa Ugaadhyahayn indho iyo dhaga la, Saleebaan Ciise (Xaglatoosiye) wuxuu helaa kuwo reer hagar ah oo indha la ,oo dhega la.Xasan Geerash, , Fu’aad Aadan Cadde, Maxamed Cali faruur, Daa’uud Bisinle, Cali Sandule Maxamed Caydiid Dirir, Biindhe ,Axmed Karaash, iyo Wixii La mid Ahiba , ha joogeen Puntland Somaliland ama khaatumo ama meel kalee dhamaan Shacabka Dhulbahante dhib ayey ku hayaan oo waxaan hurgumooyin ahayn uma soo jiidaan, wax laga dheefayna ma jirto, cuqdadii mid wali kan kale u qabay ayuu shacabkii kula soo noqday, iyada oo ay sidaas tahay oo shacabkii noqday xaabada ayaa dad badani aaminsan yihiin in aan dhibaato shacabka Dhulbahante dhex oolin oo haddii la soo hadal qaado dhibaatooyinkan sida dhoobada kala daadanayaan oo qarxayaan waxaana arrintaas u badan qurbajoogta oo markasta oo boogta jirta la taabto aad moodid in fadhi ku dirirkii looga adkaanayo iyada oo la og yahay xaqiiqada jirta , oo wax waliba muuqdaan , haddaan dhibaato baaxad weyni jirin oo aanay waliba Siyaasiyiinta Dhulbahante iyo shacabka Dhulbahante ka dhex jirin deegaanka iyo dadka intaba way ka muuqan lahayd, waxaana deegaanka Dhulbahante ka muuqda iyo dadka dhibaatada baaxadda weyn ee maanta ku gedaaman dadka iyo deegaanka Dhulbahante.
Dhulbahnate Wuu Is Hayaaye , Dhab Haloo Wada Hadlo.
Dhulbahante wuu is hayaa dhexdiisana dhibaato weyn ayaa ka taagan , haddana shacabku ismahayaan oo dhibaato mataagna, sidee wax u jiraan, waxaa la dareensanaa intaan Laascaanood la qabsan dhibaatooyin ay ka shaqeeyeen siyaasiyiinta Dhulbahante oo dadka iyo deegaankaba raad ku yeelatay, arrintaan ka soo bilaabmatay Muqdisho, xoogaysatayna xilligii Puntland la aasaasay , ayaa Siyaasiyiinta Dhulbahante la kala safteen maamuladii, shacabkiina raad weyn ku yeelatay, tusaale ahaan Puntland waxaa la aaminay in ay Ugaadhyahan Garab la leedahay, Somaliland waxaa la aaminay In ay Jaamac Siyaad iyo Baharsame Garab la leedahay, haddana waxaad arkaysaa qaar badan oo Ugaadhyahan ah oo Somaliland ah, waxa kale oo aad arkaysaa kuwo badan oo Jaamac Siyaad iyo Bahararsame ah oo Puntland madax ka ah. shacabka waxaad arkaysaa kuwo garab siinaya hadba kiisa dhinac ka soo jeeda, kala qaybsanaanta qaabkaas ah waxaa si layaableh uga faa’iidey beelaha SNM iyo SSDF oo sii huriyey , waana arrin liidnimo ku ah Dhulbahante , Laascaanood intii Puntland la aasaasay waxaa ka bilaabmay Loolan aan hore u jiri jirin , kan jooga iyo kan aan joogina wuu ogyahay , waxa magaalada hadba ku soo cusboonada waa lala wada socoday, waxaadna arkaysaa cudurkii oo jira oo dhamaan siyaasiyiinta iyo shacabka Qaaxo(T.B) siyaasadeed hayso oo ay la ildaran yihiin , marka la yidhaado waar maxaa idin haya waa idinkanoo waad ildarantihiin oo waad qufacaysaane uu mid waliba ku odhanayo maya waxba ima hayaan ,waanu la danahay, marka la kala dhaqaaqana laysu kiilayo dhaliil iyo dhaleecayn, natiijadeediina ay noqotay in Laascaanood gacantii bulshada ka baxday, dhamaan dadka Laascaanood Joogaana yar iyo weyn ay ka shaqeeyeen sidii cuqdada iyo cudurka loo dhex dhigi lahaa shacabka walaalaha ah ilaa ay ka xoog badatay colaada ay isu hayaan kuwa Laascaanood kuwada nooli tan ay u hayaan cadowga dhinacuu doono ha noqdee.
