Reer kasti waa shiri karaa horena reero badan oo Dhulbahante ah ayaa shirar qabsaday. Haddaba muxuu shirka Sarmaanyo ee lagu magacaabay “Shir Ugaadhyahan” kaga duwanyahay shirarkii jilibada Dhulbahante hore u qabsadeen?
1- Shirarkii hore jilibka uu shirku khuseeyaa waa u dhamma halka shirka Sarmaanyo aan Ugaadhyahan u dhammayn oo koox yari wadato.
2- Shirarkii hore kama muuqan inay lid ku yihiin gobannimada Dhulbahante iyo jiritaanka Khaatumo. Dadka shirarkaas loogu dhawaqay kuma ay jirin dadka u adeega labada maamul ee cadawga u ah Dhulbahante. Shirka Sarmaanyo waxa Garaad Saleebaan ku dhawaaqay in cid walba oo Ugaadhyahan ahi ka soo qaybgeli karaan marka lagu daro hor-gallada Hargeysa jooga iyo hoos-gallada Garoowe deggan ee Ugaadhyahan sheegta.
3- Waqtiyadii jilibadii Dhulbahante ee hore u shiray shirarkooda ku dhawaaqeen ma jirin shir Khaatumo oo la iclaamiyey ama soo dhowaa. Shirkan Sarmaanyo waxa la iclaamiyey waqti lagu dhawaaqay shir muhim ah oo Khaatumo leedahay lana ogyahay taariikhda uu qabsoomayo.
Arrimaha kor ku xusani waxay ina tusayaan in shirka Sarmaanyo loogu tala galay in lagu baabi’iyo shirka Khaatumo looguna adeego Faroole si uu doorashada Puntland mar kale ugu guulaysto. Waxa ujeedadu tahay in shirka Sarmaanyo jiitamo ilaa December ka dibna Garaad Saleebaan waraaqo u saxeexo ciddi rabta inay xildhibaan ka noqoto Puntland iyadoo xildhibaanadaasi u codaynayaan Faroole iyo inta uu cagaha ku xaadho. Waxa la qorsheeyey in mar haddi shirka Sarmaanyo la gaadhsiiyo December inaan markaas shirka Khaatumo qabsoomi karin khaasatan marka ay daka gasho xiisadda doorashada Puntland oo dhinaca garoowe loo yaaco.
Nimamka ka soo jeeda Gobolaka Cayn ee qurba joogta ah ee maalintii dhoweyd qoraalka magacyada badani ka muuqdaan ku taageerayay shirka Sarmaanyo dhammaantood waa taageerayaal Puntland iyo Khaatumo diid. Taageerada ay taageerayaan shirka Sarmaanyo danta ay ka leeyihiin waa inaan shir Khaatumo qabsoomin
Kuwa hindisay shirka Sarmaanyo markay arkeen in Ugaadhyahan badankiisu ka soo horjeedo shirkaas oo taageersanyahay shirka Khaatumo waxay taageero dhaqaale ka dalbadeen Puntland si uu u qasoomo shirkooda Sarmaanyo oo ay dhaqaale uga waayeen maal-qabeenka iyo qurba-joogta Ugaadhyahan. Si ay dhaqaalahaas u helaan waxa Puntland ka dalbatay in lagu soo dhoweeyo Taleex. Wixii intaas ka dambeeyey waynu la soconaa ilaa arrintu gaadhay in shacabkii Khaatumo ee Ugaadhyahan ee reer Taleex rasaas lagu furo afar qof oo saddex dumar tahayna lagu dhaawaco.
Axmed Karaash oo dadkii uu madaxda u ahaa rasaasta ku furay bal waxa uu ku dambeeyo la arki doonee. Garaadka Ugaadhyahanna hadduu badanka dadkiisa taladooda raaci waayo oo koox yar oo danahooda gaarka ah ee hoose ka fakiraya hadalka ka maqlo isaguna meeshuu ku dambeeyo la arki doonee.
Inkastoo shirka Sarmaanyo ku magacaabanyahay “Shir Ugaadhyahan” nin garboodka Ugaadhyahan in yar ayaa ka tegaysa sida muuqata maadaama Ugaadhyahan wax garadkiisu yahay taageerayaal Khaatumo. Haddii shirkaasi qabsoomo wax kasta oo ka soo baxa oo lid ku ah Dhulbahante iyo Khaatumo wuxuu noqonayaa hoogga abaabulayaasha shirkaas mar kastana waxa danta Dhulbahante ku jirtaa in shirka Khaatumo ka horeeyo kan Sarmaanyo ee Garoowe laga maamulayo.