Waxaan ammaan iyo salaan u dirayaa,dhammaan madax dhaqanka ummadda Khaatumo,intii lahayd hal abuurka NSUM,Shirkii Horseed,Khaatumo I,Khaatumo II , wagaradka iyo waxgalka kale dal iyo dibed. Waxaan tacsi iyo duco u dirayaa intii u geeriyootey amma u dhaawacantay amma dhib kale ku soo gaadhey halganka qadiyadeenna. Waxaan ammaan iyo bogaadin iyana u dirayaa inta qadiyadeenna u hurtay waxa ay jeerkaas awooddey. Guul waa talo iyo midnimo.
Maadaama qarnigan dunidu ka horumartay dhanka aqoonta iyo qalabka,waa daw in daawo loo raadiyo Masayr gaamurey oo soo taxnaa ilaa subaxa ay yeertay Cir Durug oo Dhul Durug oo Dhulbahante dhalay.
Laba walaalo ah oo midi rabo inuu kan kale gumeeyo,xumaan nooc ay tahayba aan kala maagin,midna rabo inay noqdaan walaalo siman oo isgarabsada yaa caqliga u dhow oo mudnaan leh,gartu way caddahay.
Waxaan rabo oo aniga qudha ii dan ah khasab ku yeel. Wixii aan kuugu taliyo hadal iyo ficil midnka ha ka keenin. Isku dir,kala qaybin,magac iyo hayb Dil,dal riix,barkicin,cuna qabatayn,ka been sheeg,eedayn,dacweyn,dal bixin,sheegasho,ku dawersi,faragelin,nacayb iyo cadaawad joogto ah, oo intaba marag iyo caddayn loo hayo. Ma tashan kartid,dal,dan,maamul iyo magac ma yeelan kartid,waxaan kuu garto keliya ku go’,kuna hadala’ow. Waa wixii Saciid Harti Hooyadiis hore u diidey,waa wixii awawgey gumaysiga ugu hub qaatay. Maanatana annagoo deeq Eebbe joogna ka buuxna naf iyo maal sinaba ku yeeli mayno,ku daale yelkadiis. Haddii kibir guur kugalay,haddii laac yari ku hodey,haddii hoggaan hunguri ku helay,Boowe habow iyo Had baa ku Wada.
Maanta cid waxa ina ku dhaantaa ma jirto,haddaan taladu ina seegin hubaal teennaa lays kugu iman.
Daalim iyo dulmi maalo tirsan bay jiraan. Idanka Eebbe guul dhaw baan arkaa. Ogaada sabur iyo midnimo.
M.H.Buraleh