Waxaad arkaysaa SSDF Iyo SNM markay ogaadeen in ay isku dan yihiin yihiin, intay isdileen oo dagaalameen oo xataa madax dhaqameed iska dileen dantooda hore usii wata, waa la ogyahay Cabdilaahi Yuusuf wuxuu dilay Suldaan, waxayna isu dileen qaab qabiilaysan oo Maxmuud Saleebaan dhexdiisa ah, ka dibna waa la heshiiyey, Isaaqu waxay isu dileen habar habar waana la heshiiyey ilaa maanta ayaa Burco kala xidhan tahay, Haddana marnaba ma ogolaan dhexdeeda cid kale ka faa’iideysato, taa macnaheedu maaha muu Dhulbahante islaayo laakiin waxaa muuqata in ay yihiin dad doonayo in ay iyagu si-dad-ban isu dabar jaraan oo cadowgu dalkooda dhaxal wareejiyo.
Laascaanood Xoraynteedu Xeelad Ayey U Baahan Tahay.
Dad badan ayaa ku wareersan sababta Laascaanood ilaa maanta wax looga qaban la yahay, ama ay gacanta Dhulbahante uga maqan tahay, dadka qaarka waa ogyihiin kuwana waa is yeel yeelayaan, Magaalada Laascaanood waxaa laga dhigaa magaalo ay isku hayaan Puntland Iyo Somaliland, Magaalada Laascaanood waxaa isku haya oo ay ka dhex taagan tahay sadex beelood oo kala ah, Ugaadhyahay Siyaad , Jaamac Siyaad, Iyo Bahararsame.
Nin raggina waa ogyahay nacasna loo sheegimaayo, waxaana in badan laysku dayey in Laascaanood wax laga qabto, xilligii aan hogaanka la sameyn waxaa deegaanka loo soo diray Garamgaram oo la yidhi dalka maqan ha soo celiyo, intii aanay cadowba is arag dadkii ugu horeeyey ee u hanjabay ee uu ka shaqan kari waayey waxay ahaayeen Dhulabahante waliba qaab qoysaysan isu hortaagay , waxaana lagu qasbay Garamgaram in uu dib isaga noqdo isaguna xaqiiqada wuu ogaaday wuxuuna ogaaday Laascaanood in aanu Isaaq iyo, SNM iyo Somaliland toona haysan.
Xiligii SSC hogaankana waxaaba la soo qaaday dagaal dhinac walba leh oo hoose oo waxba laga socodsiin kariwaayey, inta Hadda Khaatumo abuurantayna waxaa loo sawiray Khaatumo in ay Ugaadhyahan tahay Jaamac Siyaad Duulaanku ah, oo wixii nugaal ka soo shiraacdaana waa Ugaadhyahan, Wixii galbeed ka Shiraacdaana waa Jaamac Siyaad, sawirada sidaas ah ayey Laascaanood ku maqan tahay qofkasta oo Dhulbahantena ahina waa og yahay, waxaana ka mid ah sababtii loo siidaayey Cali Sandule oo danbiile ah, markii la yidhi maxaa loo siidaayey, waxaa la yidhi , waa tan koowaade hadda xil ma hayo, waa tan labaade waa laysku dhacayaa Dhulbahante Dhexdiisa.
Sidee Laascaanood Ku Soo Noqon Kartaa?.
Dadka qaarkii marka ay maqaalkan oo kale akhriyaan oo uu madaxa wareeriyo waxay ku andacoonayaan haddii sidan loo saafsaafay xaaladda jirta xalku muxuu yahay, ama sidee looga gudbi karaa dhibaatan haatan jirta.
Dhibaatada Laascaanood ka jirta iyo tan guud ee Dhulbahante waxaa looga bixi karaa siday aniga ila tahay.
1.Dhulbahante oo loo sheego dibad iyo gudaba in la soo afjaro colaada siyaasiyiinta u dhaxaysa ee soo jirtay ilaa iyo xilligii dawladii dhexe ee burburtay.
2.In shacabka Dhulbahante garawsado in ay ku jiraan dabargo hadaysan sidan isu dhaamin , garowsadaana in cudur jiro dhexdooda yaala , oo ay iska indha tirayaan, ilaa ay qirtaan, oo garawsadaan in uu jiro cudurkaasi aan dawada la-la raadin karin, sababtoo ah in aad qirtid in aad xanuunsanaysid oo aadan adigu dhaxtarka lugahaaga ugu tagin waxba lama qaban karo , cudurka oo aad qirtid in uu jirana waa dawada ka badh.
3.Dhulbahnate in uu joojiyo Shirarka ma dhalayska ah ee aan wax natiijo ah laga dhaxlin.
4.Dhulbahante waa in uu Dhaqaalaha Badan ee ay sanad walba la soo ururiyo loo jiheeyo, qodobadan.
A. Dhibaatada ka dhextaagan Jaamac Siyaad Iyo Ugaadhyahan,(Gaar Ahaan Bihidarays iyo Reer Warsame ) in Dhulbahante deg deg u dhex galo oo ay xataa magaha dhibaatooyinka jira la bixiyo , arrintani dhaawac weyn ayey ku tahay dib u soo celinta Laascaanood, sababtoo ah markasta oo ciidanka Dhulbahnate Nugaal ka soo dhaqaaqo waa Ciidan Ugaadhyahan oo weerar ku ah Jaamac Siyaad, sidaasna waxaa u sawira Mahad Canbaashe wuxuuna ku helaa taageero, dhamaana Dhalinyarada la joogtaa waa rag kan ugu yari hal Xaas lee yahay , dhamaantoodna waxay ka qaataan mushahar joogta Somaliland, boogtaasna isaaqu aad ayey uga faa’iideystaan.
B. In Beelaha Bahararsame iyo Ugaadhyahan iyaga turxaan bixin siyaasadeed sidii looga dhex dhalin lahaa laga shaqeeyaa.
C. Waa in madax dhaqameedka sadexdan beelood ay si dhab ah dadkooda u dhexgalaan iyaga oo waajahaya mashaakilaadkan una diyaarinaya shacabkooda in la abuuro jawi lagu wada noolaado, iyada oo aynu ognahay in hadeerba la wada nool yahay haddana waa lawada ogyahay in dhibaatooyin jiraan, oo aan dhinaca siyaasadda laga mideysnayn, waxaad arkaysaa madax dhaqameed aan qoyskiisaba wax raad ah ku lahayn, haddii ay raad ku yeelan lahaayeen ma kula tahay dhibaatada ayaa baaxadaas leekaan lahayd.
D.In Haddii dantu ku jirto dhamaan siyaasiyiinta beesha Ugaadhyahan Puntland ka soo baxaan, dhamaan Siyaasiyiinta beelaha Jaamac Siyaad Iyo Bahararsamena ka soo baxaan maamulka Somaliland, waa marka dhibaatooyinka qoysaska la dhamaystiro, oo siyaasadda Dhulbahantena noqotaa mid dhinac uwada jeeda si laysu badbaadiyo, waayo Puntland oo lagu kala tago kun jeer waxaa ka muhiimsan Dhulbahanate oo la badbaadiyo, Somaliland oo laga soo baxaana waxaa kun jeer ka muhiimsan Dhulbahanate oo la badbaadiyo.
5. In Faarax Garaad iyaga laftarkooda dhexdooda la turxaan saaro, sida Barkad iyo Axmed Garaad, oo maalmihii ugu danbeeyey gaadhay xaalkoodu in ay deegaano kala sheegtaan, guud ahaana Dhulbahante midnimadiisa laga shaqeeyo.
waxaa hubaal ah haddii shirarkan badan ee la qabanayo la joojin lahaa oo arrimaha gudaha ee Dhulbahante aad waxlooga qaban lahaa in aan maanta xaalku halkaa joogeen, hore ayaa loogu taliyey in marka hore culayska la saaro Dhibaatooyinka Dhulbahante ee gudaha, cadowga hareeruhu wuu iska huleeli markaa.
Jaamac Cusmaan Cali.
Faalo:-Cali Duul-Duul Iyo Canbaro Madow(Somaliland) Cirka Haysla Aadeen, Ciyaartooygii Buuhoodle Ciidiisuu Joogaa.
Mahad oo Dhami ilaahay ayey u sugnaatay , nabad galyo iyo naxariisna suubane nabigeena, intaas ka dib waxaan halkan hanbalyo iyo boogaadin ugu gudbinaynaa shacabka Buuhoodle oo markasta muujiya geesinnimo karti , isku duubni iyo kalsooni , waxaan shaki ku jirin in reer Buuhoodle ay taariikhda Baal dahab ah ku qoran yihiin siday dalkooda iyo dadkooda u difaaceen.
Waxaa ayaan daro ah in ay shacabka geesiyada ah dibin daabyeeyaan Xaglatoosiye iyo Cusmaan Garaad Soofe iyo kuwa kale ee ka been sheegaya xaqiiqda ka jirta deegaanka Buuhoodle, dhalinyaro aan deegaanka u dhalan oo lagu daray laba qof oo la yidhi waa ciyaartoygii Buuhoodle, ka dibna vidoe laga duubay,oo lagu soo bandhigay Hargeysa ayaa la doonay in lagu dhaqaale raadsado.
Waxaa sharaf mudan dhalinyarada Sportiga Buuhoodle oo markiiba beeniyey wararka maamulka SNM faafiyeen , muujiyeyna kalsoonida ay isku qabaan , hadalkuna weedh La gunto ayuu leeyahay sida ay sheegeen Cabdi Samad Xaaji Abokor Joofey iyo Dhalinyaradii kale oo ah xubnaha soo qaban qaabiyey koobka loogu magac daray marxuumkii xabado dhalinyaradaas Hargeysa lagu soo bandhigay waxaa ku jira nin kaliya oo lagu magacaabo Cali Duul-Duul oo reer Buuhoodle ah, sida muuqatana magaciisaa sumad u ah, haddaba Cali Duul-Duul iyo Canbaro Madow(Somaliland ) hawada hayskula dheeleen Banooniga , Ciyaartooygii Buuhoodle Ciidiisuu ku ciyaarayaa.
Halkan Ka daawo Video
Shacabka Khaatumo waxaa La gudboon in dhalinyarada La taageero hada koobku uga furmay garoonka xabado ee Buuhoodle , Koobna si joogta ah loogu qabto deegaanka Khaatumo si ay uga soo qayb galaan dhamaan deegaanka Khaatumo kan ugu horeeyana Lagu qabto Buuhoodle.
Arrintaasi waxay dhiiri galin u tahay naadiyada ka jira Khaatumo State Of Somalia , markasta oo laga shaqeeyo horumarinta dhalinyarada waxaa laga badbaadaa kala daadsanaanta ay cadowgu ka faa’iideystaan, waxa kale oo in la taageero mudan qorshaha ay soo bandhigeen dhalinyarada Buuhoodle ee ah in wado laga sameeyo deegaanka, waxaa hubaal ah in markasta oo dhalinyaradu hormuud ka noqoto horumarka deegaanka in wax weyni iska badelayo, dhaliyarooy oday waxba ha ka sugeena , wadankiina horumarkiisa u guntada waydun guulaysan idinka ilaahay.
Waxaana ugu danbayntii dhalinyaradda Buuhoodle ku guubaabinayaa hormuud ayaad u tihiin dhalinta Khaatumo , waxaad ku dadaashaan sidaad kartida iyo geesinimadi idinku jirta deegaanada kalena ugu gudbin lahaydeen.
Afbakayle.com
Mudaharaadoow -Maxaa maydadkeena kala mudnaysiiyey ?

Waxaa Koonfurta Africa lagu dilay dhowr Qof oo Soomaaliyeed , Waxaa dhacdaddaas ka kacay Soomaalidda joogta dunnida dacaladdeeda , waxay Mudaharaado ka dhigeen qaybo ka mid ah dalalka ay usoo hayaameen .
Haddaba Yaableey waxaa ah in sababta dadkaas Soomaaliyeed ay u kacayaan marka ay arkaan Qof Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Soomaaliya dibbadiisa aysana uga damqan unna muujin wax ficil ama ka damqasho ah , Dadka Soomaaliyeed ee ajaabinta ku soo duushay dalkeena Hooyo si wadda-reedka u xasuuqaan .
Ciidamadda Kiiniya ee Qabsaday dalka Soomaaliya dhul ka mid ah dhulkiisa horayna nooga haystay qaybo dhulka Soomaalidda ka tirsan ayaa sannadki hore madaafiic ku duqeeyey Magaaladda Kismaayo , Waxaa halkaas ku dhintay Caruuro yaryar iyo qooysas si wadda-reed u waxyeeloobay, Duqayntaas ciidamadda Kiiniya ee ahayd mid ka baxsan Bini’aadamnimadda garashadda Qumanina qawaddayso ayaan ayaysan dadka Soomaaliyeed ka muujin wax mudaharaadid iyo ka murugood ah .
Haddaba Maxay tahay Sababtu ? Mudaharaadoow -Maxaa maydadkeena kala mudnaysiiyey ? Caruurta yar yar ee Kiiniya ku xasuuqday Kismaayo ma Al shabaab ayay ahaayeen, Haddii aadba Al shabaab Neceb tahay ? Wayddiin-celintu waa Caruurtaas yar yari ma ahayn Al shabaab Kiiniya si axmaqnimo ah oo maangaabnimo ka buuxdo ayay ugu riday Madaafiic ah ku dhac kaad doonto nooma kala sooncee .
Ma Istustusnimaynnu dhahnaa Mudaharaaddaada Soomaalida ee ay u murugoonayaan dhowr qof oo lagu dilay Koonfur Afrika ? Ullama jeedno yaan laga damqan ee Kan dalkiisa loogu yimi ee lagu dilay saw ma ahan in laga digiigixo isna ? Ma iyaga ayaa Qurba joog ah mudaharaad sameeyayaashu oo waxay sidaas u yeelanayaan in iyagana la soo gaaro oo halka ay joogaan lagu heello ayay ka hor tagayaan ?
Dhibaatadda dalkeena ka jirta ee dawlad la’aan ee dadkeena darxumaysay ka hadalkeedda iyo arrimaha guddaha dalkeenu waa kuwo in aan u istaagno mudan , Haddana saw ayaan-darro ma ahan in aan horaysiino bannaan dhibka Soomaalidda ku haysta halka ay dalkeena sunsumayaan ciidamo ajaanibeed , Gabdhaheena Kufsadda , Dadkeenana iska laaya , si kasta iyo surin kastaba .
Soo idlay waa Istustus kuwa u mudaharaaddaaya Dhibka Koonfur Africa ee aan ka mudaharaadin Xasuuq wadda-reedki ka dhacay Kismaayo ee ay Kiiniya u gaystay Caruur iyo maato Soomaaliyeed.
E-Mail: Dooxajoog5@gmail.com Facebook: Halkaan Riix Bog qoraalleed : Idirism
Jaaliyadaha Kalagadisan Ee Beesha Samatar Maxamud (bahararsame) Oo Hambaylo U Diraya caaqilka Cusub
Anago ah jaliyada qurbaha ee beesha Samatar Maxamud (bahararsame)waxanu hambayo iyo dardaanba usoo diraynaa
Caaqil Cabdifataax Cumar Maxamud oo 13/6/2013 lagu calema saaray degmada Kalabaydh gobolka Sool
Waxanu leenahay illah haku fududeeyo xilkaa culis ee dusha lagu saaray wanu kuugu ducaynaynaa waanuna ku gu garabtaaganah Midnimadii Cadaladii iyo Horumarkii adku dhawaqday ,
Waxanuna leenahay maanta reer Samatar iyo Bahararsame iyo guud ahaan Dhulbahane weyne waxu dhibkan jira kaga bixi karaa waa midnimo midnimo midnimo
1.Abdillahi cali faarax (dhawaq) gudomiye Uk
2:Sheikh Abdulqadir yusuf dirie (Maxile)Uk
3:Mohamed Cumar Hirsi Uk
4:Cabdisamed yusuf dirie Uk
5:Abdinasir Cumar xirsi Uk
6:Fadumo Ahmed Handule Uk
7:Deeqa Ahmed Handule Uk
8:Amina Hasan dirie Uk
9:Fadumo Hasan Dirie Uk
10:Saynab Hasan Dirie Uk
11:Casha yusuf Dirie
12:Ahmed Eidle Ducaale (Gudomiye Sweden )
13:Oday Cabdicasis Cali Farax (kudhufo) Sweden
14:Jamac Gurey Farax Sweden
15:Cabdulqadir Cali Cumar (hargole)Sweden
16:Abddirashid Maxamud Xirsi (Dheere)Sweden
17:Saleban Eidle Duale Sweden
18:Maxamud Maxamed Jama Sweden
19:Ayeeyo Xalima Dirie Uk
20:Hooyo Cadar Maawel Uk
21: Cabdiweli Haji Cumar Maxamud Igar(gudomiye )USA
22:Dr/Oday Abdulqadir Ahmed Handule USA
23:Oday,Cadaawe Abdirahman Cumar (xubero) USA
24:Eedo Xawa xirsi Dheere (iyo carurteda)USA
25:Oday Ciise Cabdi Hasan (falidh)USA
26:Oday Hayan Hasan Gurey USA
27:Cali Maxamud Jamac (rabayn) USA
28:Engineer Ahmed Cumar Hirsi Qatar
29:Gudomiye Maxamed Hasan Farax (Kamas) Saudi
30:Oday Xasan Maxamud Jama Saudi
31: khadra Ahmed Saleban Saudi
32:Saynab Cumar Xirsi Saudi
33:Dr Ali Ahmed Saleban Australia
34:Cabdirisaq Hasan Farax Australia
35:Faduma Ciise Geelwade Australia
36:Oday/Gudoomiye Ahmednur Ali Faarax (Budcad ) East Africa
37: Maxamed Jama Xirsi Kenya
38:Aadan Maxamud Xirsi Kenya
39:muma Caasha Haarun iyo Carurteda reer Haaruun Kenya
40:OdayCali Cumar Xirsi Hargole Kimanyo(jubaland )
41:Maxamud Cumar Xirsi Afgab Kismanyo (Jubaland)
Thank you all khaatumo guul
Nicholas Kay’s Failed Visit to Hargeisa
The Khaatumo State of Somalia
Press Release
Abdinur Elmi
President of Khaatumo State of Somalia
Tuesday, June 18, 2013
The Khatumo State of Somalia would like to convey its warm compliments to Ambassador Nicholas Kay, the new Special Representative of the Secretary-General (SRSG) of the United Nations to head the recently established United Nations Technical Assistance Mission for Somalia (UNSOM). The Khatumo State of Somalia, and no less the rest of Somalia, other than the one-clan secessionist enclave calling themselves Somaliland, were happy to see the back of his predecessor, Ambassador Augustine Mahiga, for his blatant abuse of his office and differential treatment of Somalia’s regions. For this reason more than others, they were eagerly looking forward to see credibility of the Office of the SRSG restored.
The tasks that awaits Ambassador Kay as embodied in his mandate, such as respect for human rights , the maintenance of the rule of law and security, among others, are a tall order and no more so than when it comes to dealing with the intransigent secessionists that have become accustomed to receive carrots but rarely sticks from the international community. Pampering and cajoling them have been the standard approach but this has only encouraged their uncompromising stand on the one-clan supported secession.
Barely a week since he took his office, Ambassador Kay is to be commended to waste no time and to go Hargeisa in order to square up to the secessionists. His approach was both to please his audience but also to be firm when it comes to the mandate of UNSOM and its view of “Somaliland” as a region which is an integral part of Somalia. On the pleasantries, and perhaps pandering to the secessionists’ partiality for praise, Mr. Kay simply gave them full accolade, saying that:
“Somaliland has remained an island of relative peace and stability in an insecure region and we believe that there are lessons that can be learned here about stabilizing the whole region. We are therefore here to learn and to support initiatives that will lead to sustainable peace, stability and prosperity in Somalia and beyond.”
The only problem with this statement is that it has no bearing with the realities, at least from our perspectives as unionist regions and clans in northern Somalia. As it is, the one-clan secessionist enclave has occupied other regions and clans in the north (former British Somaliland) in order to force them on their secession and in the process committed, and continues to do so to the present day, widespread human rights violations. All this has been reported by International human rights defenders and also by the United Nations itself. Ambassador Kay could not have failed to apprise himself of this information as part of his preparation for taking up his post.
We in the Khatumo State can only conclude that he chose to whitewash Somaliland’s “dark” side as a worthwhile price to pay in order to win the hearts and minds of his hosts to accept the fact that they are part and parcel of Somalia. Given his clear-cut stand on the unity and indivisibility of Somalia, which is what ultimately matters, it behooves us in the Khatumo State to see the SRSG “praise” for the secessionists, much as it hurts, in its right context and to overlook it in the interest of the wider mission of the SRSG to which we are equally committed to.
As for the failed Mission to Hargeisa, Ambassador Kay got no where with his main purpose as the secessionists rejected out of hand any status less than being treated as a separate sovereign country. Ambassador Kay is paying for the legacy of his predecessor, Ambassador Augustine Mahiga, who went to the extent of audaciously supporting their “right to self-determination” and “recognition”. Having been imbibed such treatment for so long, it would take more than one visit from the new SRSG to wean them off their entrenched delusions.
We hope that Ambassador Kay will draw the necessary lessons from this failed mission to Hargeisa that UNSOM and the rest of Somalia would not be held hostage to the secessionists unrealistic and unattainable demands. The approach the SRSG has taken is the right one and sooner rather than later most secessionists are bound to come to terms with the inevitable reality. In the meantime, we would strongly urge Ambassador Kay to bear in mind the following facts which should shape in one way or another his approach to northern Somalia in general and to the secession in particular:
· That there was no country or nation prior to the British conquest of the clans in its colony;
· That the clans are more related to their fellow clans across colonial boundaries;
· That the clans sought independence from Great Britain for the sole purpose of uniting with Italian Somaliland;
· That British Somaliland ceased to exist after union with Italian Somaliland when its regions became regions of Somalia and no longer part of a non-existent Somaliland;
· That the secession was declared by one northern clan while the other four are unionists notwithstanding their being occupied by the secessionists;
· That Khatumo State, based on the regions of Sool, Sanaag and Cayn (SSC) is recognized as a State member of federal Somalia; other northern clans have formed similar regional administrations such as Makhir State and Awdal State. All this is a testament to the opposition to the secession and attachment to Somalia and its unity.
Given the above facts, we expect our State, like other State members of federal Somalia, be treated in its own right as part of Somalia and never to be lumped with any other entity, least of all a renegade one which does not want to be part of Somalia as the SRSG’s visit to Hargeisa abundantly made it clear. Khatumo State is ready to co-operate with the SRSG to the full and hope this cooperation will be reciprocated.
Please accept, Your Excellency, the assurances of our highest considerations.
Yours sincerely
Abdinur Elmi
President of Khaatumo State of Somalia
Taleex
DAAWO+SAWIRO:-Madax Waynaha Khaatumo Iyo Xubno Wasiira Oo Soogaadhay Nairobi
Waxaa Maanta Magaalda Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya soo Gaadhay Wufuuf uu Hogaaminayo Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaaamac Indhosheel oo kamida Golaha madaxtooyada Maamulka Khaatumo state.
Wafdigan ayaa Waxaa Garoonka Joma Kenyatta Kusoo Dhoweeyay Qaybaha kala duwan ee Bulshada Khaatumo State ee ku Dhaqan magaalada Nairobi.
Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac oo Ka warbixiyey Safarkooda Ayaa Sheegay Inuu Ku Qotomo Kulamo Dawlad Goboleedka khaatumo Uqorshaysan Isagoona sheegay in Bulshada Khaatumo Kulamo Gaar ah la Yeelan doonaan.
Mukhtar Ibraahim Xabashi Wasiirka madaxtooyada Khaatumo ayaa Dhankiisa Ka hadlay Madasha Soo Dhowaynta Isagoona ku Dheeraday Arimo la Xidhiida maamulka.
Xuseen Saleebaan Dhegawayne Wasiirka Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha ayaa Dhankiisa Fariin Udiray Dhamaan Bulshada khatumo Isagoona Sheegay in Fiiqa usareeyay Hada la Marayo.
Gabagabdii aya waxaa Dareenkooda Cabiray Qaarkamida Bulshada ka Qayb Qaadanyey Soo Dhowaynta Wufuudan.
Ma xishoodihii oo xilal magcaabay
Safiirka Kenya waxa loo magcaabay Abgaal, Itoobiya Habargidir, Jabuuti Shiikhaal, Ingiriiska Xawaadle.
Madaxweyne Culusoow oo raali gelinaya Beesha Hawiye, si ay garab ugu siiyaan dagaalka uu ku hayo Jubboyinka ayaa waxa u magcaabay Safiiro dalalka deriska ah sida Itoobiya, Jabuuti, Kenya.
Safiirada la magcaabay ayaa qaarkood yihiin dagaal oogayaal gacmaha dhiig ku leh sida qaar badan badan oo ka mid ah dawladda xasan Culusoow.
Safiiradii Odayaasha Beelaha Hawiye kula taliyeen in Xasan Culusoow magcaabo ayaa ah kuwo hoos ku qoran.
1- Safaarada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa loo magacaabey Dagaal ooge Axmed Cabdisalaan, Beesha Hawiye, Ceyr
2- Safiirka Kenya; Cali Ameerika, Hawiye, Abgaal
3- Safiirka Jabuuti; Gen. C/raxman Guulwade Shiikhaal, Hawiye
4- Safiirka Ingriiska; Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalolshe, Hawiye, Xawaadle.